JAWAAB MAQAALKA KU SAABSAN ISMACIIL YARE EE UU
QORAY AXMED AW C/LAHI KHALIIF
Waxa in badan aan ka gaabsaday in
aan qalinka u qaato dhacdooyin badan oo isdaba jog ah oo si khaldan
loo turjumayo hadalada madaxda Somaliland qaar ka mid ah iyo khalad
laga faafinayo idaacadaha iyada oo aan xogteeda la haynin. Haddaba,
waynu garan karnaa sababaha kalifay in dadka qaar ay si dadban iyo
si toos ah u aflagaadeeyaan madaxda qaranka. Dadkan eeda iyo af
xumada ka faafinaya madaxda qaar kood ayaa runtii ujeedadoodu tahay
iyagoo aan xogta rasmiga ah haynin kolka hore.
Iyaga oo dufaacaya shakhsi gaara ama iyaga oo eed saaraya ninka aan
xilka haynin oo hadalkoodu ku salaysanyahay inay iska leexiyaan
dhaleec ada saaran maamulka jira oo ay kolkaa iyagu dheef ku qabaan
ama ay difaacayaan sababtoo ah nin jeclaysi iyo caadifad ayey ku
taageerayaan shakhsi. Hadaba, Ninka La yidhaa magaciisa, Axmed Aw C/laahi
Khaliif ayaa runtii soo qoray maqaal aad u dheer oo uu ku eedaynayo
shakhsiyadiisana wax kaga sheegayo wasiirkii hore ee daakhiliga
Ismaciil Aaden Cismaan.
Axmed sida ku cad qoraalkiisa , wuxuu taabtay goobaha soo socda.
1, In ismaciil wareegto ku mamnuucay in goleyaasha degaanadu shirar
aan caadi ahayn qabsadaan.
2 In ismaciil xisbiga ka dhex aloosay khilaaf.
3 in ismaciil iibsaday suuqa gobanimo.
4 In ismaciil iibsaday dhulkii xisbiga.
5 In Ismaciil iibsaday xaruntii taraafikada.
6 In ismaciil iibsaday dhulkii danta guud gabi ahaanba oo waliba
axmed tibaaxay beerta ilma laba shaagle oo uu axmed ku sheegay
danguud waa maansoor area.
7 Sayladii tog wajaale oo ismaciil iibsaday.
8 Ismaciil oo iibsaday dhulkii injii da ee dumbuluq.
9 In Ismaciil yare qaatay xoolihii ciidamada SPU da ee wakhtigii
xilka laga qaadayey.
10. In Ismaciil yare sheegay in ciidanka ilaalada madaxtooyadu
rasaaseeyeen kulmiye iyaga oo shirqool damacsanaa.
11 In Ismaciil galiyay tawaangi dhakhtarka hargeysa kolkii la dilay
nin ka soo jeeda beelaha Galbeed ee Sacad muuse.
Hadaba, Axmed Aw Khaliif ninka isku magacaabay waxaan leeyahay waxa
ku haysata aqoon darro aanad wax xog ah oo xaqiiqo ah aanad ka hayn
sida ay arimahan aad ka hadlaysaa u dhaceen iyo cidii ka masuulka
ahayd. Midhka labaad waxa ku haysa caadifad iyo cuqdad nafsi aad ku
eedaynayso Ismaciil Aden Cisman Adigoo dambiga ka leexinaya cidii
geysatay ee lahayd. Si fiican u dhuux haddaba waan balbalaadhin
xaqiiqada jirtay wakhtigaa iyo cidii dambiga lahayd.
Ismaciil Aden wuxuu noqday wasiir badhtamihii 2002 isaga oo xisbiga
ka mid ahaa Udub. Waa Wakhtigii Maxamed Ibraahim Cigaal dhintay ale
haw naxariisto ee.
