Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe ma sidii Abnaw aas iyo Beenawaas ayay digo iyo danbas kala iibsadeen?

 

 


sidaynu la wada socono aqoonyahan jamaal cali xuseen ayaa waxa uu ku biiray xisbiga UCID xisbi gaas oo uu ku yimid burbur aad iyo aad u laxaad leh kadib markay xubnihii ka tirsanaa xisbigaas ee lafdhabarta u ahaa ay isku khilaafeen cida hogaaminaysa doorashooyinka lafilayo inay dhaw aan qabsoomaan, xisbiga ayaa dhamaan siyaasiyiintii tiir dhexaadka u ahaa 90% ay ka dareere en oo ku midoobeen urur siyaasadeedka lamagac baxay WADANI kaas oo markii lagu dhawaaqay ba la soo baxay dar dar cusub kadib markuu hogaanka u qabtaya gudoomiyaha golaha baarlama anka mudane c/raxaam ciro,

waa maxay hadaba farqiga u dhaxeeya aqoonyahan iyo siyaasi? mase noqon karaa qof kasta oo aqoonyahani qof siyaasiya? hadynu waxyar ka jawaabno su,aalahan hadii qof lagu sheego waa aqoonyahan waxay koobsanaysaa dhamaan aqoon oo dhan qaybtuu doone habartee sida qof b artay dhaqaalaha, ingineer, sayniska noocyadiisa kala duwan IWM, laakiin marka qofka lagu she ego waa siyaasi ama waa hogaamiye waxaa la odhan karaa waa qof ka soo bixi kara inuu hogaa miyo umad ama qaran, waxyaabaha looga baahan yahay inuu yeeshana waxaa kamida waa inuu garan karaa siyaasada lagula macaamilayo bulshada caalmaka ku dhaqan iyo sida xidhiidh saaxii btinimo looga samaysan karo ama hakula diin noqdaan ama waxay doonaan ha aamin sanaade ene, waa inuu garan karaa umadan uu hogaamiyaha u yahay dhaqankeeda diinteeda iyo waxaa aas aas u ah ee aanay marnaba dhaafi karin, waa inuu wax ka leeyahay calaamadaha hogaamiy aha sida codkarnimo ama aftahanimo, deeqsinimo, waayo aragnimo uu ku kasbankaro bulshada uu xukumayo iyo ta uu xidhiidhka la yeelanayo, waa inuu ka muuqataa geesinimo iyo go,aan qaad asho iyo kudhac umuuraha lasoo gudboonaada, IWM,

hadaba waa kala jaad qof aqoon gaara bartay oo isaga goor u anfacaysa iyo qof bartay bulsho sida loo hogaamiyo oo khibrad uleh haduuse qofka aqooyahanka ahi dadaal badan la yimaado oo uu waayo arag u noqdo bulshadiisa iyo habka loola macaamilo waxaa laga yaaba inaanu ku fashi lmin hogaaminta umada,

hadaynu u soo noqono iskubiirida aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu ku biiray ururka UCID ee uu horfadhiyo Faysal Cali Waraabe maxay ka bedeli kartaa burburkii la soo gudboonaaday ururka UCID? waxaa la odhan karaa waa mid uu mudane jamaal mar labaad u khasaaray rajadii iyo hung urigii uu ka qabay inuu ka midho dhaliyo hankiisa siyaasadeed sababtoo ah ururka uu ku biiray w aa urur bur buray oo dhamaan taageera yaashiisii iyo xubnihii uu ururku ku dhisnaa ka diga rigte en oo gegi cidla ah taagan waanay adag tahay sida uu uga soo dhex baxo doorashada deeganka ee lafilayo,

maxaa lagudboonaa mudane Jamaal cali xuseen markii ugu horeysay ee uu ku dhawaaqay inuu ku soo biiro siyaasada? jaaniska uu lumiyay waxa uu ahaa maadaama uu la kulamy xili la ogolaa day in la furo ururo cusub oo tartan la galo inuu furto ama ka mid noqdo urur cusub oo aanay ka muuqan dad siyaasad hore loogu soo nacay oo ku soo raftay si aanay shaadh kiisa u wasakhayn waayo waxa uu ahaa qof umada magac kuleh oo aan cidna godob ka gelin, ilduufkaa siyaasadeed ee ku dhacay jamaal cali xuseen waxa uu kuu cadaynayaa inaanu jamaal qiyaasi karin hadba hal kay dabaysasha siyaasadeed u socoto iyo isbed bedelka siyaasada oo uu aqoonyahanku ku haf tay labadii jeerba uu tijaabada iska qaaday waxaanu labada jeerba gacanta ka dhiibay laba xisbi oo khilaaf hadheeyay oo umadu ka diga rogatay inkasta oo uu isagu xisbiga UDUB khilaafkiisa laf dhabar u ahaa oo uu soo dhex dhigay lacag uu ku doonayay in loogu cumaamado musharaxnima da madaxweynenimo taas lafteeda waxay ku tusay saa habka uu u soomaray salaanka siyaasa da inay wax badan ka khaldan yihiin oo uu siyaasda ku doonayo inuu lacag ku iibsado!,

nasiib wanaag fasysal cali waraabe oo iska dhex tasbiixsanaya xafiis madhan oo uu magaca xis biga UCID ee laga guuray la dhex fadhiya isagoo garan la cid ka iibsata haraga xisbiga markii ragii ugu shishlaa ka baxeen ayuu jamaal ula soo galay isagoo sita shandadii lacagta ahayad ee uu ku kala qaybiyay xisbigii UDUB ayuu faysal na haragii madhnaa ee xisbiga gacanta u saaray jamaal oo uu ka dhufsaday xoogaagii yaraa ee tacabka badani kaga soo baxay! nasiib badaa faysal, isa goo faysal hore u sheegay in xisbigan tacab badani kaga soo baxay oo aanu ciyaar ciyaar uga tegayn makula tahay akhristow inuu faysal si fudud ugu wareejiyay jamaal xisbiga? su,aashaas idinkaan idiin dhaafayaa,

waxaan ku soo xidhayaa waxaynu wada sugnaa waa meesha uu la fadhiisto jamaal cali xuseen gaadhigaas bilaa taayirada ah ee laga kireeyay jamaal waqtiga uu dhaqaaqo!,

 

 



Aadan Axmed Nuur

Dublin Ireland
khuurshe11@hotmail.com