Anigoo ku hadlaaya magacayga, magaca REER CABDI CARWO iyo kan Xaaskeyga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, walaalada, ehelka, qaraabada, iyo xigaalka uu ka geeriyoodey Marxuum Cabdiraxmaan Aadan Cabdi Libaax oo maanta 21/02/09 lagu aasay magaaladan Cardiff.

Marxuum C/rahmaan waxuu ahaa nin odaynimo, degnaansho iyo kalgacal badan, kaftan yaqaan ah, bulshaawi niyad wanaagsan oo dadwadeen ahaa. ILLAAHAY naxariis iyo dambi dhaaf ha siiyo, innagana samir iyo iimaan.Waxaa lagu xusuustaa hadal cad iyo cadaalad kolka gar loo dhiibo.

Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa ehelka, waalidka iyo walaalaha, iyo asxaabta wiilkeena gacanta gardarro ku dhintay Marxuum Xasan Maxamed Xawaadle oo habeenkii Jimcaha lagu dilay London. Waxuu ahaa dhalinta mustaqbalka wacan lahayd ee ummaddeenu u baahnayd, nin jaamacadda ku jira 19 JIr ah oo meel dheer iyo hoy wacan tiigsanaaya. Geeridu da' ma taqaan qofbana waa maalintiis. Waxa naxdin dheeraad ah leh inuu ku dhinto gacan aadmi. Waa sabab ee waxa dhab ah inuu cimrigii Illaahay u gartay dhammaaday. Waana arrin dhammaan ina sugaysa, Oon qofna maalintiisa dhaafayn.

Waxaan Cabdirahmaan iyo Xasan ILLAAHAY uga baryayaa dambi dhaaf, naxariis iyo inuu ku manaysto janatul fardows, dhammaanteena samir iyo iimaan.
 

 


Axmed Carwo

Cardiff  U.K