Jaaliyada Reer Gabiley ee Wadanka Ingiriiska oo De eq Buugaag ah Soo Gaadhsiisay Dugsiga Hoose ee Magaalada Ijaara oo ka tiran Gobolka Gabiley
 


Gudoomiyaha jaaliyada reer Gabiley ee wadanka ingiriiska ayaa xusay in maalintii ay jaaliyadasi ay dhiseen dugsiga hoose dhexe ee ijaara ay ugu talo galeen in
....


Gabiley (Longlivesomaliland News)- Gudoomiyaha jaaliyada reer Gabiley ee wadanka ingiriiska ayaa maanta deeq buugaag ah soo gaadhsiiyay dugsiga ee magaalada Ija ara. Buugaagtaasi oo iskugu jiray maadooyinka kala duwan ee lagu dhigto  dugsiy ada sare ayaa waxaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyay gudoomiyaha jaaliyadaasi Cabdi Warsame Aamin oo sheegay inay buugaagtani soo ururiyeen jaaliyada reer Ijaara ee wadanka ingiriiska.

Xaflada buugaagta lagu wareejinayay oo ka dhacday isla barxada iskuulka Ijaara ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha jaaliyadaasi oo sheegay in buugaagtani, iskugu jiraan buugaag ay ugusoo talo galeen Dugsiga sare ee Ijaara, Jaamacada Timacade University iyo qayb ay ugu talo galeen dugsiga hoose dhexe ee Ijaara.

Gudoomiyaha jaaliyada reer Gabiley ee wadanka ingiriiska ayaa xusay in maalintii ay jaaliyadasi ay dhiseen dugsiga hoose dhexe ee ijaara ay ugu talo galeen in dugsi sarena halkaasi laga dhiso oo ay waliba dhisaan dadka reer ijaara, laakiin taasi may dhicin ayuu yidhi gudoomiyuhu


Gudoomiyaha goalaha deegaanka Aadan Muxumed Badde ayaa deeqdaasi  buugaa g ta ka gudoomiyay gudoomiyaha jaaliyada reer ijaara ee wadanka ingiriiska isagoo uga mahad celiyay waxtarka fiican ee la taaban karo ee ay bulshadooda soo  gaad hsiiyeen. Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu ugu baaqay jaaliyada reer ijaara inaanay horumarka fiican ee ay bilaabeen aanay ka daalin ee halkaa kasii wadaan.

Ugu danbayntiina waxaa buugaagtii u gudoomay magaalda ijaara kuna wareejiyay maamulka iyo macalimiintaasi dugsigaasi gudoomiyaha cusub ee magaalda ijaara.

Maaha markii ugu horaysay ee ay jaaliyada reer ijaara ee wadanka ingiriisku deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiyaan magaalda ijaara. Jaaliyadani waxay hore uga fulisay deegaanka ijaara inay ka dhisaan dugsi hoose dhexe oo ilaa maanta shaqeeya kuna dhaw inuu isku badalo dugsi sare.




Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Somaliland