Xisbiga gudihiisa waxa ugu cadcadaa ninkii la odhan jiray Axmed
Yuusuf Ducaale ee aynu wada garanayno oo ahaa gacanyarihii Maxamed X
Ibrahim Cigaal. Sida aynu wada ognahay wuxuu Mr Axmed Yuusuf Ducaale
ahaa ninkii la tartamayey ina cigaal 1960 gii. Waa rug cadaa
aqoonyahan ah sida aad garan karto. Wuxuu Mr Ducaale dhisay oo tafo
tiray manhajka waxbarashada ee dugsiyada Somaliland isaga oo kolkaa
ahaa wasiirka wax barashada. Isaga oo aan shaqo u doonan wadanka oo
u tagay booqasho waalidkii inuu soo arko ayuu ina Cigaal kala hadlay
oo u sheegay in wadanku u baahanyahay oo uusan hayn rag aqoontiisa
iyo maamulkiisa leh oo la sheqeeya isla markaana uu doonayo inuu la
sheqeeyo. Mr Ducaale isaga oo Dalka Canada ka Ahaa judge ama xaakin
ayaa intuu iska daayey uu doorbiday inuu dalkiisa uga faa’iideeyo
cilmigiisa. Sida aynu wada ognahay inteena dalka ku nooli waxa uu
ina cigaal u diri jiray Mr Axmed Yuusuf Ducaale shirarka dibada,
arimaha gudaha iyo dibadaba, iyo isagoo qaabili jiray wufuuda ree
yurub iyo haayadaha. Sababta intaa oo hawlood loogu igmaday ee uu
ugu aaminay ina cigaal waxay ahayd wuu ku kalsoonaa aqoon cilmiyeed,
odaytinimo, daacadnimo, cadaalad, diin, musuq la’aan intaba. Ha
iloobin waliba in wasaaradaha arimaha dibada iyo guduhuba ay
shaqaynayeen hadana ina Cigaal isaga u diri jiray meel kasta.
Ismaciil Aden wuxuu ahaa ninka labaad ee soo raacaisaga kolka loo
eego beesha ay ka soo jeedaan ee h/ awal ee xisbiga ka midka ahaa.
Waayo siyaasiyiinta beelahaasi ayaa runtii dhamaan mucaarad ahaa oo
ku kala jiray ilaa 5 xisbi oo kale. Sida xisbigii sahan, asad,
ilays, hormood, IWM.
Hadaba, geeridii ina cigaal ka bacdi ayaa Daahir Riyaale oo ay
adeegsanayaan Wasiir Cawil, Siciid Sulub, Bulaale, C/laahi Cirro
Cali asad iyo qaar kale ay inqilaabeen oo jagadii uu ka hayey
xisbiga ka hoos bixiyeen isaga oo ku maqan shir dibada ah wadamada
Africa. Axmed Yuusuf Ducaale wuxuu ku biiray Kulmiye markiiba sida
taariikhda ku cad. Waxa ismaciil noqday shakhsiga kaliya ee dawlada
kaga jira beesha galbeed. Waxa Ismaciil aad u waaniyey oo ku qasbay
inuu la sheqeeyo gudoomiyihii Guurtida Sh madar alaa yarxam iyo
masuuliyiin kale oo ka soo jeeda beesha H/ awal. Waxay ku qasbeen
inuu u ololeeyo Xisbiga UDUB Iyadoo guurtida iyo shacabka in badani
ka cararayaan in aan ree boorame odhanin Isaaq Waxba idiinma ogola
iyo madax wadanka kama noqon kartaan ee isaaq ayaa dalka idinku
haysta xuurto.
Shacabka badankiisa ayaa sidaa ugu codeeyey Daahir Riyaale iyaga oo
uga eexday ragii u soo halgamay dalka iyo dakaba. Hadaba Daahir
Riyaale Kaahin oo aan ka mid ahaa shaqaalihii macaamilka la lahaa
madaxtooyada ayaa waxa ay aad u saaxiib ahaayeen ninka la yidhaa
Siciid sulub iyo Cawil. Cali Assad oo isagana xidhiidh ka dhexeeyey
isla markaana ay siciid sulub iskaga xidhanyihiin dhinaca qoyska.
