Itoobiya Oo Sharci ay ku joogaan u ogolaatay Ardayda Somaliland ee Dalkeeda wax ka barta


Hargeysa (TNN):- Dawladda Itoobiya ayaa ogolaatay in ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkaasi ay siin doonto ciqaamado waxbarasho oo u suurto geliya inay Itoobiya ku sii joogaan.

Tallaabadani waxay ka dhalatay kulan ay maanta yeesheen Wasaaradda khaarajiga Itoobiya iyo Safiirka iyo Safiir ku xigeenka dawladda Somaliland u fadhiya Addis-ababa.Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka wasaaradda Khaarajiga Somaliland Axmed Yuusuf Cimi Suudi, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Safiirka iyo safiir ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia waxay wasaaradda arrimaha dibedda dalka Ethiopia kula kulmeen agaasimaha waaxda afrika ee wasaaradaasi iyo wakiilka dalalka jaarka waxay ka wada hadleen


1)-Fiisaha & ciqaamada ardayda reer Somaliland ee Ethiopia wax-ka barata dalkaasi, ka dib markii ethoipa go’aansatay in dib u eegis lagu sameeyo ciqaamaadaha dadka ajaanibka ahi ku joogaan dalka Ethoipa oo ay ku jiraan dadka Somaliland u dhashay.

2)-Waxay isku afgarteen in ardayda Somaliland ee Ethiopia dagen waxna ka barta dalkaasi in ay safaarada Somaliland u soo gudbiyaan liiska magacyadooda si dib u eegis loogu sameeyo loona siiyo ciqaamado waxbarasho.

3)- Waxaana arrintaas loo xil saaray guddi ka koobaan labada dhinac oo kala ah safiir-kuxigeenka Somliland u fadhiya dalka Ethoipa iyo agaasimaha waaxda dalalka afrika ee wasaraada khaarajiga Ethoipa. Inta ay hawsho socoto in aan la mustaafurin Karin ardayda u dhalatay dalka Somaliland
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland