War-Saxaafadeed
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu
Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka socda
EU-da, weftigan oo uu hogaaminaayey Geroges-Marc Andre oo ah
wakiilka EU-da ee Somaliland & Somaliya.
kana koobnaa 13 Xubnood oo ka kala socda wadamada Sweden, Finland,
Denmark, France, Netherla nds, Hungary, Spain, Germany, Austria, iyo
UK.
Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee
dhinacyada Nabad gelyada, Maamulka iyo Dhaqaalaha.
Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga uga waramay Dhismaha Xukuumada
oo uu sheegay in ay tahay Xukuumad aad u Tiro yar isla markaana Tayo
leh oo ay Aqoonta iyo Khibradu Saldhi u yihiin, Madaxwaynuhu waxa uu
tafaasiiska bixiyey siyaasada xukuumada Cusub ee Horu marinta
Wadanka & in ay uu yoolkeedu yahay rumaynta iyo meel marinta
Balanqaadyadii xiliga kaanbaynka ee hore.
Dhinaca kalena madaxwaynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday Adkaynta Nabad
gelyada iyo Ka hortaga Argagixisada iyo Budhcad badeeda.
Madaxa Weftiga Ceroges-Maec Andre ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha
si wayn ugu hambalyeeyey doorashadii Dalka ka dhacday iyo Sidii
nabad gelyada lahayd ee isbedelku u dhacay, Madaxa weftigu waxa uu
soo maalilnad ku dhiiriyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka
gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu
sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso
farsamada iyo Aqoonta lagu Xaqiijinaayo taas.
Gebegebadii kulankan waxa uu ku dhamaaday is Afgarad.
ALLAA MAHAD LEH
AF-hayeenka Madaxtooyadda JSL
C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
|