Itoobiya Oo Cadaysay Inaanay Faa’iido Ugu Jirin Dawlad Aw ood Leh Oo Somaliya Ka Dhalata, Sheegtayna In Aqoonsi Somaliland Heshaa Caqabad Ku Noqonayo Danaheeda


 

 


“Odhaahda ah in Somaliya mar kale ka dhisanto nooc dawlad ah, nabad, dimuqraadiyad iyo horum ar Somaliya ka hirgalla Itoobiya Faa’iido uguma jirto”Wasaarada khaarajiga Itoobiya


“Somaliya waxa jira dekado badan oo Itoobiya u suurto-galin kara hawlaheeda, marka laga soo bi laabo dekeda Saylac oo taariikh dheer Itoobiya isticmaalaysay” Siyaasada Itoobiya ee Somaliya

 


Addis-Ababa (TNN) – Dawlada federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay aqoonsi ay Somaliland ka hes ho beesha caalamka iyo dalalka Afrika ee ay ka mid tahay, waxayna muujisay in aanay raali ka aha yn in Somaliland aqoonsi hesho.

Dawlada Itoobiya ah oo dawlad guun ah oo ay ku nool in ka badan 82 Milyan oo ruux oo kala qoomi yado ah, ayaa shaacisay siyaasada ay ka leedahay dalka Soomaliya oo ay hadda ciidamo ka jooga an iyo waliba Somaliland oo ay u aragto in nabadgalyadeeda ay faa’iido ugu jirto.

Wasaaradda arimaha dibada ee Itoobiya ayaa Website-keeda gaarka ah ku baahisay qoraal dheer oo ay ciwaan uga dhigtay “Siyaasada Itoobiya Ee Ku Waajahan Somaliya”, kaasi oo ay ku faaqiday dhibaatada ka taagan Somaliya iyo haddii dawlad awood lihi ka dhalato dhibaatada ay filan karto iyo faa’idada ay ku qabto wakhtigan guud ahaan dalkii Somaliya la isku odhan jiray.

Qoraalkan oo ku daabacnaa luuqada Afka Ingiriisiga ayaa lagu sheegay in aqoonsi Itoobiya gacan ka geysato oo Somaliland hesho aanu Itoobiya dani ugu jirin, iyadda oo wasaaradu sheegtay in a  qoonsi Somaliland Itoobiya ka hesho uu saamayn xun ku yeelanayo danaha ay ka leedahay Somali ya, iyadda oo sidoo kale muujisay sida aanay u danaynayn dawlad Somaliya ka dhalata “Odhaahda ah in Somaliya mar kale ka dhisanto nooc dawlad ah oo soo celisa nolosha, nabad, dimuqraadiyad iyo horumar Somaliya ka hirgalla Itoobiya Faa’iido uguma jirto”ayay wasaarada khaarajiga Itoobi ya qoraalkeeda ku tidhi, waxayna intaa ku dartay iyadda oo ka hadlaysa aqoonsi Somaliland hesho “Su’aasha ku salaysan Somaliland oo loo aqoonsado dawlad, Itoobiya uma qorshaysna inay si gaar ah u samayso, maxaa yeelay waxay dareen xun ku abuuraysaa Somalida kale ee nabada ku nool (Maamulada kale), taasina warwar ayay ku tahay danahayaga”

Itoobiya waxay sheegtay in wada shaqeynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo gobolada Somaliland ku jir to aanay ka mid ahayn in la aqoonsadaa “Sidaa daraadeed wada shaqeyntayada Maamulada kuma jirto inaanu aqoonsano”ayay tidhi war-bixinta wasaarada arimaha dibada Itoobiya baahisay, waxa yna intaasi raacisay in dekedaha Saylac ka mid tahay ay isticmaalayeen ilaa muddo fog “Somaliya waxa jira dekado badan, kuwaasi oo Itoobiya u suurto-galin kara hawlaheeda, marka laga soo bila abo dekeda Saylac oo taariikh dheer Itoobiya isticmaalaysay iyo ilaa Kismaayo”

Wasaarada arimaha dibada Itoobiya oo sidoo kale qoraalkeeda ku muujisay in Itoobiya qorshayna yso inay dhaamam ka sameeyaan wabiyada Itoobiya ka yimaada ee Somaliya galla, ayaa waxa ka le oo ay muujiyeen in Somalida Itoobiya ee ku dhaqan kililka shanaad ay la midaysan yihiin qoomiy adaha kale ee Itoobiya, isla-markaana ay ka yaraatay aragtidii Soomalinimadu.

source:Waaheen