Itoobiya Iyo Somaliland Oo Kala Sexeexday Heshiis Iskaashi Oo Amniga La Xidhiidha

 

 

 


Hargeysa,July 27,2011 (TNN)- Xukuumadda Somaliland iyo Dawlada deegaanka Soomaalida ee dalka Itoob iya ayaa maan ta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis iskaashi oo la xidhiidha dhinaca amniga, waxaana la sii daayay gaa diid ka tagay Somaliland oo ku xidhnaa Itoobiya.

Heshiiskan waxa u saxeexay Itoobiya Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Cabdi Muxumed Cu mar halka Somaliland-na uu qalinka ugu duugay Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Cabdi Muxumed Cumar, ayaa ka hadlay ahmiyada uu heshi iskani leeyahay waxaanu yidhi "Si wanaagsan ayaanu u dhamaysanay dawlada Somaliland iyo dawlada Fede raalka Itoobiyana waa laba dal oo danahooda siayasadeed, dhaqaale iyo bulshaba isku xidhan tahay.heshiis qadiimiya oo soo jireen ahna ay lahaayeen labada shacbi."

"Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo dantoodu isku xidhan tahay oo aan kala maarmi Karin dhinac kasta oo laga eego. Markaa waxaan halkan ka caddaynaynaa inaanu dhamaynay wax kasta oo nabad diidku ka f aa'iidaysan karo, waxa kale oo aanu daboolay wax kasta oo galdaloolo ah waxaana aanu kala saxeexanay heshiis waafaqsan mid waafaqsan sharciga iyo shuruucda isla markaana xeerinaya isku socodka shacbiga labada dal iyo daris wanaaga,"ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay heshiiskan waxa uu yidhi "Heshiiskani waxa uu ku taagan yahay tiirarka mustaqbalka loo jeexayo iskaashiga labada dal, wuxuu leey ahay dhinacyada Nabadgelyada, dhaqaalaha, horumarineed iyo siyaasadeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida kaalinta uu ka qaatay heshiiskan, waxaan iyagana u mah ad celinayaa Guddidii heshiiskan soo diyaarisay iyo madaxdii labada dal ka socday ee illaa Salaasadii wada fadhiyay ee wax isla faaqidayay."

"Waxaanu u xaqiijinaysa cid walba oo tuhun yar ka qabtay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya iyo cid walba oo doonaysay inay ka faa'iidaysatos waxaan u sheegaynaa inaanu nahay saaxiibo gacmaha is haysta hore na u ahayn,"ayuu yidhi Dr. Gaboose.

Wasiirku waxa uu sheegay inay labada dawladood balan qaadayaan inay si wada jir ah ula dagaalamaan w ax uu ku tilmaamay nabad diidka iyo Argagixisadda.

"Waxaanu si wada jir ah oo isku niyad ah aanu ula wada dagaalami doonaa Argagixisadda iyo Nabad diidka iyo wax kasta oo wada jirkayaga xumaynaya,"ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu waxaanu intaasi ku daray "Wa xaan uga mahad celinaynaan inuu Madaxweynaha dawlada deegaanku ogolaaday in wixii heshiiskaasi ka ho reeyay oo ay ka mid yihiin Gaadiid Somaliland ah oo aad u badan oo illaa konton ah oo ku xidhnaa Itoobiya in ooda laga qaadayo."
 

 

Source;Somaliland.Org