Jawaab ku
socota ninkii u jawaabay Ibrahim Maygag
Samatar,
mudane Cisman Abokor
Cisman Abokor
In dhawayd-ba qoraalo badan ooy
naftu jeclayd innay wax ka tidhahdo ayaan mareegaha internet-ka ku
arki jiray hadana waxaan u waayay wakhti aan ugu jawaabo amma
dareenkayga ku saabsan qoraaladaas aan wax kaga qoro. Sababta aan
jawaabtan qalinka ugu qaatay ee aan wakhtiga ugu sameeyay, waliba
iyadoo Ramadaan ah, waxay tahay anigoo rabba inaan dadkayga reer
Somaliland uga diggo shaqsiyaadka taariikhda wax ka baran ee ku
xukuman sida Cisman innay soo labba celiyaan (those who do not learn
from history are condemned to repeat it).
Reer Somalilandaw inta inaga midka ah ee Soomaali wayn-baanu
jecelnahay leh had iyo jeer waxyaabaha ay inoogu jawaabaan waxa ka
mid ah: “Adigoo weel wayn ilaahay ku baryi kara maxaad weel yar
ilaahay ugu baryi, Soomaali oo dhan ayaynu u talin karnaaye”. Hadaba
qofku markuu sheeganayo aqoon iyo aragti dheer haddii ay
taariikhdiisii ku filnaan waydo wuxu eega oo uu ka tusaale qaata
aduunka kale waxa ka dhacaya amma ka dhacay oo uu markaa fikirkiisa
iyo aragtidiisa ku saleeya. Waxa nasiib darro ah in shaqsiyaadka
inaga midka ahi iyo guud ahaan reer Somalia ay iska indha tirayaan
casharkii laga bartay midawgii Somaliland iyo Somalia, iyo
taariikhaha kale ee dunida korkeeda ka dhacaya. Waxay isku xakumeen
innay mar labbaad dab galiyaan geeska Africa. Waxay rabbaan innay
fikraddii beenta ahayd ee odhanaysay Soomaali waa isku dal, dhaqan,
luqad iyo diin dib ay dadka u liiqsiiyaan ee laakiin maanta
xaqiiqada jirta waynu ognahay (today, we know better) oo Soomaali si
fiican ayeey isku baratay siiba inta dibada usoo baxday.
Waxan aad ulla yaaba walaalayaal dad aqoon iyo xeel dheeri
sheeganaya sababtay ku jeclaadeen innay ummad midkoodba dhinac u
liito oo dhibaatooyin bulsho, dhaqan iyo dhaqaale-ba hadheeyay oo
kala duwanaanshaha cadaw uu haysta innay xadhig iskugu xidhaan, waa
isku bakhtiya dee.
Haddii ragga Cisman oo kale ahi taariikhdii geeska Africa ka dhacday
ku filnaan wayday, tusaale yar aan kasoo qaato kala goo-gi-ii
Yurubta barri. Dalkii Czechoslovakia la odhan jiray markii
shuuciyaddii bur-burtay waxay go’aansadeen, tolkood reer Yurub-na ku
taageereen, innay labba dal kala noqdaan oo si nabad iyo farxad ah
ku kala tagaan. Go’aankaasi natiijadiisii waxay noqotay innay labba
dal abuurmaan (Czech Republic iyo Republic of Slovakia) oo dhaqaale
kobcaya leh ka dibna suura galiyay innay kasoo baxaan shuurudihii
midawga Europe oo Brussels iskugu yimaadaan iyagoo labba calan iyo
astaamo kala sita oo markaa mar labbaad si dadban u midoobaan.
Dalkii Yugoslavia la odhan jiray-na markii kala goo-gi-ii Serbian-kii
diideen wixii ka dhacay waad wada ogtiin oo raad aan waligood ka
hadheen ayeey reebeen dhibaatadi halka ka dhacday.
