Jendayi Frazer oo Ka Hadashay Bixitaanka Ethiopia

 

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika Jandayi Frazer ayaa wareysi gaar ah oo ay siisay Laanta Af-Soomaaliga VOA ayay uga hadashay bixitaanka Ciidamada Ethiopia iyo aragtida Mareykanka ee ku aadan Soomaaliya.

Wareysigan oo uu Jendayi Frazer la yeeshay Abdirahman Yabarow oo ka tirsan VOA ayaa waxay ku xustay muhiimada ay leedahay bixitaanka ciidamada Ethiopia oo ay sheegtay inay taasi qeyb ka tahay heshiiskii Djibouti ku dhexmaray dowlada KMG iyo Isbahaysiga Dib-u-xoreynta, waxay sidoo kale cadeysay inay aaminsan tahay intaasi buuxinayso qodob ka mid ah qodobaddii ay kooxaha Soomaalidu ku heshiiyeen.

Jendayi Frazer, waxay sheegtay in dowlada Mareykanku ay ka go'an tahay inay ku yaboohi doonto 5 Malyuun oo Dollar ciidamada wadajirka ah ee kooxaha Soomaalidu yeelan doonaan ee nabadda ilaalin doona, kuwaasoo ah kuwo ay ku balameen kooxahaasi sida uu dhigayo heshiiska Djibouti.

Wareysiga Jendayi Frazer ay la yeelatay Laanta Af-Soomaaliga VOA oo dhinacyo badan taabanaya waxaaad isaga oo dhamaystiran ku maqli doontaa barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka ee maalinta berri ah.


 

 


Source:VOA