Haddaba yaan ku daalin ee horta ismaciil waxa ku dadaalay sidii
meesha looga tuuri lahaa Cawil iyo Siciid Sulub iyo ninka la yidhaa
Cali Asad. Waxa loo maleegay shirqool tabcaysan oo loola jeedo in
loo helo qiil lagu eryo.
Hadaba qodobada aad taabatay sida ay u dheceen waa sedan. Khilaafka
xisbiga waxa aloosay oo ka aabo ahaa ragii Mr Axmed Yuusuf Ducaale
ka tuuray meesha oo Ismaciil yarena la damacsanaa. In badan ayuu
hadaba Ismaciil ka adkaystay tabcooyin lala maaganaa iyo iyadoo
madaxweynuhu sugayey inta uu hantiyayo ciidamada dawlada ee uu kala
xulanayo raga la shaqayn kara xumaan iyo samaanba ee uu haysanayo
iyo kuwa ka hor iman kara wixii aan dalka iyo dadka dan u ahayn.
10 ka qodob ee kale sida ay u dheceen ee hanti boobka ah waa sedan.
Dhulka xisbiga waxa iibsaday oo ka dambeeyey Ninkii la odhanjiray
Tiimbaro ee dawlada hoose iyo Cawl kii mayor ka hargeysa. Ee isla
markaa iibsaday dhulkii ka horeeyey tiyaatarka hargeysa ee uu ka
dhisay makhaayada uu maamulo inankiisu. Waa wakhtigii ina cigaal ee
Ismaciil aaden uusan wax xill ah haynin. Waa marka la iibsaday suuqa
gobanimo, iyo Xisbiga.waxa dhismaha qolalka dukaanada la dhisay
bishii 2 aad ee 2002 waxaana ka mid ahaa raga olalaha ugu jiray
iibka dhulkaasi xisbiga MR yuusuf Talaabo oo ku leh dukaano waaweyn.
Waa isla wakhtigii la iibsaday ee la dhacay dhulkii beeraha ahaa ee
shacabku lahaayeen eek u dhawaaguriga qaybta ama gurigii Maxamed
Xaashi Gaani ee ciidamada, kana dambeeya shacabka iyo xaafadaha Isha
boorame. Dhulka la boobay wakhtigaa waa xaafada hadda la yidhaahdo
Qandahaar. Waa dhulkii beeraha ee dadkii lahaa Tiimbaro oo uu
adeegsanayo Cawl xooga kaga qaaday laguna dajiyey rag askarta ka mid
ah oo loo baloodheeyey isla markaana inta Cawl iyo Tiimbaro ay
warqado sharci u soo sameeyaan askartaa dabeeto dib loo iibin jiray
ee iyaga iyo raga askarta ka midka ahaa ee ay wada shaqaysanayeen
wada cunayeen. Wakhtigan Ismaciil yare muu hayn wax xill ah. Isla
wakhtigaa waxa la bilaabay boobka dhulkii daamurka, Inji dii balse
qaybi ka soo hadhay. Waa wakhtigii dayrka Idaacada ka dambeeya
dhulkii dhuxulayaasha wadhatada ah Cawl damcay in xoog lagaga qaado
oo laga iibiyo rag kale, waa wakhtiga Body guard kii wasiirka
daakhiliga ina Jaambiir uu ku qabsaday nimankii laga iibin lahaa
dhulkaa isaga oo askari gaasi ay beertoodii ahayd dhulka idaacadu ku
fadhidaa oo uu yidhi hadii dhul ka soo baxayo halkaa anaa xaq u leh
oo waa dhulkayagiii. Waatii la joojiyey. Ee Ina Cigaal ka soo saaray
wareegto in aan waxba laga badali Karin dhulkaa cidna laga iibin
Karin.
Siciid Sulub oo ah ninka qaabilsan dhulka danta guud oo adeegsanaya
rag uu ka mid yahay cali Assad ayaa iibsaday dhulalka aad sheegtey.
