Ismaaciil Buubaa iyo siyaasiyiin kale oo ka digay saamaynta xiisada Kalshaale

 



Nairobi, 22 November 2010 (TNN- Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay dawladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa baaq u diray beelaha dhawaan ku  daga alamay degaanka Kalshaale oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Siyaasiyiintan oo kala ah, Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), Cali Baashe X. Maxamuud iyo  Maxam u ud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), isla markaana ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo shalay si wadajir ugu waramay Telefishanka Horn Cable, waxay baaq u direen beelaha dhawaan ku  dagaalam a y deegaanada u dhexeeya Qori-lugud iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay u soo jeediyeen inay wadahadal u bedelaan xiisada u dhexaysa.

Ugu horayn Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo halkaas ka hadlay, waxa uu Somaliland ku amaan ay sida looga hawlgalay nabadaynta dagaalkaas. "Arrinta dagaalka ee ka socda dhinaca bariga  Som aliland, waa dagaal aan cidina ku liibaanayn, waa dagaal inan iyo abtigii ku dhimanayaan, waxa la  qaa tay intay goori goor tahay in si degdeg ah loo soo afjaro, wixii dhintayna dhinte, waxa la qaatay  dad ka in si wanaagsan loogu taliyo. Waan hubaa odayaasha Somaliland haka yimaadeen dhinaca dawlada ama dhinaca dadweynaha ama dhinaca Culama'awdiinka iyo dhalinyaradaba’e, in arrintaa loo  guntad ay oo laga shaqaynayo. Waxaan aad iyo aad u rejaynaynaa beelaha is-haya inay u dhega  nuglaada an waxay danta guud tahay iyo waxay dantooda gaarka ahiba tahay oo ah in dadkaa walaalaha ahi ay nabad ku wada noolaadaan," ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Buubaa. "Waxaan leeyahay Isimada, garaa dada iyo dawladaba arrintaas waa in aan laga daalin, waa in si degdeg ah loo soo af-jaraa, markay arrintu sii dheeraataba waxa laga yaabaa inay dhibaatadu sii korodho. Sidaa darteed, waxa loo  baah an yahay in arrinta loo soo af-jaro," ayuu raaciyay.

Cali Baashe Xaaji Maxamuud ayaa isaguna sheegay in meelaha dagaalku ka socda ay tahay  deegaan kiisii, isagoo xusay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu dagaal ka dhaco deegaankaa. "Waxaan ugu baaqi lahaa colaadi waxay tahay waxaan filayaan inay Soomaali maanta ogtahay, laba reer oo is-laaya maanta xaajo ugu horeysay Soomaali maaha, waxani waa wax la yaqaano oo dhici jiray, si  dha qan baana loo xalin jiray, gaar ahaan beelaha deegaankan oo run ahaantii aan anigu ka soo jeedo oo aan ku dhashay Buuhoodle, taariikhdana wax cusub maaha inay labadaa beelood is-laayaan, hore  da aq iyo geel way isku soo laayeen. Markaa arrintaas halkaa ay joogto inay dhaafto maaha, waxaanan u soo jeedinaynaa oo aan ugu baaqaynaa inay si degdeg ah u joojiyaan dagaaladaas," ayuu yidhi mr. Cali Baashe.

Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo isaguna ka mid ah siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka uu dagaalku ka dhacay, ayaa tilmaamay in deegaankaas aanay ka jirin adeegyada bulsho ee aasaasiga ahi, waxaanu tilmaamay in dagaalka waqtigana uu ku sii kordhinayo dhibaato nololeed. "Anigu meesha waan aqaanaa, waa meel dadkaygu degan yahay, meeshaasi waa meel aan iskuul  lah ayn oo aan cusbitaal lahayn oo aan dhaqaale lahayn, dhibaatada maanta ka dhacdayna tii hore ayey sii laban-laabaysaa. Dadkaasi maanta dagaal uma baahna, balse waxay u baahan yihiin inay iskaashadaan," ayuu yidhi Mr. Sifir.



Source:Wargeyska Ogaal