Hadaba walaalayaal caqliga fayoobi wuxu garan karaa in midnimo mar
walba guul iyo barwaaqo ka dhignayn oo live ayaynu taa usoo aragnay
haddii ay tahay taariikhdeeni iyo ta dunida kale-ba. Tusaale,
golahan EU-da (European Union) la yidhahdo, oo dadka Cisman oo kale
ahi mar walba tusaale usoo qaataan, wada shaqayntooda waxay
bilaabeen dagaalkii 2-aad ee dunidu markuu dhammaaday. Hore waxa loo
odhan jiray EEC (European Economic Community amma Communauté
Économique Européenne) ee waxay badileen magaca oo go’aansadeen
innay wada shaqayntooda sii xoojiyaan sanadkii 1991 oo magaalada
Maastricht ee dalka Holland ayeey ku saxeexeen axdiga loo yaqaano
“axdiggii Maastricht” ( Maastricht treaty). 1991-kii ka bacdi waxay
hogaamiyayaasha reer Yurub damceen innay midawga sii xoojiyaan oo ay
awood dheeraad ah siiyaan golaha loo yaqaano European Commission.
Sidaa daradeed waxay sameeyeen axdiyo badan oo taa lagu hirgalinayo
iyadoo shacab waynaha reer Yurub waxba laga waydiin waxaana ka mid
ahaa axdiggii Nice (Nice treaty).
Sanadihii 2000 ka bacdi hogaamiyayaasha reer Yurub waxay
go’aansadeen innay dastuur qoraan oo markaa dadka la hordhiggo siday
ugu codeeyaan. Distuurkaas oo markaa saan-saan wadan qudha ah u
yeelayay midawga Yurub. Shacbigii ugu horeeyay ee la hor dhigay
waxay ahaayeen kuwa France oo si aqlaabiyad ah MAYA u yidhi iyadoo
ninka dastuurka qoray ee ka dambeeyayna nin Fransis ah yahay
(Monsieur Valery Giscard Destin). Waxa ku xiggay Holland oo iyaguna
sidoo kale MAYA yidhi, dabadeed dastuurkii waaba la laalay. Markaa
shicib-ka oo qudha muu diidanayne ee aqoonyahankii iyo siyaasiyiinta
qaarkood ayaa iyaguna kula taliyay shicibka innay maya yidhahdaan oo
madax-banaanidooda laga qaadin. Hadaba reer Yurubkii intaas oo dhan
soo wadday ayaan ilaa iyo maanta walli diyaar u ahayn midaw xoogan
oo juujub ahe waa maxay inaga oo soo leefnay beehoofkii midawga
sababta la inoogula dul wareegayaa? Cismaanow qiiraddii iyo raggii
60-kii meesha ma jooge adiga iyo ragga kula midka ahi haddii aad
balwad ka dhigateen inaad cajalada taariikhda reply ku dhagsanaataan,
waanu idinka maarannaa oo waanu idinka maarannay.
Hordhacaasi ha iga ahaado dar-daraan iyo digniin aan uga diggayo
dadkayga ragga isleh shucuubta dadka kiciya oo Xamar oo holcaysa dib
u geeya.
Haddii aan usoo noqdo jawaabta qoraalka Cisman, sida qoraalkiisa-ba
laga dheehan karo jawaabta mudane Cisman waxa u sabab ahayd qaybta
uu professor Ibrahim Maygag Samatar taariikhda Somaliland kaga
hadlayo ee uu midawgii labadda dal iyo wixii laga faa’iday kaga
baaraan-dagayo.
Mudane Cisman waxa aad uga cadhaysiiyay in uu professor Ibrahim
labaddii dal ee midoobay Somaliland iyo Somalia ugu kala yeedho.
Cisman hadaba wuxu dafiraya in labbadan dal magacyadooda aanu
Ibrahim bixinin ee dawladihii gumaysan jiray bixiyeen. Inkastoo
regime-kii Somalia ee Somaliland dib u gumaystay isku dayay innuu
taariikhda baa’biiyo oo magacii Somali Republic ku badilay Somalia
Republic, hadana taariikhdaasi waa mid alhamdulilaah maanta aynu dib
u jaleci karno.
