Jaaliyada
Reer Somaliland ee Magaalooyinka To ronto iyo
Otawa ee Dalka Canada oo Deeq La cageed
Soo Gaadhsiiyay Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley
Gabiley (Longlivesomaliland
News)- Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley Mahamuud
Yuusuf Xaaji Cabdi ayaa Gabiley News u xaqiijiyay inay jaa
liyadaha reer Somaliland ee Wadanka Canada gaar ahaan magaalooyinka
Ott awa iyo Tronto soo gaadhsiiyeen lacag dhan $25,931 (shan iyo
labaatan kunn sagaal boqol iyo kow iyo sodon doolar) gudida
horumarinta gobolka Gabiley, deeqadan oo ay ugu talo galeen inay
kaga qaybqaataan dhismaha dhakhtarka cusub ee magaalada Gabiley.
Gudoomiyaha Gudida horumarinta isagoo ku hadlaya afkiisa iyo afka
gudida ho rumarinta Gobolka waxuu uga mahad celiyay
muwaadiniinta reer Somaliland ee jecel horumarka wadankooda
meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaa uu gudoomiyuhu carabka ku
adkeeyay jaaliyadaha magaalooyinka Otawa iyo Tor onto, oo uu
sheegay inay kasoo bexeen kaalintoodii ay ku lahaayeen dhismaha
dhakhtarka Guud ee Gobolka Gabiley.
Mahmoud Yousuf waxaa kale oo uu mahadnaq u diray XAWAALADA QARAN oo
uu sheegay inay lacagtaasi kusoo dirtay khidmad la,aan, kuna soo
gaadhsiisay gudida horumarinta dagdag iyo bilaa kharash.
Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu hambalyo gaar ah, u dirayaa gudida isku
xilqa antay soo ururinta lacagta qaadhaanka dhakhtarka ee qadarkaa
leeg oo uu runtii gudoomiyuhu sheegay inay u hureen wakhti faro
badan sidii qaybtooda uga qaadan lahaayeen dhamaystirka dhismaha
dhakhtarkaasi. Gudida dhaqaa laha soo ururisay ee uu
gudoomiyuhu sida gaarka ah ugu hambalyaynayo waxaa ka mid ah:-
1) Jamaal Xaji Maxamed Musse Gedi
2) Aadan Cabillahi Hanfi
3) Maxamud Yusuf Ducaale (Diktoorka)
4) DR. Maxamed Rabi
5) DR. Siciid Muxumed Maax
6) Maxamed Muxumed Libaan
7) Axmed Cali Sabayse
8) Maxamed Cabdillaahi Suweyn
Mahmoud Yousuf waxaa uu sheegay in dhakhtarku yahay bilaw loona
baahan yahay sidii loo dhamaystiri lahaa, dhamaystirkiisuna inuu u
yaalo dhamaan bahwaynta horumarka jecel ee reer Somaliland gaar
ahaan reer Gabiley, hadday noqoto ganacsato, aqoonyahan, odayaal,
dumar, dhalinyar iyo siyaasiba.
Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu baaq u diray baaq jaaliyadaha kale ee
hadhsanina inay soo gaadhsiiyaan deeqda ay ugu talo galeen inay kaga
qaybqaataan dhismaha dhakhtarka, si uu dhakhtarkii u dhamaystirmo
ayuu yidhi gudoomiyuhu
Caawimadanina maaha tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ay
muwaadiniinta reer Somaliland soo gaadhsiiyeen dhismaha dhakhtarka
guud ee Gobolka Gabiley.
Ahmed Sh Nour Ducaleh
ahmed_biito@hotmail.com
|