Jamaal Cali Xuseen oo  Qoraal  soo saaray

 


Hargeysa (TNN):-Murashaxa Mansabka Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Ja maal Cali Xuseen ayaa markii u horeysay si faahfaahsan uga hadlay Mawqifka Xisbi ahaan ay ka taagan yihiin Tallaabooyinkii Ka dhanka ahaa dhaq-dhaqaaqooda ee Xukuumadda Madaxwe yne Siilaanyo ku karantiimaysay maalintii ay isu soo baxa ka sameeyeen Xarunta xisbigooda 10-kii bishan December.

Jamaal Cali Xuseen oo xalay qoraal dheer ka soo saaray Hargeysa waxa kale oo uu kaga hadl ay qaababkii iyo Farsamooyin dadban oo Xukuumaddu u adeegsatay hakinta mudaharaadkood a isaga oo dhinaca kalena ku hanjabay inaanay mar dembe u daba fadhiisan doonin xukuumad da Isu soo baxyo kale oo ay qabsan doonaan. Qoraalkaas oo Nuqul kamid ahi caawa soo gaad hay Shabakada Timacade News, waxa isaga oo dhammaystiran uu u dhignaa sidan:

“Markuu oomanaa

afwanaagsanihii

iska oohin jiray

Uurkale la yimid,

Albaabadda garaac,

Haddba oodo Jiidh,

aflagaado baddi,

Ummaddii u yeedh,

Laga daba abraar,

Ay(keyn) buu la tegay?

By : Abwaan Haybe Faarax

Marka hore waxaan salaan sharaf leh u dirayaa dhamaan shacabka Somaliland meel kastay jooggaan. Mudaharaadkii Dec 10keedu waa bilow wanaagsan waanu socon doonaa inshallah maadaama aan runtii dawladan la tusin mucaaradaddii adkeyd ee ay iyagu sameyn jireen mud do 3 sanadood iyo badh ka dib oo ay kursiga ku fadhiyaan. Haddaba anagoo raacayna xuquu qda gaarka ah ee uu Xisbi ahaan qaranku na siiyey waxaanu sameynay mudaharaad nabad ah oo aanu wargelinteedda u gudbinay Wasaaradda Arimaha Gudaha. Ka dib waa kuwii naga diiday iyagoo u qaatay codsi si badheedh ahna u jebiyey shuruucdii dalka, iyagoo Xisbiyaddii Qaranka ula dhaqmaya si ixtiraam daro ay ku jirto. Bal idinku ka warama hadday xukuumaddu si badheedh ah u jebinayso shuruucdii dalka ee iyada kursiga ku ilaalinaayey?

Ka dib waxa nala soo xidhiidhay Wasiirka Arimaha Gudaha oo joogga dalka Ingiriiska, runtiina muujiyey masuuliyad iyo inuu ka werwersan yahay nabadgelyadda. Kadib codsigiisa dartii wax aanu go’aansanay oo isla garanay Wasiirka Arrimaha Gudaha inaanu ka mudaharaadno uun barxadda xisbigu ku leeyahay magaaladda Hargeysa. Laakiin ballantii iyo qawlkii wey jebiyeen. Dhibaataddu waxay ka dhacday ficilkii xukuumadda oo runtii ka yaabiyey shacabkii Somaliland. Kumaan kun oo ciidamo ah ayaa lagu daadiyey magaalooyinka dalka gaar ahaan Hargeysa, Be rbera, Gabiley, Boorama iyo Burco. Berbera iyadu Bandoo ayaaba laga dhigay, halka caasima dda magaaladda Hargeysa iyada laga galay heegan balaadhan oo dadka lagu shaki gelinaayey halka qaarna looga hanjabaayey, kuwo kalena la laaluushaayey, qaarna la xidhay. Ficiladdii xu kuumaddana waxaa ka mid ahaa sidatan;

1. Gudiyaddii xaafadaha oo loo hanjabay, lacago xad dhaafna lagu bixinaayey dhalinyaradda oo qaarkood lacag iyo qaad laysugu daraayey.

2. Basaskii soo qaadaayey taageerayaasha xisbiga UCID oo ay askartu ka dejinaysay oo ay cagojugleyn iyo aflagaadooyin lagu sameeynaayey.

