Jaaliyada Riyadh oo Qaadhaan
Uruurin Balaadhan u sameesay Somaliland National Library
Riyadh (TNN):-Guddida gacanta ku haysa dhismaha maktabada heer qaran ee laga
dhisayo mag aalada Hargeysa oo baryahan danbeba ku jiray safaro aay
wadamada Gacanka Carbeed uga ra adinayayaan dhaqaale lagu taakuleeyo
mashruucaas qaran ayaa xalay oo taariikhdu aheed 29 th March ka soo
xaadiray malad ee Jaaliyada Caasimada Boqortooyada Sacuudigu ugu
talo gas hay soo dhaweentooda iyo ka qeeb qaadashada qaadhaanka qaran.
Hadaba madashaas oo aay iskuugu iyimaadeen xubno door ah oo ka mid
ah odayaasha, madax dhaqameedka,akhyaarta, wax garadka iyo
dhaliyarada magaalada Riyadh ayaa lagu bilaabay ayaado Qur’aanka
Kariimka ah oo uu ka akhriyay Xasan Cabdi Yuusif, waxaa xigay
kalmado kooban oo muujinaya muhimada aay Rugta buugaagtu u leedahay
bulsha kasta siiba bulshada reer Somaliland oo aay tani noqon doonto
Rugtii ugu horaysaay ee aay yeelato.
Waxaana ka mid ahaa oday Cabdisalan Gaaxnuug iyo Ugaas Axmad Maxamad
Siciid (Ina Cali Mahdi) iyo xubno kale oo dhowr ah.
Intaas ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay madasha Mudane Axmad Dahir
Cilmi oo ka socday Gudiga Qaran ee ee dhismaha maktabada Somaliland
National Library, kaas oo halkaas kusoo bandhigay mashruucan baahida
bulshada reer Somalinad u qabto sida uu ku yimid iyo iyo halkuu
marayo iyo waliba waxa horyaala.
Mud. Axmad Dahir Cilmi waxuu soo bandhigay cilmi baadhis balaadhan
oo mug leh oo muujinays a sida aay dhalinta iyo wax garadka
Somaliland ba ugu baahan yihiin maktabada qaran in aay yeeshaan,
isaga oo dadka ugu soo gudbiyay halkaas muuqaalo tiro leh oo
tusinaya burburkii ku habsaday umada reer Somaliland mudadii
xukunkii kaligii taliye Afweeyne, iyo sida mucjisada caalamaka ku
noqotay ee aay bulshada reer Somaliland uga soo kabteen dhibkii loo
geestay oo aay u dhisteen dalkooda.
Intaas ka dib waxaa bilaabmay qadhaan uruurintii loogu talo galay
mashruucaas.
Hadaba waxaay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalo madaxda
Riyadh muujisay mar kale sida aay mar walba diyaarka ugu tahay uguna
ahaan doonto in aay door muuqda oo misaan leh ka qaadato dib u
dhiska dalkeeda hooyo iyo horumakiisaba.
Waxaana halkaas lagu uruuriyay qaadhan qiimo leh oo faraxad iyo
dhiirigalinba siiyay gudidii martida aheed iyo dadkii soo xaadirayba.
Hadaba waxaa marag madoonto noqotay in bulshawaynta reer Somaliland
aay dhexda u xidh atay in aay dalkeeda marba marka ka danbeesa hore
isii qaado si uu caalamka dalalka ka jira ula jaan qaado, taas oo
laga dareemayeey xalayto madashaas sida qiimaha leh ee dadkii kasoo
qeeb galay ugu tartamayeen in aay jeebkooda iyo juhdi goodaba u
huraan dalkooda hooyo, cadeeyayna in mashruuc kasta oo dalku u
baahan yahay sidaas iyo si la mid ah lagu qaban karo.
Waxaa door waaynka qaatay qaban qaabada madashaas rag badan oo looga
bartay in aay mar walba garab istaagaan arin kasta oo wax lagu tari
karo dalkooda waxaana ka mid ahaa :
Axmad Xuseen Ismaaciil
Xasan Cabdi Yuusuf
Libaan Barre Aw Gaab
Moxamad Abdir Biirsh
Moxamad Xassan Beegsi
Fuad X. Carab
Adan Sulub
Mukhtaar Kosaar
Saciid Cabdi Xuseen
Iyo Qaar kale oo badan oo dhamaantooda aan marnaba yareesan ka qeeb
qaadashada hooshaas sida quruxda iyo wadaniyada badan ku dhamaatay.
Allaah Mahad Leh.
Xidhiidhiyaha Jaaliyada Riyadh
Mustafe Cali Xasan
|