Si aan dadkayga reer Somaliland ugu iftiimiyo beenta mudane Cisman u
cuskanayo qoraalkiisa waxaan wax yar ka odhan magacyada kala ah
Italian Somaliland iyo French Somaliland.
Sidaynu wada ognahay qaarada Africa waxa qaybiyay oo magacyada
dalalka maanta ka jira badankooda bixiyay gumaystihii reer Yurub, ha
u badnaadaan France iyo Great Britain-e.
Hadaba haddii aan ku horeeyo wuxu Cisman ugu yeedhay Italian
Somaliland, walli taariikhda laguma hayo meel uu Talyaanigu ku qoray
Italian Somaliland oo luqadiisa ah oo aan u malaynayo innay
noqonayso Terra Somali amma Somali Terra. Dhulkii uu gumaysan jiray
magaca uu u bixiyay waxay ahayd Somalia. Taasi waxa waliba sii
cadaynaya axdigii midawga (Act of Union) oo si cad labbada dal ee
midawbay loogu kala yeedhay Somaliland iyo Somalia maalinta laaga
bilaabana (1st July) noqonayay Somali Republic. Dhinaca Djibouti
France ugu horayntii waxay ugu yeedhay “Territoire Francais des
Somalis” amma “Côte française des Somalis” oo markaa lagu macnayn
karo amma loo turjumi karo French Somaliland. Laakiin Fransisku
markii uu kasoo noqday dagaalkii 2-aad ee dunida ayaa wuxu ka dhigay
“Territoire Français des Afars et des Issas” oo macnaheedu yahay
dhulkii fransiska ee canfarta iyo ciisaha. Mida kale dalka Djibouti
dal la odhan karo waa dal Soomaaliyeed maaha oo canfar ayaa dalka
badhow-badh (50%) dagta hadaanay ka badnayn-ba. Badilkaana waxa u
sabab ahaa ayaa la odhan karaa dabaylihii Soomaali wayn doonka oo uu
Fransisku aad uga digtoona kuna guulaystay innu Djibouti ka bad-baadiyo
riyadii reer Somaliland ee Soomaali wayn.
Tuu Cisman cuskanayo si uu Somaliland dalnimadeeda u baabi’iyo waxay
tahay dagaladdii reer Yurub u dhaxeeyay oo markaa kolba kii la
jabiyo dalkuu haysto la qabsanayay. Way jirtaa innu Talyaanigu
Somaliland soo weeraray oo qaybo ka mid ah qabsaday sidoo kale
markii Fascism-migii Germany ee Italy xulafada la ahayd la jabiyay
Ingiriisku Somalia ayuu qabsaday sida uu Tanzania-ba oo Germany
haysatay markaa ulla wareegay. Taariikh-ba been laga sheegaya ayuu
Cisman dadka ku eedaynayaaye miyuu ilaabay innay reer Somalia iyagu
dalbadeen innuu talyaanigu kusoo noqdo oo uu dawladnimo u diyaariyo.
Mida kale darajada dalnimada Africa mid ay dadku samaysteen maaha ee
waa mid reer Yurub shirkii Berlin ku sameeyeen kuna balameen inaan
midba midka kale ku duulin oo xad lakala yeesho. Markaa Cisman
marnaba kuma doodi karo Somaliland dal may ahayn.
