Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Canada Oo Deeq Buugaag Ah Soo Gaadhsiiyey Jaamacada Timacadde

 

 



Munaasibadaasi Deeqda Lagula Kala Wareegayey Oo Ka Dhacday Xarunta Jaamacada Timaca de Ayaa..


Gabiley (TNN)-Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Canada ayaa Deeq Buugaag ah Soo gaadhsii yey Jaamacada Gabiley Ee Timacade University ,deeqdaasi oo Uu Wakiil Ka Ahaa Prof: Maxam ed Maxamuud Ayaa ,waxaa Si Rasmi Ah Uga Gudoomay Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Ti macade Dr: C/Laahi Cumar Cige.
 


Munaasibadaasi Deeqda Lagula Kala Wareegayey Oo Ka Dhacday Xarunta Jaamacada Timacade Ayaa Waxaa Ugu Horaynba Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Timacade Dr: C/Laahi Cumar Cige Oo Mahad Naq Balaadhan Usoo Jeediyey Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Canada Isaga Oo Sidoo Kalena Ku Amaanay Dadaalka Xoogan Ee Ay Ugu Jiraan Horumarinta Dalkooda Hooyo.

Sidoo Kale Waxaa Isaguna Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Prof: Maxamed Maxamuud Oo Wakiil Ka Ahaa Deeqdaasi Isaga Oo Ku Dheeraaday Meesha Ay Buugaagtani Ka Yimaadeen Iyo Sida Lagusoo Xulay Waxaanu Yidhi “Waxa Maanta Farxad Ii Ah Inaan Joogo Magaaladii Aan Ku Dhashay, Ku Barbaaray, Wax Ka Dhigtay, Oo Ay Fadhiyaan Ardaydaydii Aan Isla Midka Ahayn, Aniguna Maanta Aan Kusoo Noqday Anigoo U Sida Hadiyad Laysa Siiyo Tii Ugu Qaalisanayd Oo Ka Kooban Buugaag Miisaankoogu Dhanyahay 1400 Oo Giraam Kuwaas Oo Aan Aniga Oo Macalin Ahi Soo Xulay Kuwaasoo Aanu Kasoo Ururinay Jaamacadaha Ottowa Iyo Toronto, Inkastoo Uu Barafku Naga Laayay Oo Ay Intaasoo Qaaradood Iskagasoo Gudbeen Balse Ilaahay Uu Nabad Keenay, Buugaagtan Oo Ah Runtii Buugaag Tayo Leh Oo Wax Wayn Ka Tari Doona Jaamacada Gabiley, Waxaan Hadaba Kula Talinayaa Ardayda Jaamacada Inay Buugaagtan Ka Faa,Idaystaan, Reer Gabileyna Waxaan Kula Dardaarmayaa Inay Caruurtooda Ay Magaalooyinka Kale Jaamacadaha U Gaynayaan Joojiyaan Oo Ay Iimaansadaan Jaamacadooda Kolay Macalimiinta Jaamacadaha Dalka Wax Ka Dhiga Uunbaa Tana Imaada Ayaan Filayaa Markaa Waxaan Leeyahay Caruurta Yaan La Kaxayne Ha Loo Daayo Toodan, Jaaliyadii Aanu Kasoo Ururinayna Waxaan Leenahay Waxaad Dhigteen Wax Sadaqatu Jaariya Ah Oo Ardaygii Ka Faa,Idaystaba Ilaahay Ajar Iyo Xasanaad Idiinka Qorayo, Jaaliyadaha Kalena Waxaan U Gudbinayaa Oon Leeyahay Hoygiinii Waa Yagleel Jaamacadanina Waa Aas-Aas Markaa Cidaanu Sugnaaba Waa Idinka Markaa Waxaan Idinka Filaynaa Idinkuna Inaad Ku Dayataan Kuwaa Maanta Buugaagta Soo Gaadhsiiyey” Ayuu Yidhi Prof: Maxamed Maxamuud.

Si Kastaba Ha Ahaatee Deeqdani Buugaagta Ah Ee Ay Maanta Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Canada Soo Gaadhsiiyeen Jaamacada Timacade Ayaa Iyadu Noqon Doonta Mid Wax Wayn Ka Tari Doonta Jaamacadaasi.
 

 


Guuleed Yare
Timacade News Desk
Gabiley, Somalilad