Hadaba Siciid Sulub ayaa bilaabay isaga oo adeegsanaya mayorka
magaalada hargeysa Jiciir iyo rag kale ayaa bilaabay in uu iibiyo oo
xoog kaga rarro dhulkii dawladi lahayd ee hadhsanaa isaga oo ka
iibinaya rag tijaara iyo qaar kaleba. Waxa uu Siciid Sulub bilaabay
in uu dhul shacab lahaa oo beero ahaa ku soo saaro wareegto dan
guud.
Waatii aynu ogayn in uu Laba nin oo shacab ahaa ku toogtay
beertoodii oo waliba ay ismaciil yare isku dhaceen. Wakhtigaa isku
dhaca waxa bilaabmay olole ay siciid sulub iyo Daahir Riyaale kaga
takhalusayaan Ismaciil yare. Sababtu waxay ahayd in dhulka danta
guud ee Siciid sulub iibinayo ay ka dambeysay Marwada madaxweynaha
Huda Barkhad. Waxa Isla wakhtigaa dhacday in maansoor area ay tahay
dhul beereed shacab oo kaliya ee aanay jirin dhul dan guud ah.
Midhkaa been ayaad ku sheegtay maansoor ayaa dhul danguud ku yaalaa
waa mid aad ka dhaadhicin karto ciddii aan aqoon hargeysa. Ismaciil
Maansoor dhul u dhaw oo nin shicib ah lahaa oo jago banana ahayd
ayuu damcay inuu iibsado waanu iibsaday. Dhulkaasi wuxuu ahaa dhul
ku fadhiya istaraatajiyad wanaagsan. Huda Barkhad oo la Socota
Wasiir Siciid Sulub ayaa dhulkii damac ka galay waxaanay damacday in
askar ay galiso oo joojiso dhismaha ka bilaabanayey meesha.
Waxa isku dhacay shacabkii daganaa area yadaasi iyo ciidankii huda
iyo siciid sulub wateen waatii n ku noqotay fadeexad Marwada
madaxweyne in damac ka galo dhul shacab lahaa oo la kala iibsaday.
Siciid sulub waxa uu bilaabay in uu iibiyo dhulkii shacab area gaar
ahaan State house ka dhulkii u dhawaa oo dhan oo laga iibiyey dad
maal qabeen ah oo waliba ay isu xigaan iyo rag madax ah. Isagoo
waliba shacabkii danyarta ahaa ee daganaa dhulkaa buulashu uga
dhisnaayeen cagaf ka geliyey sidii dhulkii shacabka ee uu ragga ku
toogtay. Waa kii aynu ogayn dhul ina cigaal siiyey danyar agoomo ah
in Siciid Sulub cagafyo kaga raray duhur cad. Waxa dhacday in mayor
Jiciir oo uu adeegsano Siciid Sulub uu duhur galiyey cagaf dhulkii
biibsiga qoys danyar ahaa oo agoon ahaa oo buul ka dhistay oo waliba
halkaa lagu garaacay wariyihii telefishinka iyo wariyihii jaraa’idka
isla markaana lagu xidhay halkaa ee fadeexadu ka dhacday.
Sida aynu ognahay shaqadu way u kala xadaysantahay wasaarada arimaha
gudaha iyo wasaarada hawlaha guud iyo guriyeynta. Waxa hadaba
Ismaciil marar badan dhexgalay oo uu faraha la galay Dhul shacab oo
Siciid sulub ku soo saaray wareegto madaxweynuhu ka dambeeyey oo
lagu boobayey dhulkii shacabka iyo dhul dan guud ah, sidaa darted
wuxuu noqday shakhsiga aanay waxba ka cunayn madaxweynaha iyo siciid
sulub iyo rag la qadhaabta. Sidaa darted waxay qasabtay in loo
raadiyo qiil lagag eryo meesha.
Gunnadii Ciidanka SPU da ee ilaaliya hay’adaha oo ku soo dhacaysay
madaxtooyada ayaa madaxtooyadu xanibtay oo musuq maasuq la galiyey.
