Ka siddeetan sabaan calankaanu sugaynay konton sannadood baa ka danbeeyey

Istiqlaal iyo Sitiin waxa ay ka mid ahaayeen magacyadii aadka loo jeclaa in loo bixiyo ilmihihii dhashay 1960kii. Dadku inta badan marka ay dhaafaan afartanka ma jecla in da'da la  sheeg sheego, laakiin qofkii dhashay lixdankii ee magacaa quruxda badan loo bixiyey maanta waa konton jir. Konton sannadood baa ka soo wareegtay 26 juun 1960kii.

Ilaahay ha u naxariistee halyeygii, wadaniga ahaa, maansayahanka ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed Timacadde, waxa ka mid ahaa geeraarkii caanka ahaa ee Kaana Siib Kanna saar: "Ka siddeetan sabaan calankaanu sugaynaye, Sahankiisa ahaynoow Seermawaydo  hillaacd ayoow. Maalintii uu sidaa lahaa waxa laga joogaa 50 sannadood. Isaguna waxa uu  tilmaama yey in siddeetan sannadood oo maalintaa ka horreysay aynu ku jirnay mugdi. Waxa kale oo ka mid ahaa geeraarkaas: " saqdhaxaanu ahayne kii soo saaray cadceeddoow" Isweydiintu waxa ay tahay mugdigii miyeynu ka baxnay? Adigaan kuu daayey akhriste.


Waxa aad dib u eegtaa magaalooyinka Somaliland. Magaalada Hargeysa, cusbitaalkii  ingiriis ku dhisay afartameeyadii ayaa weli u ah Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa---waar miyaan ummadi ku noolayn dhulka? Maxaa dhacay? Sowtii aynu saaxirkii kala guurnay ee  ka dabaa nidhi, maxaa qaldamay---waynu garanaynaa isla markaa garanmayno waxa aynu ku soo dhaafnay 50 sannadood. Marka la buuxiyo konton guuro si gooniya ayaa loo  debbaal  d egaa. Maantase garanmaayo wax aynu ku debbaaldegno. Haa, haa waxa aan illoobay  doora shooyin baa socda oo waxa ay UCID iyo KULMIYE yidhaahdeen suxullada ayaa ka leefaysaan marka aanu la wareegno xukunka. Muxuu yidhi UDUBNA? Haddii aad shan sannadood iigu  dar taan, waa arki doontaan sida aan malab idiin dhexgeliyo.


Lixdankii ( Ma aan jirin mana joogin ifka) ee waxa aan maqlay in dadkii loo sharxi kari waayey qaranimadu waxa ay tahay. Dabadeed siyaasiyiintii xilligaa waxa ay dadkii ugu sharxeen in qaranimadu tahay sida hal qurux badan oo magaceeduna yahay Maandeeq. Waxa kale oo ay ku qudbadayn jireen: " Buuruhu waxa ay noqon doonaan Kimis (Roodhi) badda iyo dooxuna maraqbay noqon doonaan, dabeeto waa la isku dhuuqayaa. Bal halkaa inoogu yara haki, wa xa aad dib u jalleecdaa maalintaa 26 juun 1960-kii iyo maanta maxay ku kala duwanyihiin.

Dabcan waxbadan ayey ku kala duwanyihiin, laakiin waxa ay iskaga mid yihiin in aan weli la garanayn waxa ay tahay Qaranimo. Waa maxay Qaran? Waxa kale oo ay iska shabbahaan, sida ay siyaasiyiinta maanta u sheegayaan beenta cad ee aanay berri ka bixi karaynin. Dadku waxa ay u baahanyihiin isbeddel caafimaad qaba. Waxa ay u baahanyihiin wax faraba dan, laakiin maanta cidina ma awooddo oo cirka malab ka soo shubi mayso.


Waxa ayse u baahanyihiin in qodobada muhiimka ah wax looga qabto. Haddii Xisbi kastaaba uu ka doodo qodobka ah maxaa ugu muhiimsan ee ummaddani u baahantahay, oo uu kala  so o baxo 10 qodob oo muhiim ah. Dabadeedna qodobkasta u sameeyo qorshe dheer iyo mid  g aaban una sheego dadka, wax badan bay dadku fahmi lahaayeen. Maantase waa  jaha  ware er iyo lixdankii halkii la taagnaa oo malaa weliba dib looga yara ciiray. Marka qaladaadku kuu muuqdaan waa marka nabadi jirto. Sidaa darteed haddii aad aragto qaldaad la tilmaamayo waxa ay macnaheedu tahay waxbaa jira oo dee nabad baa jirta. Waxa jira maamul iyo kala danbayn sidaasaa ay ku muuqataa wixii qaldan ee sixidda u baahan sidaa awgeed Somaliland kala danbayn baa jirta maanta. Halkaa innoogu jooji xaaladda maanta.


