Jaaliyadda Sucuudiga oo Deeq soo Gaadhsiiyey Xarunta Dhimirka Sahan ee Hargeysa

 

 
Jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Dahraan ee dalka Sucuudiga, ayaa deeq raashinka daruuriga ah ugu deeqay xarunta daryeelka dadka qaba xannuunka dhimirka SAHAN ee magaalada Hargeysa.


Deeqdan raashinka ah oo laga iibiyey lacag $2000 ah oo ay soo direen rag ka tirsan jaaliyadda reer Somaliland ee degan magaalada Dahraan ee Sucuudiga, waxay ka kooban tahay 45 gadbadood oo kala ah bariis, daqiiq iyo sonkor, taas oo qayb ka ah taakulaynta xarunta daryeelka, xannaanaynta iyo quudinta dadka qaba xannuunka dhimirka SAHAN, gaar ahaan ragga oo ku taal xaafadda New Hargeysa ee caasimadda.


Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah shalay xaruntaas ugu qabteen Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo ka mid ah dadka sida weyn u caawiya xaruntaas iyo Guddoomiyaha ururka SAHAN ee iyagu gacanta ku haya xaruntan, ayaa waxay faahfaahin kaga bixiyeen deeqdan ka timi jaaliyadda Dahraan, duruufaha ku gedaaman xaruntan iyo xaaladda dadka lagu hayo.


Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), ayaa sheegay in deeqdan oo ahayd lacag ay soo direen jaaliyadda ragga Somaliland ee ku dhaqan magaalada Dahraan ay daba socotay mid hore oo haweenka magaaladaasi soo gaadhsiiyeen dadka ku jira xarunta SAHAN, isla markaana ay iyagu raashin u soo geliyeen.


“Sidii aynu hore u tilmaanay waxa jiray inay xarunta dhimirka ee SAHAN u soo direen dumarka degan magaalda Dahraan ee dalka Sucuudiga dhar ay ugu talogaleen dadkooda qaban xannuunka dhimirka. Maantana waxaynu u fadhinaa raashin laga iibiyey lacag dhan $2000 (laba kun oo dollar) oo ay soo direen walaalaha jaaliyadda reer Dahraan, gaar ahaan raggu oo aannu leenahay Ilaahay ha idinka abaalmariyo, lacagtiinii raashin baa lagu iibiyey,” ayuu yidhi Sh. Aadan-siiro, waxaannu intaa ku daray, “Labadan xarumood waxa ku nool dhawr iyo sagaashan qof oo uu hayo xannuunka dhimirku oo ah dad jilicsan ahna kuwo u baahan in loo gurmado. Annaguna waxaannu ku dadaalaynaa in dadkaa wanaagsani wixii ay dadkooda ugu talogaleen in sidoodii loo gaadhsiiyo. Dhibaatada hawshani waad arkaysaan oo burburkii iyo halgankii dheeraa ee ummaddani soo gasha ayey raadadkiisii ka mid tahay.”


Waxa uu Sh. Aadan-siiro ugu baaqay bulshoweynta reer Somaliland inay gacan ka geystaan dadkooda xannuunsanaya ee ku jira xarumahan oo uu tilmaamay inay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, isla markaana ay yihiin kuwii sekadu ku baxaysay, weliba xilligan lagu jiro bisha Ramadaan ee barkaysan.


“Waxaannu ugu baaqaynaa dadka kale ee wanaagsan waar waa bilihii khayrka badnaa, waa waqtigii sekada, waa dadkii ay ku baxaysay ee aynu dadkeena u gurmano. Dadkeenaa xannuunsanaya guryaha lagu hayo dad baa leh, hadduu maanta u baahdo oo duruufi u keento gurigii inuu helo ayuu u baahan yahay, markaa runtii dadkani gurmad degdeg ah ayey u baahan yihiin, sidaa daraadeed qofkii dhul ku deeqayaa ha ku deeqo, kii hanti ku deeqayaa ha siiyo, qofkii aqoon ku deeqayaa ha ugu gargaaro. Magaalada Hargeysa aad bay u ballaadhatay, xarumahanina waa mid ka mid ah dhinacyada magaalada oo aanay dadku soo gaadhi karayn, markaa waxa loo baahan yahay in gurmad la galo oo dadkan meelo koonayaasha magaalada ah loo sameeyo. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa bahda warbaahinta, waayo maalintii hablihii reer Dahraan soo bixiyeen dharka ee warbaahintu baahisay ayey markii raggiina arkeen waa kuwaa soo dadaalay, Yuusuf Aw Cali Cismaan oo ah ninkii walaaladii lacagta ka soo ururiyey ee soo diray aad baanu ugu mahadnaqaynaa, waxaannu leenahay halkaa ka sii wada wax ka weyn baa la inaga sugayaaye,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Sh. Aadan Siiro.


Guddoomiyaha ururka gacanta ku haya xarumaha dadka dhimirka qaba ee SAHAN Mr. Bashiir Maxamed Jaamac oo isna halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada loo aasaasay xatuntan iyo hawlaha ay u qabtaan dadka qaba xanuunnada maskaxda, “SAHAN waa urur mutadawiciin ah oo gacanta ku haya xarunta daryeelka, xannaanaynta iyo quurdinta dhimirka, waana in qofku fahmo in aanay goobtani ahayn xarun cilaaj, balse tahay xarun daryeel o lagu hayo dadka qaba xannuunka dhimirka. Dadka xannuunka dhimirka qaba haddii aad u fiirsato way ku dayacan yihiin meel kasta, laakiin kuwa aannu hayno maanta qaar baa yidhaa waar suuqa wax aannu cunaba kamaanu heli jirine, waxaanna xarunta ku jira dad fara badan oo dhammaantood rag ah wax dumar ahi kuma jiraan, waxaanay dhammaan dadkaasi helaan daryeel buuxa oo ah mid caafimaad, cunto, nadaafadeed iyo mid guudba, waxaas oo dhammaan ay ka helaan bulshada oo noloshoodu ku tiirsan tahay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.


Mr. Bashiir waxa uu bulshoweynta reer Somaliland ugu baaqay meelkasta oo ay joogto in qof waliba wixii uu awoodi karayo kaga qaybqaato daryeelka dadka qaba xannuunka dhimirka eek u jira xarumahan, isla markaana soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan ka geysanaysa barmaamujkaas.





Jamhuuriya Online