Jaamacad lagaga dhawaaqay Berbera Gobolka Saaxil

 


Magaalada Madaxda G/Saaxil Berbera ayaa dhowr jeer hore laysku dayey in ay ka hirgasho Jaamacad uu gobolku yeesho, si loo tayeeyo korna loogu qaado heerkeeda waxbarasho oo ardayda ka soo baxdaa Dugsiyada Sare ay ku helaan Gobolkooda waxbarashadii sare oo heer Jaamacadeed ah.

Hadaba waxaa lagu qabtay Xaflad hoolka Kuliyadii Culuunta badda Berbera, waxaana ka soo qayb galay gudida maamulaysay kulliyada iyo Aqoonyahano, mas'uuliyiin Heer Gobol Iyo heer degmo, ardayda G/Saaxil qaar ka mida iyo marti sharaf badan, Xafladan oo lagaga dhawaaqay in sanadkan iminka bilaabmay 2009 kulliyadii culluumta Badda loo bedelay jaamacad uu Gobolku yeesho, laguna soo kordhin doono qaybihii kala gedisanaa ee cilmiga ee jaamacadaha lagu baranjirey, waxaa sidoo kale xafladaasi laysku raacay in jaamacadan cusub Gudoomiye looga dhigay Prof Cabdi Haybe oo isugu Gudoomiye hore ugu soo noqday jaamacada Hargaysa.

Xafladaas waxaa ka hadlay aqoonyahano iyo masuuliyiin iyagoo aad ugu dheeraday faa'iidada jaamacada lagu qabay markii hore khaasatan qaybta Culuumta Badda oo iminka Jaamacadan in la sii kordhiyo Qaybtan looga baahanyahay, iyadoo hantida kaliya ee aynu maanta haysnaa ay tahay badda xeebteena ee dhererkeedu yahay 900 km, iyadoo ay yaranayaan maanta xoolihii aas-aaska inoo ahaan jirey dhaqashadiisu sidaa daradeed.waa in ka faa'iidaysnaa Kalluunka baddaheena ku jira ayey sheegeen Masuuliyiintii Xaflada ka hadashay.

Iyada oo dhamaan Aqoonyahankii iyo Masuuliyiintii xafladaa ka hadashay ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in Kuliyaddan Jaamacad loo bedelo, kana warameen marxaaladahii kala duwanaa ee ay soo soo martay kuliyada asaaskeedii ilaa maanta oo aynu ku guulaysanay ayey yidhaahdeen inay jaamacad isu bedesho oo aan filayno in wax weyni iska bedeli doonaan sidii ay ahayd kuliyadu markii hore,waxaanay ka codsadeen dadweynaha ku dhaqan G/Saaxil Gaar ahaan Berbera Masuuliyiintooda iyo aqoonyahankooda inay si hagarla,aana ula shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Jaamacada Berbera Prof Cabdi Haybe kuna fara adaygaan sidii ay aqoontiisa iyo Maamulkiisa uga faa,ideysan lahayeen.
 

 


Adan Yusuf Elmi , UK