Is-xambaar Qormadii:
4aad By: Boobe Yuusuf Ducaale
La-ye: “Oodo-dhacameed, siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraa.”
Aynu ku noqonno Golihii Wakiillada ee in ay tooda ka taliyaan
mooyaan e’, tii ummadeed iyo tii dhuleedba iska illoobay. Xilliga ay
joogaan waa muddo-dhaaf. Waxay ku meeraystaan oo ay ku andacoodaan:
waxaasaan diyaar ahayn iyo waxaasaan la hayn. In ay doorashooyinku
xilligooda ku dhacaan waxa ka mas’u ul ah xukuumadda iyo xeer-dejinta,
ka-sokow in uu Komishanka doorashooyinku shaqadiisa ka guto.
Intaas oo sannadood iyaga oo muddo-dhaaf inagu ah ayaanay haddana
xukuumadda lafteedii ka baxsanayn. Xeerarka soo mara inta badan
waxay eegtaan in ay xanjo yar ku dhejisan karaan iyo in kale.
Berigii dhaweyd waa tii la keenay xeerkii Madaxweynayaasha iyo Ku-xigeennada
xilka ka dega iyo xuquuqdooda. La-ye, marka aanu annaguna xilka ka
dgeno goorta ay doontaba ha noq oto e’, waa in sannad mushaharkii
nala siiyaa. Iyagaa marsaday, markii lagu soo wadayna xukuu maddan
aynu ka cabanaynaa waa ay ka baqaysay in ay sidaa u dhacdo. Bal, se
waxay ku heshiiy een in ay digo iyo dambas kala iibsadaan.
Dastuurka qaranka kuma taal wax la yidhaahdo Shir-guddoon iyo awood
Guddoomiye midnaba. Laakiin xeer-hoosaadka Golaha wakiillada ayay ku
taallaa. Waa Goalahan hadda jira, maxaa yeel ay kuwii ka horreeyay ma
ay lahayn oo marna Axmed Cabdi Xaabdsade ayaa xilka Guddoomiyaha
hayay, marna Axmed Maxamed Aadan, Qaybe.
Dhibaatooyinka ugu badan dalka haysta waxa ka mid ah aafada is-xanbaarka.
Sheekada Shir-gu ddoonka beryahan ma maqallo, waayo xilkeedii waa ay
gudatay oo wuxu ahaa dhisme loo samay stay sidii Daahir ra’yaale
Kaahin xilka looga qaadi lahaa. Shir-guddoonkii belaayada ahaa ee ay
ku-xigeennadu Madaxweynaha u jawaabi jireen halkee ayuu ku dambeeyay?
Berigaana is-xanba arku waa uu jiray oo Kulmiye iyo UCID ayaa is-xanbaarsanaa
si ay Daahir ra’yaale Kaahin u khaar ajiyaan.
Dhowr jeer ayaan u soo lignaa Daahir Ra’yaale Kaahin oo intii uu
Madaxweynaha ahaa calaacala ya oo leh maalintii aan oggolaaday in
mucaaridku Golaha Wakiillada hoggaamiyo ayaan qaldamay.
Waa dhacdo ugub ah in ay wasaarad aan Maaliyadda ku shaqo lahayni
Golaha Wakiillada hor kee nto xeer saameeya takaaliifta iyo cashuurta.
Ma aha markii koowaad, waa se markii labaad. Mid saddexaad oo
socdana waa la sheeg-sheegayaa. Ma maqli jirteen: “Wallaahi haddii
aan karintaa laga guurin, in ay Goroyo heeryaysani ka soo dhici
doonto,” Waa tan maanta taagan oo kale. Waxba kuma aha maamulka ina
hoggaaminaya in berri Wasaaradda Kalluumaysigu inagu keento xeer
Duur-joogta xakamaynaya.
Aad ayaa looga qayliyay xeerkan lagu kordhiyay cashuuraha, in kasta
oo ay jireen dad taageers anaa oo dantooda eeganayay, bal se aan tu
ummadeed haabka aan ku haynini. Jilayaasha ugu darnaa waxa ka mid
ahaa Xisbiga waddani oo la garan waayay meel uu ka taagan yahay
xeerkan aan la mahadin.
Guddoomiyihii Xisbigu, waa Guddoomiyaha Golahan Wakiillada ee
halaq-mareenka noqday. Guddoomiye-ku-xigeenkii 1aad, Axmed Muumin
Seed waa qaylinayaa oo warka wuxu ka soo dawinayaa Boorame isaga oo
sheegayay in baabuurtii tigaadi ka dul baxday. Qayb kale oo Xisbiga
waddani ka mid ahi waxay shir-jaraa’id la qabteen Xisbiga UCID iyaga
oo ku baaqayay in muddaaharaad la isugu soo baxo. Bal ka warrama.
