Jawaabta Xukuumadda Somaliland ka bixisey eedeynta Puntland ee dagaalka buuralayda Galgala.

 


dhawrkii todobaad ee u danbeeyay waxa soo baxayay eedeyn maamulka Puntland ku eedeynayo in Ciidamada Somaliland ay ku lug leeyihiin dagaalka buuralayda Galgala ku dhexmaray ciidanka  Puntla nd iyo ciidan beeleedka uu hogamiyo Sh.Atom oo ka soo jeeda deegaankaas.

1.Hogaamiyaha dawlad goboleedka Puntalnd Mr.Faroole iyo Wasiir ka tiran dawladiisu waxay  sheeg een in dagaalkii ka dhacay buuralayda Galgala ciidankoodu cagta mariyey ciidan beeleedkii Sh.Atom hogaaminayay ee argagixisada ahaa.
2.Waxay sheegeen in firxadkoodii galay deegaanka Maydh,Xiis,bariga Togdheer,iyo Sool.
3.Waxay sheegeen in askartii dagaalka ka qaybgeshay ay ku jiraan Payroll-ka ciidanka Somaliland
4.Waxay sheegeen in firxadkii kuu dhuumanayo magaalada Ceergaabo.
5.Waxay sheegeen magacyo ka mid ah dadka dagaalka ku jiray.

Jawaabta Xukuumada Somalliand.

Wasiirka gaashaandhigu weerarka Somaliland lagu soo qaaday jawaabteedii muu bixin wuxuna yidhi :
1 Waxa aad nagu eedeynaysaan ma aha wax sahlan ee ka fiirsada.
2.Manaan arrag wax firxad ah.

Jawaabta Wasiirka Warfaafinta wuxu yidhi:

1.Argagixisadu waxay nooga timaadaa xagga Puntland,Wasiirku muu bixin wax Examples iyo sida argagixisadu uga timaado Puntland,waxay ahay in uu fursada ka faa'iidaysto oo bixiyo jaawab waafiya.

Maxaa habboonayd in Xukuumadda Somaliland samayso?

Maadaama Maamul Goboleedka Puntland weerar joogta ah ku hayay Somaliland dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay kuna eedeysay Xukuumadda Somaliland inay ku jiraan Payroll-keeda argagixiso,fi rxadkiina ku jiro dalka gudihiisa.Waxay ahayd in Xukuumadu sheegto argagixisada iyo  budhcadbee dka biyo dhigtay Puntland, warbixinteedana la yimaadaan, badkana ay soo dhigaan inta arrintu cusub tahay.


Ma jirto wax argagixiso ka weyn oo sumcada Somaliland wax lagu yeeli karo, inta aan jawaab ku hab boon laga bixina waa nabar Somaliland ku yaal.

 

 

 

 

 

Eng.Mohamed Abdillahi
Ottawa.Canada.