Jaaliyadda Somaliland ee Bristol, UK
 

 


Si loo dardar galiyo hawlaha samafalka iyo taageerada loogu talo galay Dhakhtarka Hargeysa ayaa Gudiga qaban qaabada kulamada iyo xidhiidhinta hawlaha samafalka ah ee reer Bristol ugu baaqayaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland inay ka soo qayb galaan Shirweyne lagu qaban doono:

 
St Pauls Sports Centre
23/11/08 Axaddan galabnimada
3.00 – 6.00pm


Shirkan oo la doonayo in Jaaliyadda Somaliland ee Bristol ku muujiyaan dareenkooda ku saabsan weeraradii waxashnimada ahaa ee Argagixisadii October 29, 2008 isku qarxiyeen Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa, gaar ahaan Madaxtooyada JSL iyo gobo kale oo muhiim ah ayaa hadaba waxa Jaaliyadda Somaliland ee Bristol laga codsanayaa inaan loo kala hadhin ka soo qayb galka Shirweynaha: Rag iyo Haween, Dhalin yaro, Ciroole iyo Caruurba.

Kulankan oo lagu soo bandhigi doono xogo ku saabsan waxyaabihii ka dhacay Somaliland iyo halka xaaladdu marayso waxaa isaguna si qoto dheer Jaaliyadda ugu xog warami doona Xildhibaan Axmed Weyne oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka JSL oo dhawaan soo gaadhay Bristol iyo Madax kale oo isugu jirta British iyo Somalilandba.




Sidaas iyo ka soo qayb gal wacan



Ilaahay Baa Mahadleh







Gudiga Qaban qaabada Shirweynaha


Cumar Siyaad
Cabdi Gamuute
Axmed Ducaale
Axmed Naasir Xirsi
Axmed Ciise Cawaale
Maxamuud Cadde Gude
Xuseen Caydiid
Xasan Xuseen
Cali Jaamac

Haybe Maxamed
Sheekh Cali
Dayib Madar
Yuusuf Cali
Cabdi Samaale
Mahdi Suldaan
Cali Xirsi


Haweenka Jaaliyadda Somaliland ee Bristol oon magacyadooda halkan lagu soo koobi karin ayaa had iyo jeer kaalin muhiim ah ka qaata hawlahan Samafalka ah.



 



By:Ahmed Nassir Hersi