Iscasilaada Shirgudoonkii G/Dhexe + Khilaafka Cakiran + Cadhada Taageerayaasha iyo Cidhiidhsiga Xisbiga

 

Shirweynihii golaha dhexe ee dhawaan ka qabsoomay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa dibada u soo saaray khilaaf huursanaa mudo dheer u dhexeeyay hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo ay inbadan beenin jireen masuuliyiinta xisbigu.

Shirka Golaha dhexe oo ujeedadiisu ahayd in lagu soo xulo musharixiinta xisbiga uga qayb gali lahaa doorashooyinta 2009 ee fooda inagusoo haysa, in ladoorto gudidii golaha dhexe ee xisbiga, dhamaystirka xeer hoosaadka golaha dhexe iyo magacaabida hogaanka golaha dhexe ayaan intaba sidii loogu talo galay waxba uga suurto galin kadib is garbin laga dhex dareemay garabyo huursanaa oo golaha iska muujiyay.


Siday warbaahintu baahisay, sababaha ugu horeeya ee dhaliyay khilaafaadka ayaa lagu sheegay gacan maroorsi uu sameeyay gudoomiyaha xisbigu isaga oo adeegsanaya awooda jagada uu kufadhiyo. Waxaana lasheegay in gudoomiyuhu cadaystey in aan loo joojin doonin cid kasta oo kahortimaada qaabka uu hawsha uwado. Taasnia waxay sababtay in rag badani aanay kuqancin kana hormiyaadaan kalitalisnimada gudoomiyaha.

Waana ta dhalisay in madashii shirka ay kadilaacaan laba garab oo midiba ka kale ku eedeeyay inuu gacanta kuqaatay sharciyadii iyo qawaaniintii xisbiga.

Majirto ilaa haatan wax xal ah oo loohelay khilaafkii kadhashay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, Waxaana kusoo kordhay in shirgudoonkii golaha uu isna lakala saftey labada garab, halka G/xigeenkii shirgudoonka Maxamud Jamac Warfaa si cad ugu eedeeyay Gudomiyaha xisbiga in uu dusha uridan doono wixii meesha kadhacay, sidoo kalena xoghayihii Guud ee Golaha dhexe C/risaaq Ciyaale isna shalay iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbigaba isagoo ugu baaqay taageerayaashii iyo inta ay talo wadaagaanba inay go'aankan qaateen, kana tashan doonaan mustaqbalkooda siyaasadeed halka ay kutiirin doonaan.

Dadka siyaasada Somaliland rogroga ayaa khilaafaadkan kulmiye kutilmaamay dhaawicii ugu xumaa ee soo gaadha mid kamid ah sadexda xisbi ee kajira Somaliland. Waxayna aragtidani intaas raacay inay adkaan doonto dhayida dhaawacyada xisbiga kasoo gaadhay khilaafaadka ilaa maanta taagan. Halka ay aragti kalena leedahay, si kasta oo loo xaliyo khilaafaadka jira, kala jabka iyo is dhaleecaynta xisbiga dhexdiisa kasocotaa waxay meesha kasaartey rajo marka horeba liidatay oo xisbigu kaqabay doorashada soo socota ee Somaliland.

Khilaafaadkani, kuma eka hogaanka xisbiga uune, waxay saamay xoog leh uyeelatay taageerayaasha xisbiga oo lakala saftay garabyada xisbigu ukala jabay, waxaana maanta gudaha iyo dibadaba taageerayaasha Kulmiye qoloba kuwa kale ay waydiinayaan garabka ay lasafan yihiin, iyaga oo qolo waliba isku aragta inay iyagu saxan yihiin. Halka taageerayaal kalena isha kuhayaan halka uu xaal kudambeeyo.

Arintu saday doontoaba ha ahaatee, waxa aan marnaba lagu kala aragti duwanayn foolxumada siyaasadeed ee lasoo daristey xisbigii Kulmiye oo in badan wixii lagu xaman jiray dibada ugasoo baxeen, hadii aan si deg deg ah xal loogu helina, iskadaa doorasho ay galaane jiritaanka xisbiga ayaa meesha kabixi doona. Iyada oo kala jabkani faaido dhinaca kale uyahay xisbiyada kale ee ay tartanka lagali doonaan.

Dhinaca kale, arintani waxay fariin udiraysaa xisbiga talada haya ee UDUB oo aan wali shirweynihiisii golaha dhexe qabsan, hadii ayna kafogaan, shirweyne beelo lagusoo xulo, hadii ayna kafogaan, nin jeclaysi, ismahadin, isgarabyaac, danta shakhsiga ah iyo kala dambayn la'aan inay kudambayn doonaan isha cali kalulato.

Waxaana looga baahan yahay UDUB inay shirweynahooda golaha dhexe kusaleeyaan gobolo, iyada oo tixgalin gaar ahna lasiinayo gobolada xisbigu codadka badan kahelay iyo kuwa uu karajaynayo hada ee soo kordhay sida Gobolada Sool iyo Sanaag Bari, kuwaasi oo lafilayo inay gabi ahaanba codkooda kushubi doonaan xisbiga talada haya ee UDUB oo lagu tilmaamo xisbiga kaliya ee ay kamuuqdaan una siman yihiin guud ahaanba gobolada Somaliland.
 

 



Ahmed Ismail Abdi

Multimedia University
Malaysia