Kacdoonkii Ardeyda iyo Kaalintii UFFO Axmed Maxamed Yuu suf “Jabane”Febraayo 20,2014 Mareegaha Farshaxan Qaybtii 3aad...

 

Dulli Jaamac Gaas Guulwade darbane
waxa igaga daran In Dafle iyo Ina dayla kude
Waxay deeqii tidhi Ma nalkii damay inoo daarayaan
Maxay doonayeen maxay diidayeen
Dekedadii Berberii waa dilaacsan tahayee ma daboolayaan
Dugsigii wax barey iyo dariiqyadii miyey dhisayaan
Dadkii waa bukaayee ma daaway sidaan
Gaanaa darkii Midnimadii dunshayee
Miyey duub castiisa dabaalayaan
Darajadu haddaaney dumbuqaba xukumin
Dable kama adkee maxay doonayaan
Iyagaa dulman oo talo dawladeed
laga dayriyee loo doodayaayee
Laba doqon-maqaar maxay dooni
Maansadii Waxay Deeqii tidhi, Abwaan Cali Sugule –dun Carbeed- Febraayo 1982

“Danbiyada kale ee lagu haysto labadan danbiile(Axmed Maxamed Yuusuf iyo Maxamed Baaruud Cige) waxaa u dheer inay daabaceen wargeys ka soo horjeeda qaranimada.Falkani wuxuu ka soo horjeedaa xeerka 18aad ee Nabadgalyada, qodobkiisa 1aad iyo xeerka 71aad ee Beenal Koodhka(Penal Code) oo diidan in la daabaco wargeyso ka soo horjeeda midnimada ummada” ------Dacwadii Maxkamada lagaga oogay ---------
Wargeyska ay soo saari jireen kooxda UFFO ayaa loogu wanqalay magaca “UFFO”. Sidaa darteed ayaa kooxda iyo magaca la iskugu ladhey.Hase yeeshee hawlgalada samo-falka ah ee ay ka fulin jireen xarumaha dhakhtarka Hargeysa, iyo dugsiyada sare ayaa aad loogu bartey ayna ku suntan yihiin.Waxayse garteen in aan warbaahin dadka baraarujisa laga maarmeyn.Waana ta keentay in wargeyskaa dhidibada loo taago. Magaca ay u xusheen in lagu sunto wargeyskaa iyo hawshan ay ka qayb galeen bud-dhigeeda ayaa ah isla doonasho Illaah iyo dareen sare oo ku ladhnaa kooxdaasi. Magaca may soo ergisan oo Afkeena hooyo marti umay aheyn.Waxay ahaayeen koox aqoonta afka hooyo, aqoonta maadiga iyo garaadkaba ka dhisan.
Af-jooga looma adeegee,waxaanu magacan asalkiisa Af-Soomaaliga iyo ujeedada ay ka lahaayeen waydiinay mudane Axmed Maxamed Jabane . “ UFFO-du waa neecawda wanaagsan ee urta fiican leh kana soo hormarta roobka. Sidaa darteed ayaanu ku sumadeynay hawlahayagan samafalka ah inay yihiin wanaag soo socda oo ka dhalan doona dhulka iminka ah Soomaaliland.” Ayuu yidhi mudane Axmed Maxamed Jabane isagoo ka warcelinayey waydiintii aanu u soo bandhignay ee ku saabsaneyd wargeyska iyo magaciisu siduu ku yimid.
Isagoo sii wata hadalka mudane Axmed ayuu yidhi: “Ka dhiidhiga dhibaatadii dadka reer Soomaliland haysatey inay horseed u noqoto halganka ummada.Sidoo kale in sidii UFFO-daa meel kasta looga urin jiray loogana dareemi jiray uu wargeyska xambaarsan warbixinta hawlahayagan samo-faleed gaadho meel kasta”.
