Jamacada Hargeysa oo Xidhiidh Caalami ah la sameysay Jamacad ku
taala dalka Jarmalka.
Hargeysa (TNN) Jaamacada Hargeysa iyo jaamacad ku taala Magaalada
Munich ee dalka Jarmalka ayaa maanta kala saxeexday heshiis
waxbarasho oo dhexmaray labada dhinac oo ah dhanka bara shada
caafimaadka, taasoo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay jaamacad ku
taala Jarmalku xid hiidh la yeelato jaamacadaha Somaliland.
Xaflad saaka lagu qabtay xarunta jaamacada Hargeysa ayaa lagaga
dhawaaqay heshiiska labada jaamacadood, iyada oo ay goob joog ay ka
haayeen wasiiro ka tirsan xukuumada , maamulka jaa macada Hargeysa
iyo masuul ka socday jaamacada Jarmalka ee LMU , iyada oo halkaas
laga akhri yay qodobada oo ka koobana yahay heshiishka labada
jaamacadood.
Qodabada ugu muhiimsan ee heshiiskan waxa ma mida:
1-In labada jaamacadooda ardaydoodu waxbarasho caafimaad oo ay ku
qaadan karaan wadamad a Jarmalka iyo Somaliland.
2- In Jamaacada LMU ay ka taageerto jaamacada Hargeysa dhanka
qalabaynta kuuliyada caafima adka iyo kor u qaadida tayada
macalimiinta si jaamacada ula talaabsato jaamacadaha kale aduu nka.
3- In shan sanno ka dib loo eego heshiiskaas si fiiro gaar ah loogu
yeesho horumarkii laga samee yo, iyada oo haddii ay ka soo baxdo
natiijo wanaagsani libin laabmidoonto taageerada loo fidanayo
jaamacada Hargeysa.
Guddomiyaha jaamacada Hargeysa Pro Muuse Cabdi Cilmi oo ka hadlay
munasaabadii heshiiska la gu kala saxeexanayey ayaa ka waramay
marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martaya waxbarsha da dalku,
waxaana uu sheegay in jaamacada Hargeysa ay tahay mid hormuud u
noqotay waxbara shada ee Somaliland oo xilligan maraysa meel
wanaagsan, waxaana uu Jamaacada LMU uga mahad celiyay xidhiidhka ay
la samaysay jaamacadiisa.
Prof. MaHhias Siebeck oo ah sarkaal ka socday kuulliyada caafimaadka
ee jaamacada LMU ee Maga alada Munich oo isna ka hadlay halkaas ayaa
sheegay in ay go’antay sidii ay u caawin lahaayeen jaamacada
Hargeysa oo uu baahan in laga taageero tayaynta waxbarashada oo ah
mid kobcays a,isla markaana ay noqotay arrin isaga soo jiidatay.
Waxa kale oo uu amaanay nabad iyo horumarka ay Somaliland ku
talaabsaday, isaga oo sheegay in sababtaasi ay u doorteen in ay
Somaliland xidhiidh la soo sameeyan.
Source:Waaheen
|