Isla markaa Taliyihii Ciidanka SPU da ayaa Madaxweynaha iyo Ragii la
shaqaynayey dusha ka soo amreen in uu amar diido ku sameeyo Ismaciil
yare kolka Ciidanku gadoodaan oo uu aqbali waayo hadalka Ismaciil
yare. Ismaciil madaama uu yahay wasiirkii daakhiliga isaga ayuu
amnigu hoos tagaa oo waa in uu amar ku siiyaa taliyaha ciidanka
habka loo joojin karo ciidanka ee xal loogu heli karo. Sidaa darted
gadoodkii ciidanka iyo amar diidadii taliyaha ilayn waa nin
Ismaciilba ka sareeya oo xaga sare laga watee ayaa lagu eryey
Ismaciil Isaga oo noqday shakhsiga hor taagan danaha ay ku heshiiska
yihiin Cawil, Siciid Sulub, Cali Assad, iyo dhawr nin oo kale. Waxa
jagadii Ismaciil la keenay Cabdilaahi Cirro oo aad ogtihiin sida uu
u soo xidhxidho una xabiso wariyeyaasha, madaxdii SNM iyo shacabka
kaleba bilaa sharci. Ismaciil wakhtigiisii waa kii diiday in uu soo
xidhxidho rag madax ah oo lagu bixiyey amar. Wuxuu ahaa ninkii ka
horyimid madaxweynaha ee yidhi muwaadin aan sharciga jabinin maxaynu
ku xidhnaa.
Waxa iyaduna dhacday in dad badan aaminsanyihiin Ismaciil yare ayaa
ciidan galiyey dhakhtarka dawlada. Ismaciil wuxuu ahaa wasiirka
arimaha gudaha. Isla markaa Raaska Ismaciil nin ka mid ahaa ayaa
toogtay nin isla reerka uun ah balse ay isu dhawyihiin generaalka
ciidamada military Gen: Taani.
Waxa dhacday in reerkii ninka laga dilay ay dhakhtarka weyn isku
shubeen gabi ahaanba iyo waliba tuugtii hargeysa iyo ciyaal suuq
badan oo dhex raacay oo doonayey in meesha dhakhtarka ay dhibaato ka
sameeyaan si labada beelood isugu dhacaan oo iyaguna wax u boobaan.
Dabcan beesha Ninka laga dilay iyagu waxay u tageen meesha cadho ah
in ninkii ninka dilay lagu soo dul xidho maydka oo aan la aasin
maydka ilaa la keeno ninkii mooyee. Taasina waa mid caado u noqotay
beelaha Somaliland wakhtiyadan dambe. Ismaciil yare wax amar ah muu
bixin karayn madaama beesha gadoodsani u arkayso in uu yahay beeshii
aanada qabtay. Sidaa darted waxa go’aan gaadhay oo Ismaciil iyo
madaxweynahaba kala hadlay General kii ciidanka millatary ee beesha
gadoodsan ka dhashay waa Gen taani. Taani isaga oo og in dad waadhka
ama dhakhtarka bukaan jiifa ah oo ku jiraa ay halis ku jiraan, isaga
oo og beeshan ninka laga dilay hadii ay ka dhex helaan nin beeshii
dishay ah dhakhtarka inay ugu aarayaan, isaga oo og in shacab kale
oo badan oo cid kasta leh ku dhiman karaan khatarta meesha soo food
saaraty. Wuxuu amray ciidankii millatary in ay badbaadiyaan dadkaasi
oo uu u arkay in aan ciidan boolis waxba ka qaban karayn madaama ay
hubaysanyihiin. Isla markaa General Nuux Taani wuxuu badbaadiyey
nabadgelyadii dadkii jiifay waadhka iyo in dhiig badan oo kale uu ka
dhex dhaco labada beelood. Isagoo og in labada beelood ama in ninkii
ninka loo dilo ama mag ay noqotaba ay ku heshiin karaan wada hadal
odayeysan oo ah sidii lagu dhameeyey markii dambe.