Ummadani (reer somaliland) Taariikh ma leedahay?. Waxa aad la soo boodaysaa haa way  le edahay? Waxa aanse ogahay in dadka iyo dalka taariikhdiisii ay god madaw ku sii siqayso, in badanina ay luntay. Aan ku weydiiyee qaaddiyadii ka talin jiray Somaliland imisay ahaayeen? Magacyadoodii ma haysaa? Maxay qaban jireen? Kollay mid reerkiina ah ayaa laga yaabaa in aad xasuusantahay, laakiin taasi maaha taariikh uu qaran leeyahay ee tii guud oo qoran ma haysaa. Tusaale ahaan waxa aynu qaybsannahay in gumaysigii ingiriisku uu dadkeena  guma ysanayey in ka badan 80 sannadood. Waxa aan ku odhan karaa erayga gumaysi maba soo marin dhulka somaliland. Waa marka hore'e maamulkii Ingiriisku waxa uu u yaqaannay dhulka somaliland (Somaliland protectrate) marnaba dhulkeenu ma uu noqon dhul uu iska leeyahay saancaddaaluhu. Ta labaad dalkeena waxa lagu maamuli jiray shareecada islaamka, oo  maga alo kasta waxa ka jiray xafiiska Qaaddiga oo qaabilsanaa arrimaha qoyska oo dhan. Dabcan Ingiriisku si yar siyar ayuu maamulkiisa iyo xeerarkiisa ugu maamulay dalkeenna laakiin uma uu badheedhi karayn. Mana uu baabiin karayn xafiiska qaaddiga. Waxa jiri jiray qaaddiga  gu ud oo fadhiggiisu ahaa Hargeysa.


Horraantii todobaatanaadkii ayaa dawladdii milleteriga ahayd ku dhowaaqday xafiis ka soo horjeeda kii qaaddiga ama shareecadii islaamka ee la siku maamulayey. Waxa ay ku  beddes hay xeerka qoyska. Labadaa jeer goorma ayeynu gumaysi ku hoos jirnay. Weliba culimadii sida tooska ah u caddaysay oo uga hadashay qaladkaas na dhegta ayaa dhiigga loo daray, ilaahay ha u naxariistee. Akhriste waa maxay gumaysi waa marka fikirkaaga la cabbudhiyo ee ilaa heer dil laguu adeegsado. Si kastaba xaalku ha ahaadee. Dalka Somaliland iyo  dadkii su ma waxa ay qoran kari waayeen taariikhdoodii? Maamulka Daahir Rayaale waxa uu dalka ka talinayey sanaawaad ee ma waxa uu xataa qori kari waayey ummadan taariikhdooda dhabta ah. Waxa aan qoraalkayga ku soo afmeerayaa ha loo hiiliyo Qaaddiyadii dalka ka soo talin jiray ee taariikhdooda mugdiga la geliyey.


Heshiisyadii dhexmaray odayaashii reer Somaliland iyo Ingiriiska ma beenbay ahaayeen? Ma aragtay heshiiskii oo saxeexan? maya ee waa la lahaa---taasi taariikh ma aha ee raadso  ta ariikhdaada. Heshiisyadan ku soo jar qoraalka akhriskiisa, mana garanayo in aad wax ka  faa idaysatay iyo in kale. 1827 kii heshiis baa Berbera ka dhacay, 1839-kii mid kale, 1856kii mid kale, 1885kii mid kale, 1886kii mid kale. Intaaba odayaal soomaaliyeed baa la galay ingiriiska, laakiin kii uu Ingiriisku la galay boqorkii Xabashida ee dhacay 1897kii oo intaa horeba ka danbeeyey ayuu ingisriisku ka dhigay kii sharciga ahaa waana ka lagu sameeyey xuduudda Somaliland.


Konton sannadood baa laga joogaa maalintii uu innaga tegey Ingiriisku? Dhakhtarkii lama bedelin, laamidii lama beddelin, guryihii shacabka ayey dawladdu u hoyataa, ku darsa'oo ingiriiska ayeynu ictiraaf ka sugaynaa, ku darsa'oo ingiriiska ayaa lacagta inna siiyey aynu doorashada ku gelayno.


Markabey dalkii waxa bannaan in aadan doonayne

Dugsi kulule Doonbiraley iyo degelkii reerwayne

Darroorimada laantii lahayd laysu dacareeye

Diqda qaayib awrtana la daaq, deeq allaad suguye

......................................Ismaaciil Mire 1935kii




Nabad iyo caano
 

 

 

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf
Sweden