Ictiraafka Sheffield (UK) Ee J.Somaliland: Allahayoow Noqdaa ''Domino Effect.

 


- Warka barkhadeed ee ka soo faafay magaalada Sheffield (UK) maanta 03/04/2014, ee ku saabsan Ictiraafka J.Somaliland, waxa uu qof kasta oo reer Somaliland ah ku beeray dareen aad u gashi san oo bog-diirani ku nudan tahay! Waxa uu Ictiraafka Shieffield qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland uga dhigan yahay, sida Foore roob oo soo dhacay Jeer ama Xili ay dadka iyo duunyaduba ka soo doogeen Gu' xumaaday kuna jiraan Jiilaal dheeraaday oo lagu riiqday! Tabtaasi oo kale ayay Yuhuun leh eemamo-sami idaylkeena inoo saaqday.

Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay intii ay jirtayba buuxisay shuruud kasta oo lagu xidhI karo Qaran samaysankiisa iyo jiritaankiisaba. Xxujooyinka qaran-nimada looga baahan yahay waxa ka mid ah; ''Dhul la yaqaan oo cayiman, dad degan dhulkaas iyo -maamul ku fidsan dalka oo raali laga yahay aduunyadana la macaamili kara''! Judhiiba inagu intaa gacantaan ku haynay! Wax Allah waxa kale ee badan ee Togan ee camuudaas ka badan ee ay dadka J.Somaliland ku nooli samaysteen waa raxe iyo siyaado. Hadaba, hadii aynu shuruudihii buuxinay maxaa la inoo Ictiaafi waayay ayaan had iyo jeer is-waydiinaa?

Qadarka Allah waa iska halkiisa hase-yeeshee aniga sida ay ila tahay, ma muuqato jawaab cad oo la heli karo oo la odhan karo sababtaasaa hor-taagan Aqoonsiga J.Somaliland ay sida dhabta ah u kasbatay! Dadkeena ku xeel-dheer Shuruucda aduunyaduse waxa ay ku sheegaan in carqaladda dib u riday ilaa haatan ictiraafkeenu ay tahay uun arimo ku qotomo Siyaasad, ee aanay haba-yaraatee wax-sharciyad ah salka ku hayn.

Waxa ay doontba ha daarnaato arintuye haatan, waxa ay u muuqdaan mala-awaaladaa dushu qaar gabi ahaanba meesha ka baxay, waayo? wax wayn baa maanta is-bedelay! Oo, markii ugu horaysay intii ay jirtay J.Somaliland ee cusubi (18/05/1991), ayaa ay heshay cid aqoonsato. Arintaa mahadeeda waxa leh oo ka badheedhay Xildhibaano la soo doortay oo sharci ku fadhiya kuraasida ( Sheffield/UK)! Waa guul iyo gumaro aad u qaro wayn oo aan la dhayalsan karin oo inoo soo hoyatay. Waxana aan rajaynaynaa inay abuurto xaalad ah, ''Domino Effect/Buukooy buuko wareen'' oo Caalamka intiisa kalena saamayn ku yeelata ay degdeg ugu soo haneeyaan ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gabo-gabada; Waxa mudan in la bogaadiyo cid kasta oo ka soo shaqaysay arintan, waxana loo baahan yahay in dadka kale ee reer Somaliland gaar ahaan kuweena dibadaha joogaa, aan cashar halkan ka barano, oo aan xidhiidho badan oo dardar cusub wata la samayno dadka saamaynta ku leh dawladaha aduunyada! Waxan hubaa inaynu arki doono Golayaal, Dawlado... oo ku soo biira Xildhibaanada Sheffield, hadii si dhab ah loo hawl galo.

[La soco oo hada aqoonsiga buuxaa; ''waaba intaasoo loo gala sii yar dhawaado uun!]

... Ha jirto Somaliland oo Ha Joogto Waligeed...

Cali Cumar Xasan