Jawaabo Degdeg ah oo Ergayga Qaramada Midoobay ka Bixiyey Codsiyo
Guddoomiyaha Wakiilladu Hordhigay
Guddoomiye Cirro oo kulan ay la yeesheen weftiga Qaramada Midoobay
ku iftiimiyey waqtiga la dhamaystiri doono ansixinta xeerka
diwaangelinta codbixiyeyaasha
Hargeysa (TNN):- Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Nicholas
Kay, ayaa jawaabo degdeg ah ka bixiyey codsiyo uu hordhigay
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi (Cirro), kadib markii ay kulan ku yeesheen xarrunta
golaha shalay.
Kay iyo shirguddoonka Wakiillada
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Wakiillada, Guddoomiye
Cirro, ayaa Ergayga Xoghayaha Guud hordhigay codsiyo ay ka mid
ahaayeen in Qaramada Midoobay ka caawiyaan Somaliland arrimaha
doorashooyinka, isla markaana u soo diraan goob-joogayaal ka socda
UN-ka oo markhaati ka noqda hannaanka doorashooyinkaasi u qabsoomaan,
waxa kaloo uu ka codsaday in laga shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa
qoddobada heshiiska ah ee ka soo baxa wadahadalka Somaliland iyo
Soomaaliya, lana kordhiyo dalalka caalamka ee goob-joog ka noqonaya
miiska labada dal ku wadahadalayaan.
Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,
ayaa codsiyadaas Guddoomiyaha Wakiillada isla markiiba uga jawaabay,
waxaannu sheegay in xafiiskiisu aannu go’aamin karin in
goob-joogayaal UN-ku u soo diraan doorashooyinka Somaliland,
hawshaasina tahay mid u baahan inay go’aan ka gaadhaan dalalka
xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, balse, waxa uu tilmaamay inuu ka
shaqayn doono codsiga Guddoomiye Cirro ee la xidhiidha dhinaca
wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaanna qoraalka Golaha Wakiillada ka soo baxay uu nuqul ka mid ah
Jamhuuriya soo gaadhay lagu yidhi; “Ergayga Qaramada Midoobay, ayaa
shirguddoonka Golaha Wakiillada u sheegay inay dhiirrigelinayaan
wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, kuna dedaali doonaan sidii
looga shaqayn lahaa hirgelinta qoddobada ka soo baxay wadahadalkaas,
isagoo xaqiijiyey inay dhiirrigalinayaan, kana shaqaynayaan in si
dhakhso ah dhawaan loo bilaabo wadahadallada Turkiga, waxaannu xusay
in wadahadalku marka uu dib u furmo laga doodi doono soo jeedinta
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee la xidhiidha in la ballaadhiyo
dalalka goob-jooga ka noqonaya miiska Somaliland iyo Soomaaliya ku
wadahadlayaan.
Waxa kaloo uu caddeeyey inuu Somaliland u soo diri doono dad
xafiiskiisa uga warrama arrimaha doorashooyinka, balse aannu
xafiiskiisu go’aamin karin inay goob-joogayaal rasmi ah u soo diraan
doorashooyinka Somaliland, arrintaasina tahay mid ay go’aamin karaan
dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa Ergayga Qaramada
Midoobay kala hadlay qaddiyada Somaliland, isaga oo carrabka ku
adkeeyay in aanay madaxbannaanida Somaliland ahayn wax gorgortan
geli kara, waxaannu xusay inay hayaan waddada horumarka iyo
dimuquraadiyadaynta, taas oo loo baahanyahay in kor loo sii qaado.
Waxa kaloo Guddoomiye Cirro u sheegay Ergayga Qaramada Midoobay inay
jiraan arrimo u baahan in wax laga qabto oo Somaliland hadda culays
weyn ku ah, kana mid tahay shaqo la’aanta dhalliyarada, loona baahan
yahay in sidoo kale UN-ku wax kala qabtaan si loo sii adkeeyo
nabadda iyo xasilloonida.
