Jawaabtii Maqaalka Aadan Nur Axmed

 

 

Aniga oo ah muwaadin reer Somaalilaand ah, oo degan dalkan Ingriiska Magaalada London, aya waxa aan doonaya in aan u caqli celiyo Jaale Aadan Nur

Aniga oo ah muwaadin reer Somaalilaand ah, oo degan dalkan Ingriiska Magaalada London, aya waxa aan doonaya in aan u caqli celiyo Jaale Aadan Nur Axmed, oo aan tusaaleeyo in aanay dhacdadaa foosha xun ee dhacday aanay u baahnayn in dab lasii shido ee ay u baaha ntahay in la qaboojiyo. Inta ka dib waxa aan doonaya in aan ka tacsiyadeeyo qooskii iyo dhamaan dadweynaha reer Soomaaliland ee jecel nabada dilkii fooshaxuma ee ka dhacay tuulada Saameel. Waxaanan Ilaahay ka baryaya in uu dadka xaqdrada ku dhintay naxariistii janada ka waraabiyo inagana dhamaan samir iyo imaan inagaga siiyo.

Inta ka dib waxa aan leeyahay Jaale Aadan waa afxumko in aad Madaxweeynaha soo qaadato naaneestiisa oo aad ka tagto magaciisa, sababta oo ah ma ihidin laba qof oo saaxiib ah isuguna yeedhikara naanees, mana kala dooransiinkartid jiritaanka Somaalilaand iyo eriga ama joogitaanka Nuux Taani midnaba. Waxa kale ee aan jaale ku xasuusinayaa, haddi aadan garaneyn Madaxweynaha magaciisa waxa la tidhaa Mudane AXMED MOXAMED MAXAMOUD, ee hadaba marka dambe ee aad istidha wax qor sida ula soco. Nuux Taanina waa nin madax ah oo loo xil saaray ciidananka qaranka, waa nin xilkiisa si habsami ah u guta, dhamaan xukuumadad iyo shacbiga reer Somaalilaandna kasooni buuxda ku qabo, mana wanaagsana, mana fiicna in markii shqaaqo meelka dhacdaba lala raadsado nin aan waxala wuxuu ka ogyahay jirin. Hadeeyse adiga ka tahay in aad Somaaliland uga dhigto hosteej shaqaaqada dhacday awgeed waxa ay ila tahay in gudcur gudayso, ee bal dib isugu noqo.

Malaha in badan ayaad dalka ka soo maqneyde Somaaliland manta wey ka gudubtay marxalad ay qof, koox ama qabiil baabiin karo ama uba hanjabi karo. Taladuna waxa ay ku haboontahay in dhibaata walba heerkeeda lagu xaliyo, ee ma wanaagsana in inta meesheeda laga kaxeeyo la geeyo meel aan wax ka qabad lahayn. Hadaba waxa aan kuu sheegaya, arinta foosha xun ee ka dhacday Saameel in xukuumada iyo shacbiga reer Somaaliland aanu midna dhyalsaneen dilka fooshxun ee ku dhacay qooska reer Somaliland. Goaan in lagu gaadhay in la soo qabto cidii danbiilaha ahayd ee geeysatay arinta iyu dilka xaq darada ah. Hadaba waxa aan kugula talinlaha in aad cadhuuftaada dib u liqdo, maahmaahahaagana dib ula noqotid, kuna kalsoonaato in dawladda iyo dadka reer Somaaalilandba xilka ay iska saareen sidii gacan ku diiglayasha loo soo qaban laha abaalkoodana loo marin laha. Waxa kale oo kula gudboon in aad raaligalin ka bixiso, oo aad ka raaligaliso Madaxweeynaha, Nuux Taaniba, iyo ummadda reer Somaalilaandba hanjabaada iyo aflagaadada aad meesha ku qortay. Malaha jaale Adddan si kale ayaad wax u aragtaaye ma wanaagsana inaad dab baxaya xaabo sii saartide waxa ka haboon in aad iku Daydid in aad bakhtiiso.
 

 

 

 

Qore: Cali Axmed Sh. Musa.
golwaraabe@yahoo.co.uk