Waxa kaloo Cisman ku canaantay odayga innuu ka tagay taariikhdii
gumaysiga ka horaysay oo uu markaa sida hadalka uu u dhigayay ku
doodayo in reer Yurub dal iyo dawlad Soomaali leedahay intay
yimaadeen dabadeedna kala go-gooyeen. Hadaba walaalayaal waa dalkee
dalka Soomaali lahayd ee dawladu u dhisnayd ee gumaystuhu kala go-gooyay,
hadaanay ahayn taariikhda jeebka ugu jirta inta riyada Soomaali wayn
ku nool. Waxa dal amma wadan la yidhahdo macne ayuu leeyahay oo waa
innuu xadkiisa, lacagtiisa, dadkiisa ku abtirsanayay, ciidankiisa
iyo dawladiisaba leh. Dalka noocaas ah ee Soomaali lahayd oo iska
daa kuwa kaloo intay jamhuuriyadii Somali Republic la odhan jiray
ahayd ka talin jiray waa dalkee, ma dal Cisman Abokor madaxwayne u
ahaaba.
Mida kale reer Yurub ma Soomaali oo qudha ayeey qayb-qaybiyeen.
Imisa umadood oo Africa iyo aduunka kale-ba ku nool oo jinsi wadaaga
oo Soomaali iskaga dhaw ayaa dalal kala duwan kukala nool? Maxay
dadkan riyadu walli ku jirta wax Soomaali u gaar ah uga dhigayaan?
Mise innay Soomaalidu dal qudha ahaato ma kitaab-ka quranka ayeey ku
qorantahay? Adeer riyada ka toos jasiiratal carab oo diintu ka timid
ayaa-ba intaas oo dal ah ka koobane.
Arinka gumaysiga ee aad ku salaysay qabiilo islaynayay-na bal aan
wax ka idhahdo. Professor Ibrahim wuxu sheegay in taliskii
milaterigu gumaysiga bilaabeene anigu waxan ku leeyahay Cismanow
gumaysigu wuxu kow-saday maalintii reer Somalia ku yidhahdeen raggii
Muqdisho ugu tagay labba qaawani isma qaadi karaane ordoo iska noqda
ee ay reer Somaliland diideen ee ay markaa yidhahdeen waaye naga
mid-baad tihiin ee soo xarooda. Oday reer Somalia ah (ma xasuusto
imika magaciisii-ye) oo ka mid ahaa kuwii wada hadalada kula jiray
raggii Hargaysa ka tagay-na wuxu si cad BBC-da uga yidhi: “Raggu waa
isasoo dhiibeen noo”, hadalkaasina wuxu ka turjumaya dareenkii
dhabta ahaa ee markaa Somalia jiray keenayna in Somaliland la
gumaysto. Runtii ma garan caqliga ku siiyay inaad dagaal dawlad iyo
umad shicib ah ka dhaxeeyay ku tilmaamtid qabiilo islaynayay ee bal
waxaad qabiilo islaayay aad ku tilmaamtay aan kuu dulmaro.
Ma waxaanan gumaysi ahayn in dalkii laggu midoobay magacii laga
badilo (Somali Republic ayeey ku badileen Somalia Republic oo iyaga
u gaar ahayd sidaan hore usoo sheegay professor-kuna tilmaamay), ma
waxaanan gumaysi ahayn in marka dadkaaga la laynayo lagusoo saaro oo
kaalay daawada lagu yidhahdo, ma waxaanan gumaysi ahayn in
horumarkii lagaa cuna qabateeyo oo lagu yidhahdo orod Xamar ka same
waxaad samaynaysid, ma waxaanan gumaysi ahayn in qori la iskugu-kaa
dhiibo oo dadkii walaalaaha ahaa ee markay Xamar joogaan qaldaanka
iyo Somalilander-ka loogu wada yeedhayay qayb la yidhahdo waa kacaan
did qayb-na waa kacaan doon, ma waxaan gumaysi ahaan in dekeddii
badda cas ugu strategy-sanayd meel xooluhu uun ay ka dhoofaan laga
dhiggo, ma waxaanan gumaysi ahayn in diyaaraddii Hargaysa ka kacday
Hargaysa rushayso?
