Jaaliyada Somaliland ee USA oo kalsoonidii kala noqotay Wakiilka Somaliland u jooga USA Rashiid Gaaruf

 

Rashiid Gaaruf

Waxaan salaam iyo hambalyo u dirayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo  y joogaan gaar ahaana reer USA. Waxa hore loo uruurinayay xoq ku saabsan sida ay jaali yada reer Somaliland u arkaan wax qabadka Wakiilka Somaliland u jooga USA oo lagu maga caabo Rashiid Gaaruf. Xogtaas oo lagu faafiyay bara internetka iyo facebooga. Waxa uu ahaa petition dadka qaba fikirkooda in uu Rashiid Gaaruf ku guul daraystay in uu ka qayb qaato dedaalka loogu jiro in ay Somaliland ictiraaf caalami ah hesho ama uu saaxiibo u sam eeyo Somaliland. Waxa dhamaan dadkii ay isku raaceen in Rashiid Gaaruf uu gebi ahaanba ku dhacay shaqadaas isla markaana aanu xitaa Somaliland Xafiis ku lahayn dalka Marayk anka in kastoo lagu bixiyo dhaqaale.

Hadaba dadka codkooda ka soo dhiibtay arintan ee ku nool dalka maraykanka ama USA ayaa ahaa sidan soo socota

1. Tirada guud ee ka qayb qaadatay petititionka ayaa ahayd 1,239 qof.
2. Tirada dadka qaba in wakiilku nuu ku fashilmay shaqadiisii ayaa ahayd 1,234.
3. Tirada dadka qaba in uu shaqo fiican wakiilku qabto ayaa ahayd 1 qof oo dumar ah.
4. Tirada dadka qaba in arinta marka hore laga wada hadlo intaan petitionkan la samayn ee aan dhinacna taageerin ayaa ahayd 4 qof.

Sida ku cad tirada dadka fikirkooda ka soo dhiibtay ayaa waxay si cad u iftiiminaysaa guud ahaanba Jaalilyada reer Somaliland ee USA aanay ula dhacsanayn shaqada Wakiilka Soma liland ee USA Rashid Gaaruf. Petitionkani waxa ku cad in Jaaliyada Somaliland ee USA ay ka lsoonidii kala noqdeen Wakiilka.



Soo Jeedin / Baaq


1. Jaaliyada Somaliland ee USA ka dib afti laga qaaday dadweynaha reer Somaliland ee USA in ay kalsoonidii kala noqdeen Wakiilka Somaliland ee USA Rashid Gaaruf.

2. Waxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ugu baaqayaan in uu si deg deg ah xil ka uga qaado Wakiilka Somaliland ee USA.

3. Marka la eego muhiimada ay u leedahay dedaalka ictiraaf raadinta iyo aqoonsiga Somalil and Saafaarada Somaliland ee USA in loo soo magacaabo qof aqoonteeda, xirfadeeda, iyo kartideeda leh kana soo bixi kara shaqadaas.

 



Wixii faah faahin ah, fadlan kala xidhiidh emailkan

Somalilandcommunityusa@outlook.com

Cabdiweli Maxamed Xassan-Secretary Somaliland Community USA.