Dabcan shakhsi waliba si ka duwan sedan ayuu u fahmi karaa ama looga
dhaadhicin karaa oo inta xumaanta waddaa uga dhaadhicin kartaa hadii
aanu shakhsigu u kuur galin xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Hadaba,
anigoo aan dufaacayn Ismaciil yare runtii uu yahay shakhsi anigu aan
aad uga soo hor jeedo maamulkiisa iyo hadalada uu leeyahay qaar
badan, isaga oo aan ku dhaliilo in maamulkiisii wax badani
khaldanayeen sida mudaharaadkii uu dadka ku xidhxidhay. Bal’se isagu
ahaan uu ku dooday in dadka la xidhxidhay ay ahayeen dad
mudaharaadka dhex raacay oo doonayey inay dhacaan oo boobaan suuqa
weyn ee bacadlaha iyo ganacsiyadii u dhawaa goobta mudaharaadka.
Iyagoo dadkaasi ahaa tuugtii hargeysa oo had iyo goor sida aynu wada
ognahay dadkeena dalka aqoonta u leh ama dagan in tuugto had iyo
goor u dhex raaciyaan mudaharaadyada iyo xafladahaba in dagaal ay ka
dhex ridaan ama isku dhac oo halkaa ay helaan inay boobaan
ganacsatada suuqyada kolka lays dhex yaaco. Iyaga oo tuugto waliba
sidato bastoolado iyo seefo, midiyo, budad iyo waxyaalo kale. Markaa
runtii Dooda ismaciil yare waxaan ka dhadhansaday in dadka wakhtigaa
la xidhay ay ahayeen tuug iyo xoogaa shacab ah oo iyagu dhibaatooyin
u gaystay ganacsatadii oo iyagu jibadu qaaday.
Isweydiin hadaba, hadalka ah madaxda kulmiye ayay dawladu
tooganaysay oo ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa loo soo diray.
Waa dhab taasi sida ay shacabkii arkayey xaqiijinayaan. Midhka kale
shacabka dabaaldaga xaflada maalinta dhismihii SNM sida nabad
galyada ah ugu marayey ee ciidanka boolisku ilaalinayeen ee wadada
marayey maxaa keenay in gaadhi askar ah laga soo diro madaxtooyada
oo waliba ilaaladii loo soo galiyey dirayskii booliska. Hadana maxaa
keenay in ay dadkii oo nabad ku maraya meesha ay xabad ooda kaga
qaadaan. Nabadda la ilaalinayaa waa ta shacabka hadana waxa la
xabadaynayaa waa shacabkii. Haddaba miyaanay ahayn shirqool
Fashilmay.
Waxa hadaba ismaciil dhaliil u ah kolkii hore isaga ayaa dawladan la
shaqaynayey oo isaga oo og xumaanteeda ayuu hadana ka mid ahaa.
Hadii uu sheegi lahaa sirahan uu hada qarxiyey wakhti hore oo uu ka
bixi lahaa dawlada isaga oo sheegaya dhaliisha iyo siraha uu
diidanyahay runtii waxay u ahaan lahayd magac weyn balse isaga ayaa
ku ciyaaray magaciisii oo huursaday khaladaadkii dawladu shacabka ka
galaysay. Hadaba waxa isweydiinleh inaga shacab ka ah maxaynu ka
rumaysan karnaa hadalada Ismaciil sheegay iyo sirta uu ogyahay.
Maxaa inooga meel yaal hadii sirahani dhab noqdaan sidee’se u baadhi
karnaa.
1 Sidii Ismaciil yare,sheegay Hay’adda inter peace ayaa shuraako
kula ahayd riyaale khalkhalka dalka la galinayo.
Maxaynu ku garan karnaa inay dhab tahay?
