Jaaliyada Somaliland ee Bristol oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Maxamed Ictiraaf
 


Bristol-UK 30/11/09 (Timacade News)- Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol ee Carrigan Ingiriiska ayaa shalay xaflad soo dhawayn ah u samaysay Mudane Maxamed yuusuf Muuse (ictiraaf) oo dhawaan ka soo laabtay dalkii hooyo oo uu ku  ta gay socdaal uu dhulka ku maray isaga oo gaadhi ka kaxaystay UK kuna tagay  Somalil and.


Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen xubno ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan B ristol ayaa ugu horrayn waxaa madasha aayado quraan

ah ka akhriyay sheekh Maygaag Maxamed Oomaar, iyada oo ka dibna uu halkaasi  er ayo soo dhawayn ah kasoo jeediyay Mudane Kaysar Cabdilaahi oo ah tafatiraha  Som ali Voice oo ka warramay sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga qayb qaato  hal gan culusna loo galo sidii loo xaqiijin lahaa himilada shacbiga Somaliland oo ah in la helo dal madaxbanaan oo ay reer Somaliland leeyihiin oo la mid ah dalalka caalamka ee kale, waxaana uu Kaysar amaan balaadhan usoo jeediyay mudane Maxamed Ictiraaf oo uu tilmaamay inuu yahay muwaadin qabtay hawl balaadhan una qalma in lagu daydo, isla markaasna qof kastaa uu kaalinta uu ka qaadan karo ka qaato sidii qarankeena  aqoo nsi buuxa loogu heli lahaa.


Intaas ka dib waxaa qudbada qaatay Mudane Maxamed Yuusuf Muuse (ictiraaf) oo si balaadhan u tilmaamay in qadiyada Somaliland ay tahay mid xaq ah oo aan cidina dafiri karin, waxaana uu tilmaamay in Shacbiga Somaliland ay yihiin qaar Alleh uu dalkooda ku abuuray, cid dhibaatayn karta ama xaqooda duudsiyi kartaana aanay jirin, waxaa na uu xusay in cidda diida xaqa ay reer Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran  Mad axbanaan aanay ku guulaysan doonin diidmadooda, waxaana uu xusay in maalin ay noqotoba ay Somaliland heli doonto xaqa ay u leedahay inay noqoto qaran dunida ka jira oo la aqoonsan yahay. Waxaa kale oo Mudane Ictiraaf uu xusay in looga baahan yahay dadweynaha Somaliland inay midoobaan oo ay gacmaha is qabsadaan una soo jeestaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen qadiyadooda. Waxaa kale oo Maxamed si waafi ah uga jawaabay su'aalo dhawr ah oo ku saabsanaa socdaalkii uu ku tagay  dal ka hooyo.


Waxaa isaguna madashaas ka hadlay Mudane Maxamuud Mataan oo ka tirsan  masuul iyiinta sare ee ka shaqeeyaya golaha deegaanka Bristol, waxaana uu Maxamuud si  we yn uga warramay dhibaatooyinka kala duwan ee haysata bulshada Somalida ah ee ku nool Bristol ee dhinacyada waxbarashada iyo mukhaadaraadka, waxaana uu shahaado ay Jariidada Somali Voice ugu talogashay dhiirrigalin uu gudoonsiiyay Maxamed  Ictira af. Sidoo kale waxaa madashaad ka hadlay Mudane Ismaaciil Aadam Faarax oo ka  tirs an masuuliyiinta Jaaliyada reer Somaliland ee Bristol, waxaana uu xusay in Mudane  Ic tiraaf uu yahay tusaale muuqda oo mudan in lagu daydo, waxaana uu madashaas  Sha haado Sharafeed ka socotay Jaaliyada Somaliland uu ku gudoonsiiyay Maxamed  Ictir aaf.






The Somali Voice

236 Stapleton Road
Easton Bristol
BS5 0NU.

E-mail: somalivoice@europe.com
www.thesomalivoice.co.uk