Xisbiga UCID tamari meel ay dhigtayba waa qaylinayay mar uu Waddani
wax la soo saaro, mar uu Guddoomiyahoodu Madasha Wada-tashiga garab
joogsado, mar uu Af-hayeenku qaylo-dhaan meel walba u diro. Xataa
Murashixii Madaxweynaha ayaan aammusin.
Ma Kulmiyaa! Sidii 26kii Juun, 2010kii doorashadii u heleen, sidii
islaantii ayay yidhaahdeen: “dhulow kaama kaco,” si’ looga fujinna
mooyaan. Xisbigaasi meel uu ku dhibcay ma haynno, xukuumaddiina dar
kalaa u soo hadhay oo dhacanta u jiitay.
In kasta oo aanay wasiirradu u dhammayn, haddana xukuumaddeennii
qayladii ayaa ka dhamma atay. Waxay ku cataabayaan: “Waxaanu qabannay
maxaa loo arki waayay?” Oo tolow xukuuma ddu miyaanay xukuumad ku
ahayn in ay wax qabato oo aanay taasi waajibkeeda ahayn. Ma cid baa
xil loo diray lagu ammaanaa? Dadkan xukuumadda haysta yaa dirtay?
Miyaanay Xisbi furan? Miyaanay doorasho doonan? Miyaanay olole gelin?
Miyaanay Buug yar oo caantayn ah naga siisan codadkii dadweynaha?
Miyaanay odhan waxaasaanu qabanaynaa? Ma wixii ay doorashada ku
galeen ee ay ballan-qaadeen ee aanay intoodii badnayd oofin ayay
doonayaan in durbaanno loogu tumo?
Waxaan ogaa beryaha qaar oo dumarka hadhuudhka iibiyaa ay wafeyn
jireen oo galaanka ama dheglayda ay buux dhaafin jireen. Dumarka
caanaha iibiya ayaa iyaguna koobka laga iibsadaba raxayn jiray oo
buux dhaafin jiray. Xukuumadda waxaanu leenahay marka aad wafeysaan,
marka aad raxaysaan ee aad wixii idiin qornaa wax badan samaysaan
danba waa la idiin ku sacabbo tumi.
Soomaalidaa, waxay ku maah-maahdaa: “Leyligu biyaha uurkiisa ku jira
ayuu ka didaa.” Wasiirra da oo dhan ma aha ee inta qaylinaysaa waxay
og yihiin waxa dhacay, markaas ayay is-leeyihiin qaylo-dhaan iyo
catow ayaad ku qarin karaysaan.
Xukuumaddu wax waa ay qabatay oo lama dafiri karo. Gees marka aad
iska taagto wax badan oo maaddiya waa ay ku dhaantaa xukuumaddii
hore ama kuwii ka horreeyayba, oo taa la iskuma ha ysto. Derbiyo
dhaadheer oo cas-cas oo qurux badan waa ay samaysay iyada oo laga
rajaynayo in ay gobolladana gaadhsiin doonto. Biriishkii xukuumaddii
hore ka tagtay waa ay dhistay. Mushaharkii shaqaalaha waa ay
kordhisay. Madaarkii Hargeysa lakab cusub dhabbaha dayuurad aha waa
la saaray. Dhismaha madaarka dhal-dhalaal waa lagu kordhiyay.
Derejedii ciidammada waa la bxiiyay ee hortood la kari waayay. Intaa
iyo in badan oo kaleba waa qabateen, waxaanu se u aragnaa niman
waajibkoodii qayb ka mid ah gutay. Ma sacab iyo durbaan ayaad ku
doonays aan?
Sidaa ay tahay inta aad bi’iseen ayaa badan. Xisbiyo ma jiraan, oo
waa sabata ay Madasha wad a-tashigu u samaysantay. Madasha waa la
sameeyay. Waa fal-celis ka dhashay dhaqammada xukuumadda.
Golayaashii qaranku waa wada ‘Rambas’. Waa erey-bixintii turubka oo
waa marka la soo rogan waayo.
Shir-beeleedyo aan dhammaanayn oo ma-dhalays ah oo ku taxan Gar-adag.
Milgihii iyo hannaan kii dawladnimo oo sii shiikhaya. Dhismihii
Hay’adaha oo hagaasay. Musuq, eexda, qabyaaladda iyo doorashooyinkii
oo laga dardaar-werinayo.
Xukuumadda waxaan ku odhan lahaa haddii la xisaabtamo, meel aad ka
baxdaan heli meysaan e’ qaylada yaraysta.
Dhammaad
|