Md. Cirro ayaa u sheegay Ergayga Xoghayaha Guud in xeerka
diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen,
loona gudbiyey Golaha Wakiillada, laguna dhamayn doono muddo saddex
toddobaad ah.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa dhinaca kale Ergayga Qaramada
Midoobay kala hadlay sidii khilaafka dhinaca xaduudaha ee u dhexeeya
Somaliland iyo dalalka jaarka loogu dhammayn lahaa sida ugu
wanaagsan oo ah wadahadal, isagoo xusay inay taageersan yihiin
wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo ilaa hadda arrimaha
heshiiska laga qaaday yahay maamulka hawada sare, kaasoo xilligan u
muuqda in Soomaaliya ka baxday heshiiskaas, sidaa darteedna loo
baahan yahay hirgelinta heshiiskaas, isla markaana muhiim tahay in
la ballaadhiyo dalalka ka qaybgala amma goob-joogga ka noqonaya
miiska wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Xubnaha Shirguddoonka Wakiillada iyo weftiga Qaramada Midoobay
Xubnaha Shirguddoonka Wakiillada iyo weftiga Qaramada Midoobay
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md. Cali Yuusuf
Axmed oo isna hadal ka jeediyey kulankaas, ayaa ka xog-warramay
qaddiyadda Somaliland iyo sida ay lama taabtaanka u tahay, waxaannu
sheegay in waxyaabaha keenay in Somaliland noqoto dal nabadgelyo ah
oo xasilloon sabab u tahay xorriyadda buuxda ee ay haysto, kana
madaxbannaan Soomaaliya, isagoo tibaaxay in arrimaha dhaliyey in
Somaliland dib ula soo noqoto madaxbannaanideedu yihiin khasaare iyo
xasuuq baahsan oo ay kala kulmeen midowgii Soomaaliya sannadkii
1960-kii.
“Waxa jira waddamo si nabadgelyo ah u kala go’ay sida dalkii la
odhan jiray Checkslovakia (qaaradda Yurub) oo hadda noqday Check
Republic iyo Slovakia, sida la arkayna ay hadda ka wanaagsanaadeen
markii laysku jiray,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku, isagoo
caddeeyey in aanay suurtogal ahayn in dadkii isku qoomiyad ahba hal
dal yeeshaan.
Madaxa Hawlgalka Qarammada Midoobay ee Somalia/Somaliland Mr.
Nicholas Kay, ayaa isna kulankaas uu saddexda xubnood ee
shirguddoonka Golaha Wakiillada (guddoomiye Cirro iyo labada
ku-xigeen – Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf) la
yeeshay ka sheegay in xafiiskiisu leeyahay laba qaybood oo kala ah;
qaybta siyaasadda iyo qayb bini’aadamnimo, isagoo xaqiijiyey in
aanay qaybta siyaasaddu ka shaqayn Somaliland, balse hay’adaha UN-ku
Somaliland joogeen muddo aad u dheer, isla markaana Somaliland kala
shaqaynaysay arrimaha bini’aadamnimada.
Waxa uu intaa ku daray in UNSOM leedahay qaybo faa’iido u yeelan
kara Somaliland oo ay doonayaan inay kala shaqeeyaan sida; arrimaha
Gender-ka (jinsiyadda), saxaafadda, arrimaha bani’aadamnimada,
dismaha hay’adaha dawladeed, nabadgelyada, caddaaladda iyo booliska,
isagoo Nicolas Kay ku amaanay Somaliland nidaamka dimuquraadiyadeed
ee ka jira, kaas oo uu sheegay inuu tusaale u yahay waddamo badan oo
ay Soomaaliya ku jirto.
Geesta Kale, Ergayga Xoghayaha Guud, waxa uu kulan la yeeshay
shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland oo ay ka wadahadleen arrimo
la xidhiidha dhinacyada nabadgelyada iyo doorka guurtidu ku leedahay
haykalka dawladnimo, waxayna shirguddoonka guurtidu uga sheekeeyeen
ergayga taariikhda dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo qaabka loo
suurtogeliyey xasilloonida iyo amniga dalka ka jira.
Xigasho:Jamhuuriya
|