Itoobiya Oo Xadkeeda Wajaale Ka Joojisay Dad ka Galaya Iyo Kuwa Ka Soo Baxaya Dalkeeda

 

Dawladda Itoobiya ayaa shalay xidhay isu socodka dadka u kala soconaya Somaliland iyo Itoobiya ee ka tallaabayey xadka Degmada Wajaale ee u  dh exeeya labada dal.

Sida ay sheegeen wararka ka imanaya Degmada Wajaale ayaa sheegay in dad aad u badani ay maalintii shalay ku xanibnaayeen labada daamood ee xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ka dib markii ay Itoobiyaanku  dii deen inay wax dad ahi u gudbaan ama ka soo galaan dalkeeda, taas oo  sa babtay inay dad badan oo u kala gudbi jiray labada dhinac aanay shalay isu talaabin.

Lama garanayo sababta keentay in isu socodkii labada dal uu istaago, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dawladood ee Somaliland iyo  Ito obiya oo ku saabsan xayiraaada isu socodka dadka labada dhinac, hase  ye eshee arrintan ayaa loo malaynayaa inay la xidhiidho aeeimaha dhibaca  am maanka iyada oo la sheegay dawladda Itoobiya xuduudaha dhinaca  ba riga ee gobollada Togdheer iyo Sool ee ay Somaliland la wadaagto dalka  It oobiya kuwaas oo yareeyey isu socodka gaadiidka ee gobolladaas iyo  kill ilka shanaad ee Itoobiya iyada oo ay wararku sheegeen inay  Itoobiyaa nku cabsi ka qabaan in kooxaha mayalka adag ee Somalia u soo gudbi karaan dhinaca Itoobiya marinka xadka ee Wajaale ayaa ah ka ugu weyn ee ay dadka u kala gudba labada dal ay maraan, iyada o dadku si caadiya maalin walba ugu kala gudbi jiray Somaliland iyo Itoobiya.

Sikastaba ha ahaatee arrintan ay dawlada Itoobiya ku xidhay marinka  xad ka labada dal u dhexeeya ee Wajaale oo labada dal ee Somaliland iyo  Itoo biya gaadiid iyo dadba ay isaga gudbi jireen maalin walba boqolaal ayaa  mu ujinaysa cabsida weyn ee Itoobiyaanku saadaalinayaan inay kaga soo fool leedahay kooxaha xag-jirk ah ee ka dagaalama Somalia.
 


Haatuf