3. Xaafaddahii oo lagu wareegaayey oo loo hanjabaayey dadkana loo sheegaayey in la dili do ono hadday UCID u soo baxaan.

4. Ciidamadda booliiska oo si bilaa sharci ah u xidhay madaxda xisbiga ee goboladda oo dhan. Qaarkoodna askar baa la dhigay guriyahooddii.

5. Sifo bilaa sharci ah oo Jabhadaysan maalintii mudaharaadku uu dhacay ee Salaasadda

Waxa xarunta xisbigga la wareegay ciidamadda Booliska aroornimaddii 7:00AM. Ciidankaasi w axaa hogaaminaayey Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska ee Somaliland iyo Wasiiradda Waxb arasha ee Somaliland. Sida ay sheegeen markhaatiyaashii goob joogga ahaa kuna qornayd jaraa’idka Waaheen. Halkaasi waxay sifo bilaa sharci ah uga xidheen Maxamed Cali Madoobe (Jiir) oo ah xoghayaha Dhalinyaradda iyo Isboortiga ee Xisbigga UCID, iyo Ismaaciil Ahmed Ismaaciil, Gudoomiyaha Abaabulka iyo Wacyi gelinta ee gobolka Maroodi-Jeex ee xisbiga UCID.

6. Wasiiradda Waxbarashadda oo ku wareegaysay iskuuladda ka agdhow xarunta xisbiga ee UCID kuwo dawladu leedahay (public) iyo kuwa gaarka loo leeyahayba (private). Waxaanay macalimiinta iyo maamulkaba u sheegaysay inaan ardayda nusasaace loo soo deynin oo aan ay ka qayb gelin mudaharaadka UCID. Askarna qaar la hor dhigay. Halka laga hakiyey inay isk uulka ka soo baxaan xataa xilligii rawaxaadda oo uu weli mudaharaadkii socday.

Sidani waa si ka fog dimuqraadiyadda iyo balan qaadkii beenta ahaa ee Kulmiye xukunka ku fu ulay. Haddaba, maadaama ay xukuumaddani keentay hab dhaqano ku cusub Somaliland oo ay qaarkood shabahaan kuwii aynu ka soo dagaalanay ee Siyaad Barre iyadoo canshuurtii dan y artana isticmaalaysa oo awoodii la siiyey ku cabudhinaysa saxaafadda iyo xisbiyadda Qaranka Siyaasad ahaan iyadiina ay habeen iyo maalin olole been ah ku jirto, oo maanta la maraayo he er xuquuqal iinsaankii uu meel halisa maraayo cabudhiska saxaafadda iyo Xisbiyadda qaranku na uu meel halisa maraayo, mar danbe u sheegi mayno goorta iyo goobta aanu mudaharaady adda ka dhigayno. Maadaama ay xukuumaddu halgan weyn ka gashay inay duudsido xuquuq daydii aanu lahayn xisbi qaran ahaan oo la yidhi kama hadli kartaan Jaamacadaha, waxaadna u baahan tihiin visa aad dalka gudahiisa ku wareegtaan oo u muuqataa tii warqaddii dhaq dha qaaqa ee xilligii Siyaad Barre, annaguna waxaan sii waddi doonaa mudaharaadyadda anagoon ogeysiin xukuumadda maadaama ay sameysay ficiladda kor ku xusan markii aanu ixtiraanay ee aanu ogeysiinay. Wixii shalay xukuumadda la hagaagsanaa inay yidhaahdaan maanta waa been waxay cay ku tahay garaadka dadka, intii ay sameyn jireen uun baanu sameeynaynaa maadaama ay ku xad gubeen shuruucdii dalka lakiin mudaharaadkayagu mar walba waa mid nabad ah oo aan la mid aheyn kii Kulmiye. Waxaananu u mahadnaqaynaa taageerayaashii iyo sufufiyiintii usoo lugeeyay xarunta xisbiga ee maalintaasi muujiyey dareenkooda suurto geliye yna in uu qabsoomo mudaharaadkani inkastoo dagaal adag nalala galay. Ilaahay wuxuu wat o cidina ma joojin karto. Ilaahay baa mahad leh.



Qalinkii Jamaal Cali Xuseen

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga UCID