Jawaab ku socoto Amina Kulmiye

Jawaab ku socota inanta reer Kulmiye ee maagtay lama taabtaanka Mudane Sheikh Ahmed Yusuf Yasin Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanay in Madaxweyne ku xigeenku hormood ka noqdo xubnaha soo dhisaya gollaha dhexe ee UDUB, waxana aan ku kalsoonay in uu hadh iyo habeen u taagan yahay u halganka qaranka qofka xajiimeeyaana waa qaran dumiye jecel in dalka uu ka dhaco is qabqabsi iyo dagaalo sokeeye si ay ugu hir gasho fikirkooda qaldan, aduunku waxa uu leeyahay xeerar iyo qawaaniin, xisbi kastaana waxa uu leeyahay taas oo kale.

Waxa aan aad iyo aad ula yaabay gabadha la yidhaahdo Amina Hagi Mohamoud oo u waalatay taageerida indho la'aanta ah ee xisbiga KULMIYE in ay ka taliso, arimaha xisbiga UDUB. Somalilandarku waxa uu ku maahmaahaa tiisaba daryeelaa tu kale ku dara, walaal waxa kula haboon in aad wax u sheegto xisbiga aad ka tisran tahay ee KUlMIYE ee uu madax maray qabyaaladu oo aad ku tiraahdo iska dhaafa qabyaalada oo qaran noqda.


Madaxweyne ku xigeenku is casili maayo sida aad ku talisay , waa uu joogayaa doorashadana adiga iyo xisbiga aad ka tirsan tahay ee Kulmiye midna ka dooni maayo wax food ah, waxa aan adiga iyo Kulmiye idinkula talinayaa in aad raacdaa taladii uu idiin soo jeediyey halyeyga Somaliland Mudane Haji Abdi Karim Hussein ee uu idinku lahaa haddii la idinka helo ha wareerina oo ku qanca.


Waxa kale oo kula haboon in aanad ka talin xisbi aanad waxa cod ah horena u siin iminkana aanad siin doonin, waxa kale oon ku xasuusinayaa Madaxweyne ku xigeenku waa geesi, waakii ilaa ilaa kalabeydh tegay ee shanta cisho joogay Sool halka gudoomiyahaagu Mudane Al Xaj Ahmed Siilaanyo kaga soo laba goor noqday Laascaanood baqasho awgeed.
Waxana aan aad kuula socodsiinayaa in xisbigaaga Kulmiye ay maanta ku hadheen qabiilastayaal iyo dagaal oogayaal, waxana sharaf u ah UDUB iyo UCID in ay kala galaan inta aan damiirkoodu siinayn in ay kusii jiraan Kulmiye oo uu ay ka mid yihiin mujaahidiin dalkan usoo halgamay sida Abdirahman tolwaa, Mujaahid Dhega weyne iyo aqoon yahano adduunka laga yaqaano sida Dr. Ahmed Hussein Essa.


Waxa aan dhowaan dadka usoo gudbin doonaa maqaaladaadii ku taageeri jirtay Kulmiye.

 

 



By:Abdi Qani