Isago mudane Axmed sii wada hadalkiisa ayuu ku darey intaa: “magaca waxaa keenay Maxamed Baaruud Cali, aniguna waan ku raacey.Dadka looma sheegi jirin halkuu ka soo baxo iyo siduu u soo baxo.Hase yeeshee qofkii lagu kalsoon yahayba waa loo dhiibi jiray si uu u sii fidiyo.Waxaa ujeedadayadu aheyd in bulshada la baraarujiyo,waxna laga qabto dhibta jirtay. Waliba waxaanu horseednay in dhibtaa jirtay aan hadal uun wax lagaga qabanee, bulshaduna dareento in fal ahaan wax lagaga qaban karo, iyadoo la adeegsanayo hal-ku-dhigii (Iskaa Wax u qabso) ay dawladii Afweyne ku faani jirtay”.
Wareysi lala yeeshay Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ka mid ahaa kooxda UFFO ayaa sidoo kale isagoo ka hadlaya wargeyskaa yidhi: “Xilligaa oo ahayd 1981-kii waxa jirtay waraaq yar oo Joornaal ah oo magaceeda UFFO la odhan jiray, taas oo qarsoodi ahayd laguna qori jiray wixii duruufo ah ee dadka haysta, wacyiga dadkana kor loogu qaadi jiray. Manuu ahayn joornaal caadi ah ee waxa lagu daabici jiray Teeb, waxaana ku qornaan jiray ‘Ninkii helawba joornaalkaas sii baddi oo dad kale gaadhsii.’ sidaas ayuu dadku isku gaadhsiin jiray”.
Wargeyskii ayaa gacanta u galay kooxihii nabad-sugida iyo ciidamadii dhabarjabinta. Labadan kooxood oo guushaa gacantooda soo gashey ku faraxsan ayaa u sii gudbiyey dhiigya-cab Diiriye- Gaani-. Markii si kasta wargeyskaa ay u rogrogeen ayaa waxay u arkeen inay waxqabadkooda u gudbiyaan hogaankoogii ina Siyaad Barre.Muddo waxaa lagu hawlanaa sidii loo heli lahaa ragga hawshan wada ee hormoodka u ah.
Wargeyskan gacantooda soo galay wuxuu soo dadajiyey xadhigii lala maaganaa dhalinyaradaa iyo boqno-goynta hawlihii samo-falka ahaa ee ay wadeen.Hase yeeshee in la xidho dhalinyaradan oo hawlgalkooda samo-falka ah la joojiyo qorshaha dawladii Afweyne ayuu ku jiray,marnaba may ogolayn in dadku wax qabsadaan,iyaguna waxba umay qabaneyn.Waxay dawladii Afweyne u heelanayd wax kasta oo dhulka iminka ah Soomaaliland burburinaya dhaqan ahaan, dal ahaan iyo aqoon ahaanba.
Dhamaan dhalinta UFFO waxay isku wada raacsan yihiin inay xog-ogaal u ahaayeen in la xidhxidhayo.Taasi marna kumay keenin inay faraha ka qaadaan hawlihii ay dadkooga iyo dalkooga u qabanayeen. “Haddana annaga oo og in nala xidhi doono ayaan midkaayana waddanka ka baxsan oo aanu joognay, oo aanu nidhi ha la ina xidho oo bal aynu eegno waxay sameeyaan. Is-la habeenkii (Noofember 19,1981) aniga oo guriga jooga ayaa duub-castii amma millaterigii oo gurigayga ku wareegsan la iga toosiyey, waxaana ay i toosiyeen kowdii habeennimo. Waxaana la socday koox NSS ah oo laga soo diray Xamar, oo kuwii Hargeysa way aamini waayeen” ayuu yidhi Dr.Aadan oo u waramayey wariye Cabdi-Shakuur Heersare.
Wargeyskii markuu gacanta u galay maamulkii Afweyne ayey go’aansadeen inay gudagalaan xadhiga dhalinyarada. Maxamuud oo ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska nabad-sugida ayaa maqlay in mudane Axmed Maxamed Jabane laga doonayo xafiiska.Shaqaaluu ka ahaa xarunta nabad-sugida, hase yeeshee wararka iyo hawlagalada xarunta waa laga qarsan jiray.Waxaa la ogaysiin jiray Maxamuud iyo kuwa la midka ahaa eek a soo jeeday wadanka iminka Soomaaliland inta looga baahan yahay adeegsigooda.Sidaa darteed ayaa ninkan Maxamuud waxaa lagu eedeeyey mudane Axmed Maxamed Jabane muu ogayn.