Waxa inoo cadaynaya isla markii sirtu qaraxdayba waxa xilkii laga
qaaday ninkii haystay inter peace oo waxa ku socda baadhitaan
hay’addu waddo. Isla markaa hadii aanay dawladu heshiis kula ahayn
ninkaa, dawladu iyada ayaa baadhi lahayd hay’addu inay ku xad
gudbayso dadla iyo shuruucda doorashada. Midhka labaad, Iyada oo
diwaangelinta la qaadayey sawiro, iyo faro laga dhigo shakhsi kasta
oo cod bixiye noqonaya oo Computer xisaabta iyo tirade cid walba iyo
gobol walba lagu sameeyey, ayaa ree boorame yidhaahdeen waanu ka
badanahay intaa ee xaq maaha. Waxa dhacday in tiro aad u badan loogu
daray. Hadaba tirade dadka loogu daray ree awdal xagee laga keenayaa
dadka ku codayn doona tiradaa dheeraadka ah? Wax kaadhadh ah ma
leeyihiin tiradan dadka ah ee loogu kordhiyey? Ma dad gobolada kale
ka diwaan gashan ayaa dawladu ka dhigi doontaa ree awdal? Gudiga
doorashada, 3 waxa doortay Riyaale, 2 waxa doortay Guurtida, halka
xisbiyada mucaarad ka doorteen 2 qudha. Wad garan kartaa in aan
miisaan lagu dooran gudiga oo aanay dhex ahayn. Isla markaa waxaad
garan kartaa sida fudud ee 2 qof ee mucaaradka ka socda loo
laaluushi karo isla markaana gudiga doorashadu aanu u noqonayn mid
dhex ah. Inter peace oo iyaduna dawlada raacsan. Guurtida oo iyaguna
laaluush lagu haysto oo noqday calooshooda u shaqaysteyaal aan dan
ka lahayn dalka. Waxa inoo cadaanaya hadaba in sirta Ismaciil
sheegay jirto oo dhab tahay isaguna la ogaa kolkii hore imikana
kolkay isku dhaceen uu sheegay. Hadaba Isaga waxba inagama galin oo
waa shakhsi balse inaga shacabka ah waa inaynu ogaano oo dhuuxno
hadalada iyo siraha uu sheegay. Waa in aanu baadhno oo ka diidno
dawlada dhibaatooyinka ay inala damacsanyihiin raggan kuraasta iyo
shilimaadka hantida dadweyne ku mamay eek u dul suuxsan. Waa inaynu
xaqeena dhacsanaa shacab ahaan. Waa in aynaan dhagaysan shakhsi
dufaacaya dawlada oo ku dufaacaya sababta oo ah hantidaa la boobayo
ee shicib ayey wax ka soo gaadhaan isaga ama ruux u xiga uu ugu
dufaacayo. Waxa iyana muhiim ah in dadka madaxda wax ka sheegaya
aynu isweydiino sababta ay wax uga sheegayaan oo eegno in aynu
qaadan karno iyo in kale.
Hadaba, Waxa muhiim ah kolka ruuxu wax ka sheegayo nin madax ah in
uuna u eegin caadifad qabiil, shakhsi nacayb, been abuur, dheef uu
ka haysto qofka uu dufaacayo, iyo warka ku tiri ku teenta ah oo aanu
qofku iska qaadan balse uu u kuur galo oo uu runtii si cadaalad iyo
miisaan ku salaysan u eego. Waayo hadii aanad hadalkaaga u meel
dayin dambi ayaad ka korodhsanaysaa waana lagugu ciqaabayaa maalin
kale. Waxa iyaduna reeban in hadalka qof yidhaahdo la badalo oo la
qaloociyo. Waxaan leeyehay Ninka la yidhaa Axmed Aw C/laahi Khaliif
waran kugu soo noqon doona lama rideeyo. Runtii maan jeclayn in aan
u jawaabo shakhsi adiga oo kale ah oo sidaadaa u af xun oo dufaacaya
dawlada riyaale ee shacabku wada arkayo inay khaladka iyadu wado,
inay iibsatay dalkii iyo dadkiiba
Dr Axmed Hirrad Carre
Burco, Somaliland
|