Jawaab Maqaal Been Ah

 


Walaalayaal:

Odayaasha Guddiga "ASAS" ee Waqooyiga Ameerika samafalka ka wada,waxa ay si CAD oo BUUXDA u sheegayaan in nuxurka maqaalka Qarannews iyo kuwa kale ee ku andacoonaya in Dr. Maxamed Cabdi Gaboose la siiyey lacag Sodonkon oo doolar ah,oo xaafadda Koosar ceel loogu qodi lahaa, uu yahay mid been ah oo aan habayaraatee sal iyo raad toona laheyn. Ujeedo laga lahaaba, Saxaafada waxa waajib ku ah in maqaalkeedu aanay maleawaal ku dhisnayn, balse ay run ku qotonto. Ilaa iminka qoraalkan been abuurka ah waxa qoray " QARAN NEWS","OODWEYNE NEWS" iyo "HORMOOD NEWS".

Hadaba runtu waxay tahay in ay jirto lacag baryahanba loo uruurinayey in Xaafada Koosaar ee Burco loogu qodo ceel biyo macaan leh.Ilaa imminka lacgata la uruuriyey waxay tahay $20,000 oo Doolarka Mareykanka ah. Lacagtan gebi ahaanba waxa lagu shubay Akount ku yaala Xawaalada Dahabshiil ee Burco. Wargeysyadaasi haddii ay run doonayaan Dahabshiil ayey xaqiiqda ka sugi karaan. Mar labaad, ma jirto haba yaraatee wax lacag a h oo uu Ismail Axmed Ismail siiyey Dr. Gaboose iyo cid kale toona.Ceelkan wali lama bilaabin.Waxa lagu talo jiraa in si dhakhso ah uu u bilaabmo. Qofkii doonaya tafaasiil intaa ka badan,ha la xidhiido Guddiga Fulinta mashruucan oo jooga Burco oo ah:


I. ABDISALAN YASSEIN -- ----------BURAO UNIVERSITY
2. MOHAMED YUSUF ALI QOYS----- ENGINEER
3. MOHAMED ALI ESSA----------------ENGINEER
4. MOHAMOUD AHMED HASSAN----MAYOR
5. MOHAMOUD ADAN DHERI---------ELDER

Waxa aanu uga digaynaa in Qoraha maqaalkan hoos ku qoran ee beenta ah, ee aan meelna luugu soo gaban, uu markale faafiyo war runta ka fog.
Cidii sidaa yeesha, waxa lala tiigsan doonaa sharciga asluubta saxaafada dalka ay dagan yihiin.

Waa Walaalkiin oo ku hadlaya afka Guddiga "ASAS" ee Waqooyiga Ameerika(USA,CANADA).



Ahmed M. Adan-Dheri

Igala soo xidhiidha telefoonkan ama e-mailkan
(770) 286-0488
Adheri@comcast.net


 


Dr Gaboose oo leexsaday lacag dhan US $ 30,000 oo loogo tala galay Xaafadda Muj Koosaar.
Written by Jama Yusuf.
Jan 22, 2009 at 06:15 AM


Dr Gaboose oo booqasho gaaban ku jooga dalka U.S.A, ayaa la gudoonsiiyay lacag dhan US $ 30,000/- . Lacagtaas waxa markii hore loogo tala galay in lagu horumariyo xaafadda Muj.Koosaar, ee ku taalla magaaladda Burco.

Waxa lacagta laga uruuriyay qurba jooga beesha Galbeedka Burco, ee deggan Waqooyiga Ameerika “U.S.A & Canada”.
Qaadhaanka waxa la guray sanadkii 2008, waxaanu qorshahu ahaa in ceel biyo macaan leh laga qodo Xaafadda Muj.Koosaar, iyo dhisme masaajid cusub.

Guddiga qabanqaabada mashruucaas waxa Guddooomiye ka aha, Gen Ismail Axmed Ismail., oo haatan degan USA.
Dr Gaboose wuxuu Guddiga la shiray 19th Jan,2009 waxaanu ku qanciyay in marka uu Kulmiye ku guulaysto kursiga , uu mashaaric fara badan ka fulin doono Galbeedka Burco, oo ay ugu horayso Xaafadda Muj Koosaar. Waxa uu sheegay in xaafaddas laga dhisi doono Dugsi Sare, Masaajid, Cisbitaal , isla markaana laga qodi doono Ceel biyo macaan leh.

Waxa kale uu sheegay inu heshiis hoose ,iyo shuruudo aanu shaacin , uu la galay Guddoomiyaha Xisbiga ‘ Kulmiye’, oo asal ahaan kasoo jeeda Gobolka Togdheer.

Dadkii qaadhaanka laga uruuriyay ayay fajicso ku noqotay go’aanka uu qaatay Gen Ismail Ahmed Ismail. Waxay sheegeen inay ku dadaali doonaan inay ku qanciyaan Dr Gaboose inuu lacagtaas dib u soo celiyo. Hadii ay suurta geli waydo, waxay la xiriiri doonaan odayaasha , cuqaasha iyo wax-garadka Galbeedka Burco, si ay ula xaajoodaan Dr Gaboose, marka uu ku noqdo Somaliland.
 

 

 


Jama Yusuf
Jamayusuf36@yahoo.com