Waxaad aad iiga qoslisay Cismanow markaad tidhi Ibrahim Maygag
Samatar wuxu jabiyay xeerkii siyaasiyiinta oo waxbuu qoray. Adeer
hadaanu helayno amma lahayn siyaasi aragtidiisa qora oo dadka u
sheega wuxu ayidsanyahay, horumar ayaanu gaadhi lahayn. Waxaanan
rajaynayaa in taa professor Ibrahim maanta sameeyay tusaale u noqoto
ragga ku tartamaya doorashada Somaliland oo iyaguna soo qoraan
halkay taaganyihiin iyo waxay ayidsanyihiin.
Ibrahim Maygag Samatar qoraalkan ka hor wuxu taariikhda iigu jiray
maalintaa uu isaguba tilmaamay ee 18-kii May 1991 ee uu Burco ka
akhriyay go’aankii dadwaynaha reer Somaliland ku gaadheen innay dib
ugasoo noqdaan midawgii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (The Somali
Republic). Maalintaa 16-jir ayaan ahaa waxaanan uga sheekayn doona
caruurtayda in go’aankii lagu saxay khaladkii 60-kii dhacay uu
Ibrahim Maygag Samatar ka akhriyay golihii Burco fadhiyay hortooda.
Qoraalkana aniga iyo guud ahaan umadda reer Somaliland wuxu uun
kusii kordhiyay jacaylkii iyo qadarintii ay u ahaayeen professor
Ibrahim Maygag Samatar.
Mar aad istidhi Cismanow tusaalee
umadaha midaysan waxaad tidhi: “ Adeerkay Ibrahim Meygaga wuxu
deggan yahay magaalada Tokyo oo ay habeenkii usoo hoydaan illaa iyo
15 milyan oo ruux, hal maayarna xukumo”. Waxa hadaba kaa maqan in
15-ka milyan yihiin dad kala gadisanaantooda (diversity or
differences) isku ixtiraaman oo rumaysan inay kala
gadisanaantoodaasi tahay qurux rabbi ku manaystay, halka 5-ta milyan
ee Soomaalida ah ee aad sheegtay-na isku xaqirayaan oo ay xitaa
dadka qaar luqadahoodi laga dhigay wax dambeeya oo cuqdad lagu
abuuray si loo meel mariyo beentii ahayd Soomaali waa isku luqad oo
adiga ayaa ka kow ah dadka beentaas rabba innay walli kusii jraan oo
xaqirada dadka luqadahooda iyo dhaqanadooda kusii hayaan.
Nin aanu asxaab nahay ayaa bari dhawayd iiga sheekaynayay barlamanka
Baydhaba oo mudanayaasha reer Baydhaba luqadooda kaga hadlayaan oo
ay imika caadaysteen-ba innay luqadooda ku hadlaan ilayn gumaysigii
maskaxiyanka ahaa ayeey iyaguba imika ka baxeene. Hadaba dhawrka
boqol ee barlamankaa fadhiya waxa laga yaaba innay 5% haddii ay ugu
bataan wax ka fahmaan hadalka mudanayaashaasi jeediyaan, hadana
cid-na ma turjunto oo haddii ay lacag ay siiyaan turjumaan
waydiistaan dawladaha mushaharka siiya dee waxa la odhanayaa oo
sawdinkii isku wada luqada ahaa oo waxa soo shaac baxaysa beenta
dadka lagu akhriyayay.
Ugu dambayn Cismanow hadalkii uu Cigaal khayriyadda ka yidhi 18-kii
May 1999 wuu la tagay (alle ha u naxariiste), waxaanad ogaata in
dhambaalkan Ibrahim Maygag ee ku saabsan midawga Soomaalidu yahay
ra’yi dadwayne ee aanu ku koobnay professor-ka, hadaad islahayd inta
reer Somalia ee aad wada shaqaysatiin qalbiga ugu dhis. Waxan kuu
cadaynayaa inaanu baraarugsanay oo diyaar u ahayn khaladkay
awoowyaashayo iyo abayaashayo galeen inaanu dib u galin.
Ramadaan kariim.
God Bless Somaliland
Iid Xasan Aw Muuse, London, UK
iidsl@hotmail.com
|