Jamaal Cali Xuseen ayaa si weyn u daa dafeeyey warar sheegaya in loo magacaabi doono  Gudoomiyaha Baanka Dhaxe ee Somaliland

 



Hargeysa (TNN):- Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaridka ee UCID, Jamaal Cali Xuseen , ayaa si adag u  daa dafeeyey warar sheegaya in loo magacaabi doono  Gudoo miyaha Baanka Dhaxe ee Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen ayaa  qoraal kooban oo ku iclaamiyey barta uu ku leeyahay Facec book , ayaa waxaa uu u dhignaa:

“Inkastoo aanan markii hore dooneynin inaan ka jawaabo laakiin qaar idinka mid ah ayaa isoo weydiiyey waxa ka jira wararka ku tiri ku teenta ah ee ay daabaceen Qaran News iyo Baligubadle News , ee xaqiiqada iyo runta ka fog in Gudoomiyaha Gaanka Somaliland lay magacaabi doono.

Runtii waa wax lagu qoslo tollow maxaa maxaan awooda laxaadka leh u geliyey si aan xis bigayaga UCID ee aan musharaxa ka ahay u soo saarno, haddaan shaqo Banki doonayo.

Madaxtooyadda oo aan galona waxaa iigu danbeysay xilligii Daahir Riyaalle, oo intay xuku umaddani qabsatay mabaan gelin. Runtiina anigoon musharaxba noqon hore ayaan u diid ay inaan Wasiirka Maaliyadda noqdo sababo ii gaara mise waaba anigoo imika musharax cad ka ah xisbi qaran.

Markaa labadaa website waa beenaalayaal ee ha akhriyina Ilaahayna ka baqan maayaan xilligaasi Ramadaan. Waan idin salaamay kuligiin.” ayuu yidhi  Jamaal.







Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland