Janaasadii ugu horaysay taariikhda ee mulim iyo masiixi kuwada dul tukado [ NEW WORLD]!!!!!!!!!


 



Inta taariikhda la garanaayo waa markii ugu horaysay ee janaasad qof muslima ay si wada jira uga wada qaybqaataan muslimka iyo misiixiyiintuba. ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee madaxway nihii hore cabdulaahi yuusuf kuma haboonayan in jinaasadiisa inuu ku tukado mr mahiiga the united nation envoy for somalia oo diin ahaan haysta ta masiixiga. odaygan africanka ah oo aan filayo inuu kasoo jeedo dalka tanzania ayaa sida laga warqabo ka mida raga aad ugu adadag dhinaca diinta misiixiga. waxaanu in badan ku jiray kaniisadaha waawayn ee sida wayn looga caabudo diinta masiixiga.


Mr mahiiga oo aan qabo inaanu waxba ka aqoon adaabta loo guto jinaasada oo ah qofku inuu daahir yahay soona waysaysto ka dibna sidaa ku guda galo inuu ku dul tukado janaasada. dhaqanka dadka masiixiyiinta ah ayaa ah mid dadkoodu aanu biyaba is marin oo aanay aqoon waxa loo yaqaano istij ada. waxaad moodaa marka horeba in farqi wayni inoo dhaxeeyo qaabka aynu unoolnahay iyo qaa bka ay u noolyihiin[ waa muslimka iyo misiixiyiintee].


Maamulka mudane axmed faroole ee maamul gobaleedka puntland ayaa waxa sugaya runtii su,aalo fara badan oo la xidhiidha sida wada jirka ee labadan diimood isu qabteen maaha in diinta islaamka la iibsado ayadoo la raali galinaaaayo shakhsi yaroo oo aan uba qalmin in ilaa xad sidaa loo wayne eyo[ kuwa ku iibsanaya ayaadka ilaahay samanan qaliilaa] inaad ka hesho adoon yar oo kula mida jawaabo ku raali galiya maaha shay diintaada loo dayaco.

Waxa maalin kasta aduunyadan lagu arkayaa wax cusub[ aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban]waxay ila tahay in madaxwayne geeriyooday aduunyadu tacsiyadan karto xataa ehelkiisa la booqan karo lagana tacsiyadan karo geerida ku timi. laakin in salaad lagu tugado waxay kaliya khu saysaa waa mujtamaca muslimka oo qudha uma taalo masiixiyiinta ama yuhuuda ama hindooga inay qabriga marxuun cabdulaahi yuusuf  cayaar ka dul qabsadaaan[ waa cayaar ma salaadbay tukana yeen] maaha wax caqliga lasiin karo waxay ka dhigan tahay naagtii bari dhawayd dunida wareeg aysay ee tidhi waxaan noqonayaa imaam tukiya raga iyo dumarka oo lagu daba faylo walibana waxaan soo diyaarinayaa ayay tidhi khudbada jimcahaee afar aad u caqli liita ay ku daba tukadeen [ alla maxaan idinla yaabay kuwa jilicsanoow].

Tana waa la mid barina waxaa imanaysa in nin masiixiyi ina tukiyo marka la yimaado janaasadaha muslimka
ala ha u naxariistee marxuum ex madaxwayne cabdulaahi yuusuf haduu maanta hadli karaayo
waxa uu odhanlahaa waar iga qabta ninka aaan muslimka ahayn ee igu dul tukanya
nasiib darose malaha awood uu ku hadlo waayo ilaahay subxaanuhu watacalaa ayaa noloshiisii khatimay
naftana ka qaaday waxaana hadhay waa jidhkliisii oo kaliya. waxse garab uu ka waayay ayaan odhan karaa dadkii ku dhawaa ee marxuumka u diidi lahaa in sidan loo aaso.

Madaxwaynaha puntlan axmed faroole oo ku dhawaaqay in loo samayndoono marxuunka  natio nal funeral ceremony iyo waliba three day mourning for the late president cabdulaahi yuusuf waxay noqtay in kiristaanka iyo muslimka is dhex yaaco oo la inaga dhaadhaciyo waxaan ab iyo isir sheek iyo shaahid hore loo maqal .[ maya. maya. maya adeer ma qaaadan karno gaalba muslim ku dul tuka naya]

Ugu danbayn

Madaxda hada nool ee muslimka ah waa inay tanoo kale ka DARDAARMAAN hadiiba ilaahay subxaa nuhu watacalaa uu tooda ka dhigo waayo naftu waa amaano [ kulu nafsun daaiqatyul mawt] geeri du waa shay la wada dhadhaminaayo dhamaan wasiirada iyo madaxada ninkii maydkiisa u tudhayaa waa inuu sii qoraa dardaaran ah [ kaliya waxaan rabaa in muslimku iduugo , oo waliba sida diinta islaamku ina farayso layduugo aaskayga kuma tukan kaarn gaaladu ] hadaanad taa samayn maanta ogow MR MAHIGA IYO XERTIISUBA next doorka ayay taagan yihiin ayagoo xidhan croska ama macat abka calaamada u ah diinta masiixiyiinta.[wado haynagu furina ]
 

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 


 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London