Jaalliyada Somaliland ee Holland, Germany, Belguim iyo France oo shirwayne balaadhan isugu yimi magaalada Brussels ee Dalka Belgium

 



Jaaliyadahaas oo ku midoobayay sida ay uwadashaqayn lahaayeen xagga waxqabadka dalka somaliland Sawirro


Brussels (TNN)- Munaasabad Balaadhan oo ay iskugu yimaadeen jaaliyadaha Holland,Beljin, Germany iyo faransiiska oo xalay shir wayne ku isugu yimi Dalka Belguim-ka

Jaaliyadahaas oo ku midoobayay sida ay uwadashaqayn lahaayeen xagga waxqabadka da lka somaliland iyo sidii ay uga midoobilahayn in ay ka dhaadhiciyaan ama aan isugu caawi nno sidii loo aqoonsan lahaa somaliland. loona samayn lahaa iskaashi buuxa sidii dalka wax loogu qaban lahaa loogana taageeri lahaa dhinacyaada Waxbarashada, Caafimcaadka iyo wixii kale ee awoodooda ah.

Waxaana halkaas hadallo ka jeediyay gudoomiyayaasha afarta jaaliyadood ee Holland,Be ljin,Germany iyo faransiiska, waxa ka hadlay oo kale gudoomiyaha ururada somaliland ee yurub [SSC] ugu dambayn waxa hadalka soo xidhay wakiilka Beljinka u fadhiya somaliland.

Waxaana halkaasi lagu soo bandhigay keeg lagu sawiray calanka somaliland, xeedho lagu sharfay jaaliyadaha Afarta jaaliyadood ee halkaa isugu yimi. xafladdaas oo si aad ah loo soo agaasimay, layskuna afgartay arimo dhawr ah ayaa jawi wanaagsn ku soo dhamaatay.

 


Timacade News Desk
Brussels , Belgium