Jacaylka Riyaale ee Jabouti +Nacaybnka Ina Cumar Gee lle ee Somaliland+Xafladaha Lagu Taageerayo Ina Geelle oo Weli ka socda Somaliland=

Cadowgeeda Koriya Somaliland!!!

Waxaan aad iyo aad uga damqaday markii aan arkay Xaflado Loogu heesayo ama lagu taageerayo ninka ku caan baxay cadaawada iyo nacaybka Somalila nd, oo lagu qabtay xaruntii Somaliland ee Hargeysa!! Waxaan Sii fajacay Markii La yidhi Lacagta ku baxday Xaflada Ina Geelle Dowlada ayaa bixisay, Waxay ka sii Dartay Markii Layidhi Wasiiro Iyo Xildhibaano Ummadan iyo Qarankan Xil u haya una Dhaartay Danta dalka dadka iyo Difaaca Diinta in Ay halkaa amaan uga soo jeediyeen Cadowga Somaliland!! Waxaa wax aan la qaaadan karin ah illaa imika in ay socoto xafladihii Cadowga Somaliland Lagu Kobcinayey.


Riyaale waa madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland ee weliba Xilkan loo doortay una dhaartay in uu dalka iyo dadka iyo dastuurka dhowro Cadowga Somalilandna uu dalka ka difaaco, Wixii ummada dhib u dhac ku keenayana ka illaaliyo. Hadaba waxaa dhacday in madaxwaynihii aynu dooranay Mr daahir Riyaale Kaahin uu Jeclaaday mid ka mida dadkii Somaliland iyo jiritaan keedaba ka soo hor jeeday Weliba aad arkaysaan in madaxwaynihii Somaliland( Remote-control) Lagu hagayo oo uu wixii Ismaaciil Cumar Geelle Doonayo uu ka hor marinayo wixii Danta Somaliland ku jirto,Taasina ay ina geyaysiiay in Dekedaheenii xoolahiinii Siyaadadeenii wixiiba Jabouti Laga maamulo Inagiina Aynu Heeso Qaadno!!!

Riyaale waa madaxwaynihii ugu horeeyey ee isaga oo madaxwayne ah sharaftii iyo karaamadii Qaranka Somaliland huwan hadana taageero hagar la'aaneed u fidiyay Cadowga Somaliland, Waa Madaxwaynihii ugu horeeyey ee u dhego nuglaada cadowga Somaliland,(Your Enemy His Friends Is Your Enemy) Cadowgaaga Saaxiibkii waa Cadawgaaga,Sidaa Darteed Riyaale wuxuu si toos ah ugu biiray ma gacan saar dhaba ula yeeshay dadka kasoo horjeeda jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, Taasina Waxay Qayaxaysaa in Riyaale yahay cadowka koowaad ee SOMALILAND, Taladii dalka Dhaqaalihii dalka Siyaasadii dalka intuba waxay gacanta ugu jiraan Ina geelle iyo Jabouti. Ina Cumar Geelle iyo Qadiyada Somaliland Halka ay Joogaana iswaydiin mayno maanta.Riyaale wuxuu diiday oo ka soo hor jeestay Talooyin iyo Toosintii Dadka Somalilander ah ama dadkii u damqanaya Dalkan.

Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye
Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye.
Xaajadu markay gobo'da iyo , gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro , ruux ku gelayaaye
Arrin lalama guulee warkuu , gura yidhaahdaqye
Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiise.
Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede
Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye
Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahay.


Tuducyadani waxay ka mid ahaayeen Maansadii Gud Gude ee Hadraawi)

Waxaa Dadka Somalilanderka ahi is waydiinayaan maxay ku kala duwan yihiin ama miyey ina kala xigaan Ismaaciil Cumar Geelle Iyo Sheekh Shariif Maadaama ay labaduba Yihiin kuwo kasoo horjeeda qaranimada JSL oo Sheekh Shariif na leeyahay madaxwaynaha wixii laysku odhan jiray Somalia Waa aniga, Ina Cumar Geellena Sidaa Ku Raacsan yahay.Labadaa Nin Waxay Isku Raacsan Yihiin Ama Kuwada Socdaan Waa In Aanay Somaliland Noqon QARAN Shaqeeya ama caalamka ka Mida.

Maxaa Dowlada Sheekh Shariif Qofka Somalilanderka ah ee U Taga Loogu Shaabadaynayaa In Uu Yahay Danbiile Qaran Riyaale Oo Dhaxalkii Somaliland iyo Hantidii Ummada U Gacan Gelyey Cadowna Muwaadinka Dhigay?

Hadiibase aynu maanta Boorame Hargeysa Gabilay intaba uga heesayno ninkii aduunyada ugu necbaa Jamuuriyada Somaliland, Goorma ayaynu Sheekh shariifna u Heeesaynaa ama xaflad u qabanaynaa? illeen waa isku mide!.

Maxaynu Sheekh Shariif iyo Somalia na Kula Colownay Ismaaciil Cumar Geeellena Ku Jeclaanay?!
 

 

 


Cali Kayse Kabadhe

Netherlands
Calikayse@live.com