Isbedelka Ku Dhacay Nolosha Iyo Dhaqankii Miyiga.

qaybtii 2-aad By: Mustafe Future.

 

 

 


Qaybtii hore ee Mawduucan waxaynu kaga Hadalnay isbeladda ku dhacay Oday dhaqameedkii hore iyo Haweenkii hore waxyaabaha ay kaga duwanaayeen Haweenka Wakhtigan jooga, waxaa iyana ka mid ahaa isbedlada ku yimi Dhismihii Aqal somaliga iyo Hab maamuuseedkii Wacnaa ee Guurka oo isna isbel badan laga dareemayo,

isbedalka nolosha miyigu waxay Saamayn badan ku yeelatay Cimilada iyo Deegaanka kaasi oo Jawi ahaan aad uga duwanaa kan magaalada Wakhtiyada Fasaxyadana dadka Magaalooyinku u Caano doonan jireen, waxyaabaha deegaanka iska beddelay waxaa ugu Waawayn Dhirta, waxaa fara baas ku haya Deeganadda Baadiyaha laba Geed oo la kala yidhaa Garanwaa iyo Kalidii noole, kuwaasi oo halka ay ka baxaan aanay wax kale ka bixin dhulka badankiisiina qabsaday nabaad guurna ku keenay saricii iyo daaqii kale ee dhulka Somaliland hodanka ku ahaa, waxaad moodaa in sanadba sanadka ka danbeeya geedka kalidii nooluhu ku soo badanayo Deegaankii iyo Beerihii Miyiga, kaasi oo haddii aan wax laga qaban dabar goyn ku haya Dhirta kale wadanka.


Falashada beeraha ayaa kaalin wayn kaga jirtay wax soo saarka dalka, taasi oo Cuntooyin kala duwan laga soo saari jiray wadanka balse waxaa isbedelkan danbe uu yareeyay Wax soosaarkii badanaa ee lagu tabci jiray beeraha wadanka gudihiisa ku yaala kuwaasi oo aan laga beerin waxyaabo badan oo wakhtiyadii hore laga soo saari jiray sida, digirtii, sareenkii, hadhuudhkii, khudaartii iyo waxyaabo kale oo badan oo Maanta magaalooyinka laga soo iibsado.


Isbedalka ku dhacay miyigu waxa kale oo uu Saamayn balaadhan ku yeeshay dhalinyaradda oo lagu yaqaanay karti badan iyo hawl karnimo, kuwaasi oo qaban jiray kaalinta ugu badan ee hawl maalmeedka reerka sida Falashada beeraha, Xoollo jirka, biyo dhaamiska reerka wakhtiyaa jiilaalka, Hawlaha kale ee kusoo kordha reerka oo kaalinta ugu mudan ay ka qaadan jireen, balse manta waxay marayaan heerkii ugu xumaa Mustaqbal ahaan iyo karti darro kuwaasi oo hoy ka dhigtay Daabiyadaha (Tuulooyinka) yar yare e u dhaw Deegaanada miyiga oo subaxda hore illaa Saqda dhexe lagu Mirqaamo, balwadaha kala duwan ee Qaadka, Sigaarka iyo Buuriguna jilbaha dhigaan.


Wakhtiyadii hore waxaa Ceeb ahaan jirtay in wiil dhalinyaro ah oo aan qaan-gaadhin uu isticmaalo balwad balse waxaa Wax iska caadiya noqotay in sagaal jirku isticmaalo Balwadda isaga oo aan ka qarsanayn waalidkii dhalay, hawshii reerkana aan waxba ka qabanayn illaa iyo balwadiisa lagu laaluusho, tusaale ahaan Wiilku marka uu galabtii qayilo, habeenkii waxa ay ugudaan ciyaaraha Miyiga halkaasi oo habeenkii uu kusoo jeedo subaxdii oodhana wuu hurdaa, galabtii marka uu tooso, waalidkiisa waxa uu ku qasbaa inuu udiyaariyo balwadiisa (Qaadkiisa) taasina waxay meesha ka saartay Ixtiraamkii iyo Maamuuskii uu lahaa wiilka dhalinyarada ah ee baadiyaha ku nooli.



