Jaamacadda Timacadde Saamayn intee leeg ayay ku yeelatay geedi socodka Hanaanka Waxbarashadda Gobolka Gabiley?.

 


 

Maamulka Jaamacadda Timacadde ayaa Guntiga u xidhay isla markaana ka midho dhaliyay himiladoodii Daawo Sawiradda

Hargeisa (TNN)-Jaamacadda Gabiley oo ka mid ahayd jaamacadii ugu Dambeeyay ee laga Sameeyo Dalka Somaliland ayaa Dabooshay Guud ahaanba Baahiyo kala duwan oo dhinaca waxbarashadda sarre ahaa ee ka jiray Gobolka gabiley, kuwaasi oo dhamaantood bulshada si guud u saamayeeyay.



Gobolka Gabiley oo ka kooban lix Degmo oo Waawayn oo dhamaantood leh Dugsiyo Waxbarasho oo heerar kala duwan leh ayaa in badan baahi wayn u qabay jaamacad ku taal Gobolka Gabiley oo ay ku dhamaystiraan Aqoontooda Waxbarasho ilaa iyo heer jaamacadeed, Maadama tiradda Ardayda wax ka barata Dugsiyadda sare ee Degmooyinka Gobolku aad u badanaayeen.

Jaamacadda Gabiley ayaa Wax wayn ka badashay kana Qayb qaadatay Deganaanshaha bulshadda Gobolka inay ku nagaadaan Gobolkooda maadaama ay ka helayaan Aqoon u dhiganta tii ay udoonan jireen Goboladda kale ee Dalka Somaliland, kuwaasi oo Camiray isla markaana geeyay ubadkoodii dhamaystay dugsiyadda sarre ee Gobolka.

Jaamacadda oo Curdin isla markaana aan helin Dhaqaale badan oo kaabi kara Geedi socodka hanaanka Waxbarasho ee Jaamacadi ku Dhaqaaqi karto ayaa suuro galisay isla markaana Awooda Saartay in ay Tayo ahaan dhisaan jaamacadda Timacadde iyaga oo keenay Bare-yaasha ugu Aqoonta badan dalka ee sida wayn looga Qadariyo Jaamacadaha Somaliland.

Waxyaabaha u suuro galiyay oo ay ka mid tahay Tayadda Aqoonta ee ay jaamacaddu Bixiso, dhaqaalaha (Fee-ga) ardayga laga Qaado oo aad uga hooseeyay Jaamacadaha kale ee Dalka, wakhtiyadda Ardaydu heli karto inay galaan jaamacada oo aad loogu fudeeyay iyada oo Ardayda qaar habeenkii galaan iyo Qorshaha Jaamacaddu ku hagayso Ardayda oo si fiican looga fikiray.
Library
Maamulka Jaamacadda Timacadde ayaa Guntiga u xidhay isla markaana ka midho dhaliyay himiladoodii ahayd inay Jaamacadda Gabiley noqoto mid lagu soo hirto isla markaana ay ka hirgaliyaan Aqoon tayo sare leh oo ay kaga duwanaan karaan Jaamacadaha kale ee Dalka.

Hirgalinta Jaamacadda Timacadde ayaa soo martay marxalado kala gadisan oo aad uqalafsan kuwaasi oo Maamulka Jaamacadda iyo Muwaadiniin udhashay Gabiley oo uu ka mid ahaa Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) guntiga u xidheen ka midho dhalinteeda iyo sidii ay Heerka Aqoonta Dadkooda kor ugu qaadi lahaayeen, kuwaasi oo illaahay ku guuleeyay fikirkii geesinimaddaha lahaa ee ay ku hirgalineen, bulshadda ku dhaqan gobolkuna Abaalkeeda u hayso cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgalinta jaamacadaasi.

Jaamacadaha Somaliland oo mudooyinkan danbe ku soo badanaya dalka ayaanay Wasaaradda Waxbarashadu usamayn Qorsho Aqooneed kala duwan oo jaamacad Walba siinaya Waxa ay dadka Barayso iyo Baahidda Aqoonta ka jirta Somaliland iyo waxa ka maqan.

Tusaale ahaan Hadii jaamacadda Gabiley loo qorsheeyo inay Awoodda Saarto Barashadda Cilmiga Beeraha (Agriculture) iyada oo aan ka tagayn Cilmigii kale ee ay barayaan Ardayda, maadaama ay Gabiley Tahay Gobol wax soo saar oo Ardayda u ah Wax ay ku tababar Qaadan karaan, waxay ila tahay inay isbedel horumineed gaadhsiin lahayd.

Haddii Jaamacadaha kale ee Dalkana sidaas oo kale loo qorsheeyo inay Ardayda bartaan Waxa uu Gobolkaasi hodan ku yahay si ay cilmi ahaan Wax badan uga qaban karaan baahiyaha shaqo la,aaneed ee dalka ka jira una hirgalin karaan fikirro cusub oo dalka lagu horumarin karo.

Gunaanadkii Aragtidayda Waxaan ku Boorin lahaa Bulsho waynta ku Dhaqan Gobolka Gabiley inay Camiraan jaamacadda Gabiley oo ay ku daydaan inta maanta ku jirta ee ka qayb qaatay hirgalinta Jaamacadda iyo illaalinta Deganaanshaha dadka ku dhaqan gobolka ee Jaamacad la,aan uga haajiri jiray Gobolka Gabiley, si uu Horumar u gaadho Gobolku.

Qurbajooga reer Gabileyna waxaan odhan lahaa “ha noqonina Doqontii inta ay loxooxda Dubtay midhkii ugu danbeeyay ka kacday” jaamacadii Gabiley way dhaqaaday oo waxay qarka u saaran tahay inay dufcadii koowaad oo Diploma ahi qalin jabin doonto sanadkan gudihiisa loona baahan yahay waxyaabo faro badan oo ay ka mid yihiin Dhaqaale, Qalab, iyo Buugaagba in lala garab istaago, si aanu u wiiqmin, una damin Ilayskaa maanta ka ifay Gabiley, iyada oo in badan lagu hamiyay hirgalintiisa.

Waxaad maanta u qabato jaamacadu waa Sadaqad jaariya oo kuu socon doonta ilaa wakhtiga aad Godka gasho maadaama arday wax ku baranayaan dhaqaalahii aad ku deeqday ama Buugii aad gaysay jaamacadda Cilmina laga Faa,iiday, sidaa Awgeed Qofkasaa wuu Bixiyaa Dhaqaale balse goobaha noocan oo kale ah waxa aad ku bixisaa waa wax if iyo aakhiroba faa,iido kuu leh, kuna xusan diiwaanka Ajarkaaga iyo Waxtarka bulshadaada ee Fadhiga halaga kaco.

 

Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Timacade News Desk
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/somaliland.