Jaamacada Golis Oo Xaflad balaadhan Oo ay ku sagootin ey so  Ardeydii Dhawaan Ka Qallinjabisey u qabatey iyo M asuuliyiintii Xaflada kasoo qaybgashey oo isku raacey Tayada Waxbarashada Jaamacada GOLIS Bixiso.

 



Hargeysa (TNN)-Jaamacada Golis oo kamid ah jaamacada waaweyn ee Somaliland ayaa habeen kii Xalay ahaa Xaflad balaadhan oo ay kusagootineyso U qabatey Ardeydii dhawaan ka qallin jabisey Jaamacada Golis.dufcadii 4aad ee kaqallinjabisey Jaamacada Golis oo dhamaa inkabadan 220 ardey ayaa waxaa ay iskugu jireen Kulliyada kalla ah Maamulak iyo technolgyga oo wada socda waa{MSIT}.Kulliyada beeraha{Agliculture]Kulliyada sharia law .xafladan oo aheyd mid aa d ubalaadhan ayaa waxaa kasoo qayb galley Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaran ka Ciise Yuusuf Maxamed{Ciise Xamari},Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe,Wasiirka Kaluu meysiga iyo khayraadka bada C/laahi Jaamac Cismaan Geeljire.Gudoomiyaha Jaamacada Golis Dr.Siciid Axmed Xasan.Xil.Wabeeye,Axmed Jaambiir suldaan oo kamid ah masuuliyiinta Jaamaca da Golis ,Deanka Kulliyada MSIT Ee Jaamacada Golis Nimcaan ,Macaliinta jaamacada,Ardeyda qallinajbisey iyo walidiin.


Masuuliyiintii xafaldaasi kasoo qayb gashey oo hadalo kalla duwan kajeediyey xafladaasi ayaa umahadnaqey maamulka Jaamacada Golis oo dadaal badan u aglley horumarinta Jaamacada oo ah horyaalka jaamacadaha somaliland iyadoo jaamacadu soo kordhise kulliyada kalla duwan oo aaney jaamacadaha kalle ee Hargeysa kuyaala aan wali lagu abran sida kulliayda Beeraha.
Sidoo Kalle Jaamacada Golis Waxay laamo kuleedahey Magaalooyinka Berbera iyo Burco.
Waxaana Xafaldaasi oo aheyd mid aad uqiimo sareysay ooa y ardeydu aad ugu mabsuduen waxaa lasguu bandhigey riwaayd kahadley waxbarashada iyo qiimaheeda. Ardeyda Qallin jabis ey Ayaa shadooyin iyo abaalmarino ay kumaamuusayaan gudoonsiiyey Gudoomiyaha Jaamaca da GOLIS Dr.Siciid Axmed xasan Sidoo kalle waxaa shaahaadooyin Lagu Gudoonsiiyey Malimiin ay kamid yihiin Cumar Xaaji Maxamud Cumar xaashi Iyo Nimcaan iyo macalimiin kalla ooa y ardeydu ugu talo galeen iney u sagootiyaan macalimiintooda qiima leh ee mudadaa ay waxsoo baranaa yeen .ladadaaley.


iskusoow ada duuboo Jaamacada Golis ayaa ah mid sida Shamaca uga dhax Ifeysa Jaamacadah a Somaliland iaydooa ad arki karto jaamacadaha badan ee ay xidhiidka laleedahey si ay u taye yso waxbarashada sare ee somalialnd sidoo kalle ay jaamacadu kudadaaleyso iney tayeyso oo ay keento waxbarasho iyo kulliyado dalku ubaahan yahey sida beeraha ,Medicen iyo Agricul ture.

Ahmed Mohamed Shaqalle
Hargeysa Somaliland