Jaamacad loogu magac-daray Timacadde halaga wadaqayb galo dhismaheeda



“Dugsi malaha Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”
 

Cabdillaahi Suldaan Timacadde wuxuu ummadda afka Soomaaliga ku hadasha  u ga tagay murti aan dhaxal-guurin oo waqti kasta la jaanqaada.shir kasta oo  n abad lagu raadinayo. Waa qasab in gabayadii abwaanka lagu dhagaysto ama  murtidiisii lagu soo hal qabsado. si shirkaas nabad loogu gaadho,.


Run ahaantii jaamacadaha waawayn ee arrimaha bulshada lagu barto aduunka waxa lagu dhigtaa lacag qaaliya oo macalinka lagjarka ka jeedinaya ayaa  lasii yaa, laakiin abwaan Timacadda diiwaanka murtida ee qaaliga ah wuxuu  ummad da afka Soomaaliga ku hadasha ugu hibeeyay in ay bilaash ku helaan culuunta lacagta badan lagu dhigto, sidaa darteed jaamacadda Gobolka Gabiley lagaga dhawaaqay ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde loogu magacdaray waxay ka  dh axaysaa dhismaheedu ummadda Somaliland, gaar ahaan gobolka uu ku  dhash ay ee Gabiley, maamulka gobolka iyo guddiga jaamacadda iyo cidkastoo gacan ka gaysataaba furitaanka jaamacadda waxay mudan yihiin in lagu amaano.


waxa kale oo hadhay dhammaystirikii jaamacadda oo laga sugayo Somaliland, gaar ahaan jaaliyadda gobolka oo gacanta ugu wayn laga sugayo “nin la  suga yow adna yaad sugu?

Intaa kadib. xukuumadda Somaliland gaar ahaan madaxwaynaha waxaan  leey ahay mudane madaxwayne gobolkii aad nasiisay, dhakhtarka aad noo dhisayso ee gacanta lagu hayo, ceelashii biyaha ee la noo qoday. iyo jaamacad aad  tig reetada madaxwayne ku soo saartayba. Waad ku mahadsantahay, waxaanuna kuugu haynaa abaal ay taariikhdu xusi doonto, laakiin hada waxaanu kaaga  fa dhinaa inaad nagu dhiirrigaliso wax kasta oo jaamacaddu ku dhammaanayso  in aad noo fuliso. Tusaale ahaan; Gobolka Gabiley waxa jira hanti ay xaq  uleedah ay oo kamaqan. una muuqda inay xaqdaro kaga maqan tahay. Waayo, markii  c ashuurta Somaliland oo dhan lamideeyay waxa dagmada Gabiley xaq ugu  leed ahay canshuurta kastamka Kalabaydhka in 10% laga siiyo. maalinkasta  cansh uurta ka soo baxda kastanka, hase ahaatee lama siiyo canshuurta ka soo  bax da kastanka waxay xaq ulahaayeen. laakiin waxa lasiiyaa 7% canshuurta  maa lintii kastanka kasoo xeroota.


Sidaa darteed, waxaan madaxwayne kaa codsanayaa hantidaa aanu xaqa  u   l ahayn. waxa naga dhiman 3% aad noogu raadiso sida ugu dhakhsaha badan  leh markaad gacanta ku soo dhigto. waxaad gacanta ka saartaa guddiga  jaam acadda dhismaheeda gacanta ku haysa 3% .si ay dhismaha ugu  dhamaystira an. Wixii dhismaha ka dambeeya 3%du jaamacadda ha u gaar ahaato. si  mush aharka macalimiinta loogu bixiyo inta jaamacaddu isku filaanayso. Golaha  deeg anka waxaan u sheegayaa in 3%-ka maqnaa wax hunguri ah kasoo galin, maa daama kuwan iyo kuwii ka horreeyayba awood u waayeen xaqaa ka maqnaa muddada dheer inay raadsadaan iyagoo kursigooda xeerinaya,.


Sidoo kale. waxa gacan wayn laga sugayaa xawaaladaha waawayn Dahabshiil, Qaran Express, Almustaqbal iwm. Waxa kale oo gacan laga sugayaa inay ku  ta barucaan qaadhaanka jaamacadda lagu dhisayo. shirkadaha telefoonada sida Telesom, Telcom, Nationlink iwm. Sidoo kale. waxa gacan hiil iyo hooba leh laga sugayaa tijaarta u dhalatay gobolka inay hormood u noqdaan shirkadahan aan kor ku soo sheegnay, haddii kale tijaarta Togdheer ha u sheegaan tijaarta  Gab iley inaan waxa labixiyo lagu kacayn ee lagu faa’idayo, hadday ka rumaysan  w aayaana ha ugu dhaartaan.


Intaa ka sokow, cidkasta oo jaamacadda Timacadde gacan ka gaysata axa lagu xusi doona diiwaanka jaamacadda sida. muftiga Sh.Aadan Siiro oo afar  wadaa da dambe dheer. Aqoondiineed, waddaniyad, deeqsinimo iyo isku kalsoonaan, waxaanan leeyahay wadaadada kalee Somaliland haku daydaan Sh. Aadan  sii ro oo aan u aqoonsaday Sheekha Sheekhyada Somaliland,. dadka jaaliyadaha dibada ee taageeraya dhismaha jaamacadda Timacadde wuxuu ku soo hagaajin doonaa “Accountka” oo laga heli karo websiteyada sida GabileyNews, Qarann ews iwm. Sidaa awgeed, mucaarad iyo muxaafidba halaga wada qaybgalo  dhis maha jaamacadda. Waxaan si wayn ugu ammaanayaa mucaaradka oo gacan muuqata ka geystay. iyo muxaafidkii gaar ahaan. Wasiirkii gobolka oo faro  ma dhan kala qaybgalay jaamacadda. Waxa kaleoo aan tabayaa xildhibaanadii  gob olka ee UDUB Caynaan iyo Cali oo aan madasha iiga muuqan, waxay ku maqan yihiina waa laga dhursugayaa.


Gunaanadkii waxaan leeyahay dhismaha jaamacadda Gobolka Gabiley hala  wa da taageero, ninkii ka horyimaaddaana waa nin dangaara leh oo horumarka gobolka diidan. Waxaynu ku sifayn karnaa “nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday” wabilaahi tawfiiq.

 

 

Qalinkii: Mawliid Axmed Jibriil
Email: xaqsheeg@hotmail.com
Hargeysa,Somaliland