Interpeace Oo Axsaabta U Sheegtay In 1,200,00O Qof Kasoo Baxeen Natijada Serverka Ee Diwaangalinta

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Hay’adda Interpeace ayaa la sheegay in ay Axsaabta Siyaasadda u sheegtay tiro aan rasmi ahayn, isla markaana aan ahayn midda hordhaca ah ee la filayo in ay u gudbiso ee natiijada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha.Taas oo ay ka biyo-diideen Axsaabtu.

Waxaanay maanta saddexda Xisbi Siyaasi iyo Hay’adda Interpeace isugu imanayaan kulan la xidhiidha arrimahaas.

Inkasta oo aanu jirin War rasmi ah oo dhinacyada arrintani khusaysaa ay ka soo saareen arrintan, haddana siday Wargeyska Ogaal u sheegeen ilo xogogaal ahi, hay’adda Interpeace waxay Axsaabta u sheegtay in 1,200,000 (Hal Milyan iyo laba boqol oo qof) ka soo baxeen natiijada Server-ka ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, balse siday Wararkani sheegayaan maha tiradii hordhaca ahayd ee laga sugayay.

Hase yeeshee, waxay tiradan ku sheegeen in ay tahay tirade ay hadda hayaan. Warku wuxuu intaa ku daray, in saddexda xisbi kulankooda maanta si wadajir ah ugaga arrinsan doonaan soo-jeedin ka timi Khubarada ajaanibka ah ee gacanta ku haysa Serverka, kuwaasoo ku taliyay in loo baahan yahay adeeg kale oo aan hadda gacanta ugu jirin, kaasoo ay sheegeen in aan looga maarmayn wanaajinta iyo kala-hufid dhamaystiran oo lagu sameeyo dadka isdiiwaangeliyay.

Siday ilo-wareedyadaasi tibaaxeen, Interpeace waxay sheegtay in keenista qalabka Khubaradu sheegeen in loo baahan yahay ay muddo todobaadyo ah qaadanayso.

Hase yeeshee, xisbiyada ayaa sida la sheegay ka biyo-diiday soo-jeedintaas oo ay ku tilmaameen in aanay waafaqsanayn Xeerka Anshaxa Doorashada Madaxtooyada oo ay dhowaan wada saxeexdeen xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

“Heshiiskaa aanu wada saxeexnay waxa ku jiray in aanu aqbalo natiijada ka soo baxda Serverka, laguna soo saaro 27 July. Markaa, meesha ma taalo in haddana la yidhaahdo, adeeg kale ayaa loo baahanyahay, in natiijadu xilligaa la wada saxeexay ka dib dhacdana ma aqbalayno….Kollay beri (maanta) ayaanu ka kulmaynaa.” Sidaa waxa yidhi xubin sare oo ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka.

Waxaana la filayaa in saddexda Xisbi si wada-jir ah go’aan uga gaadhaan waxay ka yeelayaan soo-jeedimahan Interpeace.



Mar Wargeyska Ogaal isku dayay in uu faahfaahin ka helo tirada la sheegay in Hay’adda Interpeace u sheegtay Axsaabta iyo waliba halkay marayso hawsha natiijada Diiwaangelintu oo aanu Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay Madax-hoosaadka Barnaamijka Dimuqraadiyadaynta Somaliland Mr. Robin Zamora, wuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo arrintaa. ‘Runtii imika waxba idiinkama sheegi karo, balse wixii faahfaahin ah waanu soo saari doonaa.” Ayuu yidhi Mr. Zamora.



Dhinaca kale, Masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinka arrimahan u qaabilsan oo aanu Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu dhinacooda wax uga waydiino, ayaanay noo suurtogelin.



Geesta kale, xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo masuuliyiinta hay’adda Interpeace ayaa sidoo kale shalay kulan ku yeeshay xarunta Komishanka. Ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen kulankooda, hase yeeshee waxa la sheegay inay kaga wada hadleen arrinta Diiwaangelinta oo 16.07.09 loo balansanaa in Interpeace Xisbiyada ku wareejiso natiijada hordhaca ah ee ka soo baxday Mishiinka kala shaandhaynaya.


Hay’adda Interpeace oo wakiil ka ah Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamiga ah ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxay hore xisbiyada siyaasadda ugu wargelisay inay natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta ku soo saari doonto 16-kii bishan, isla markaana ay natiijada kama-dambaysta ah ku dhawaaqi doonto 27-ka bishan July oo maalmo koobani inaga xigaan.

Hase ahaatee, siday iftiimiyeen qaar ka mid ah Hoggaanka Axsaabta Siyaasaddu, haddiiba aan waqtigii ballanku ahaa la soo saarin natiijada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha, waxa iman kara shaki ku gedaaman arrimahan.



Source: Ogaal