Saamaynta isbedelka nolosha miyiga waxa aan iyana ka maqnayn oo uu meesha saaray Milgihii iyo dariiqii Haasaawaha loo mari jiray, wiilka dhalinyarada ahi waxa uu u sahan tagi jiray Ganayaankiisa waxaanu mari jiray dariiq sax ah oo sahan sugan ayuu qaadi jiray, marka uu ogaado inanta reerka uu sahanka u dirtay oo ah gabadh Reerkooda la yaqaano oo dhaqankooda la yaqaano, ayaa waxa uu ka raadin jiray maalintii ceelasha agtooda marka ay dhaanka keento iyo Beeraha xoolaha lagu eego, marka uu helo gabadhii uu sahansaday waxa dhex mari jiray haasaawe hufan oo aan turxaan lahayn, waxa uu dhinac ka istaagi jiray geed iyana dhinaca kale ayay ka istaagi jirtay, ka dibna inantu waxay ahayd gabadh xishood badan oo aan ragga kor u eegi jirin, barigii hore waxaa la yidhi lama guursan jirin inanta ragga eegta oo waxaa la odhon jiray waa ma xishooto, halkaana waxaa ka unkami jiray bilawga hore ee sheekada labada lamaane ee iscalmaday.


Haasaawihii noocaas ahaa ee lagu yaqaanay baadiyaha ee ku salaysnaa dhaqanka somalida ee lagu faani jiray waxaa iska bedelay waxyaabo badan, waxaana meesha ka baxay Gayaankii, Gacalkii, Xigaalkii, Xishoodkii, ixtiraamkii, jacaylkii lagu yaqaanay Dhaqanka somalida, waxaana soo baxay sheeko gaaban oo bilaa kalgacayl ah, oo bilaa haasaawe ah, oo bilaa ixtiraam ah , oo bilaa gayaan ah oo aan la kala garayn gacalkii iyo xigaalkii , taasi oo meesha ka saartay Dariiqii wanaagsanaa ee loo mari jiray guurka iyada oo la barigii hore la yaqaanay wiilka guurdoonka ah oo la odhon jiray wiilkaasi waa Maagane, gabadhuna ay lahayd haybad , ixtiraam, xishood, dulqaad iyo dadnimo wanaagsan oo lagu yaqaanay haweenka somalida.


Abwaan somaliyeed oo ka hadlay dhalinyarada wakhtigan ayaa waxa uu yidhi “Wiil muruqu duubmiyo mar haddaanu doob jirin, Naakhuudayaashiyo maxay tari maqaaradu” taasi waxay kuu cadaynaysaa in wakhtiyadaa hore dhalinyaradu xooganaayeen oo Aragtida lagu kala saari jiray doobka iyo odayga, maanta doobkii sabanka waxaad moodaa in wakhtigu haraatiyay.


Nolosha magaalada ayaa sida lawada ogsoonyahay ku tiirsan tan miyiga iyada oo aad moodo wakhtiyadan danbe in ay isku dhexmilmeen oo allaabooyinka dibada laga keenaa ay saameeyeen wax soo saarkii dalka iyo Agabkii, maacuuntii iyo weelkii wax lagu cuni jiray, tusaale ahaan waxaa lagu isticmaali jiray miyiga agab badan oo Dhirta laga sameeyo oo ay ka mid ahaayeen, Xeedhada, dhiisa, ubbada, quddaha, fandhaalka, masafta, hadhuubka, mooyaha, tibta, iyo koorta Geela. sidoo kale waxaa jiray Cuntooyin badan la beeran jiray lana isticmaali jiray sida, Soorta, garawga, galayda, digirta, sarreenka, xabagta, waxaa kale oo jiray geedo kale oo qaarkood la cuno qaarkoodna midhihooda la cuni jiray oo iyana dhulka ka soo baxa sida gacayrada, barashka, jooga-joogada, mawada, xamakawga,gacayrta, tama yuluqadda, likaha, kumbulaadhka, canbaluusha, mujulida, hohobta, dhuwanka, xobkiska, jaleelada, gobka, maydhaxda,madheedhka, doonbirta, manka iyo malabka, dhirtaasi oo badankeedu ahayd daawo qaarkood lagu dawayn jiray xanuunada ku dhaca dadka ayaad moodaa inay gabi ahaanba dabar go’day iyada oo dhulkii ay ka bixi jireen uu qabsaday geedka kalidii noolaha oo Xaalufin ba,an ku haya Deegaanka.



La soco Qaybta seddexaad……………



 

 

 

 

Mustafe future
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com