Ismaaciil Buubaa oo Meel-ka-dhac ku Tilmaamay inuu Cafis u Qaato Booqashadiisa Somaliland

 



 

"Aniga iyo Cismaan Kalluun in la na yidhaahdo cafis soo waydiista meel ka dhac bay ilaa muuqataa… In aan Hargeysa tago cid aan uga baahanahay inaan fasax uga qaato ma jirto oo markaan doono ay aan tagayaa” Ismaaciil Hurre Buubaa

Nairobi (TNN)- Md. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee  aamins an mabda’a Soomaaliweyn, ayaa caddeeyey in aanu cidna fasax u waydiisan doonin booqasho uu  sh eegay inuu ku imanayo Somaliland, isaga oo xusay inay meel ka dhac ku tafay inuu fasax u qaato imaatinka Hargeysa.

Md. Ismaaciil Mahdi Buubaa oo magaalada Nairobi ugu waramay Telefishanka HCTV, waxa uu  taageer ay booqashadda uu siyaasiga kale ee Soomaaliweynta aaminsan ee Cismaan Kalluun ku joogo  Somalil and, isaga oo sheegay in aanu garanayn cafiska laga doonayo siyaasiyiinta aaminsan figradda  Soom aaliweyn ee doonaya inay Somaliland yimaadaan.

“Somaliland waan tagayaa wakhtiga arrimaha aan wataa si wanaagsan iigu dhammaadaan, iyada oo ay sidaa tahay aniga waxay ila tahay in aniga iyo Cismaan Kalluun la na yidhaahdo cafis soo waydiista meel ka dhac bay ilaa muuqataa, garana maayo cafiska dadkani ka hadlayaan, laakiin waxaad moodaa in arrimo la soo dhaafay ay wali ka guuxayaan dadka qaarkii, aniga waxay ila tahay arrimahaa  wakh tigoodii way dhammaadeen.

Aniga waxay ila tahay qofka Somaliland u dhashay ee imanaya fikirkiisa siyaasadeed xor buu u yahay oo Somaliland cidi kama xigto, isagayna u taal waxa uu u qabanayo, kolkaa aniga waxay ila tahay  arri maha noocaa ah ee dadka kala fogaynaya in laga waantoobo, arrimaha laga bogsadayna in la soo  fo qo maaha cidna dan uma aha.

In aan Hargeysa tago cid aan uga baahanahay inaan fasax uga qaato ma jirto, kolka aan doonana waan tagi doonaa.



Source:Jamhuuriya Online