JAALLIYADDA SOMALILAND EE HOLLAND
Guddidii loo xilsaaray mideynta xafladda xuska maalinta qaranimada
Somaliland 18 Ma y 2015 ee Waddanka Holland, waxay shir lagaga
arrinsanayey MIDEYNTA XAFLADDAA u qabteen saddexda urur ee dhigi
jiray xafladdaha Qaranka oo kala ah:
1. Ururka Nomand 2.Ururka Midnimo iyo 3. Ururka Sooh
Kulankan oo ka dhacay magaalada Rotterdam, waxaa ka soo qeyb galay
oo goob joog ka ahaa haldoorka iyo odayaasha Jaalliyadda Netherland.
Waxaana shirkaa lagu heshiiyey oo si buuxda la iskugu raacay in
saddexdaa kooxood ay si mideysan oo wada jir ah u qabtaan
munaasabadda weyneynta maalinta 18 May 2015ka.
Sidaa awgeed waxa Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan
Holland loogu bushaareynayaa laguna wargelinayaa in sannadkan si
mideysan oo farxad iyo reyn-reyn leh (insha Allaahu) loogu wada
dammaashaadi doono xuska maalintaa qiimaha iyo qaddarinta mudan ee
18 May 2015ka.
Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan qabashada xafladdan waxaa soo
daabici doona Guddida loo xilsaaray dabbaaldegga ee ka kooban
saddexdaa ururu.
1. Guddoomiyaha Ururka Nomand Cabdiraxmaan Barre
2. Guddoomiyaha Ururka Midnimo Cabdirisaaq Maxamed (Qasaaye)
3. Guddoomiyaha Ururka Sooh Mubaarak Abshir
wa billaahi tawfiiq
Guddida Mideynta Xafladda 18 May 2015
1. Maxamed Cali-Dheer
2. Cali Xaruuri
3. Maxamed Yuusuf
Somaliland Guul
|