Mudane Axmed Maxamed Jabane oo maalin Isniin ah faras-magaalaha Hargeysa maraya ayaa maqlay Maxamuud oo u dhawaaqaya. “Xafiiska nabad-sugida ayaa lagaa doonayaa”. Erayadaasi ayaa Maxamuud si naxsan afkiisa uga soo baxayey,haddana wuxuu ka mid ahaa kuwa loo adeegsado dhibta iyo hagardaamada bulshada lagu hayo. Muxuu ka ahaa dhawaaqani?
Taariikhdu waxay ku beegnayd bishii Noofember 2dii, 1981kii. Markii uu tagay mudane Axmed Maxamed Jabane xafiiska nabad-sugida waxaa loo kaxeeyey qolkii lagu xidhi lahaa. Habeenimadii aad baa loo garaacey, dhib badana waa loo geystay.Waxaa halkan xusid mudan inaanu Axmed Maxamed habeenimadaa wax magac ah gudbin.Inkastoo dad badani la shir yimaadaan inuu xanuunkii darteed Axmed Maxamed Jabane gudbiyey magacdii.
Wareysiyo aanu la yeelaney kooxaha kale ee la xidhnaa kana tirsanaa ururkii UFFO ayaa cadeynaya in magacda aroornimadii la gudbiyey. Go’aan lagu midaysan yahay baanu ahaa. Aroornimadii ayaa waxaa Axmed Maxamed ku soo booqday xafiiskii Nabad-Sugida dhawr ka mid ah kooxihii UFFO. Waxaa kooxdaa ka mid ahaa Axmed Muxumed Madar oonu waydiinay dhacdadaa,nooguna warceliyey “Aroornimadii ayaanu ku booqnayey Axmed Jabane xafiiskii Nabad-Sugida. Waa la ogolaa booqashada xilligaa.Wuxuu noo sheegay in la waydiiyey dadka uu hawlahan kula jiro walina aanu waxba sheegin.Sidaa darteed ayaa go’aan lagu midaysan yahay ku gaadhney in uu gudbiyo magacda uu xasuusan karo”.
Sidoo kale ayaa kooxdii aan maalintaa booqashadaa aan ka mid aheyna go’aankaa aad ugu reeyeen soona dhaweeyeen. Isagoo hadalkii sii wata mudane Axmed Muxumed ayuu yidhi: “ halkii baanu qalin iyo warqad ku qaadaney, kuna qornay magacda”..
Sidii go’aanku ahaa ayuu Axmed Maxamed jabane gudbiyey magacdii. Isagoo ka waramaya goaankan sababta keentay na wuxuu yidhi: “ dawladaasi waxay doonaysay inay dhawr qof soo qabsato, annaguna waxaanu doonaynayn in magaaladu kacdo, dawladaasina aragto in hawshan dhamaan ummada reer Soomaalialnd u midaysan tahay.iyagaase magacda kala soocay oo kooxo badan ka saarey”..
Dadka magacooda laga reebay waxaa ka mid ahaa Dr. Xadi. Hawlahaa samofalka ahaa ee ay wadeen ayuu ka qayb qaadan jiray.Mar la waydiiyey Dr. Xadi waxa looga reebay ayuu yidhi: “ Runtii waxay aheyd dawlad doonaysay inay ku hano-qaado kuna sii jirto qaybi oo xukun,dhibta guri walba gaadhey ayey u dhigayeen inay guryaha qaar saameysay”...
Sidoo kale waxaa go’aan midaysan lagu gaadhey inaan la magac dhabin xubnihii ku jiray ciidamadii ee saraakiisha ahaa.waxaa xubnahan ka mid ahaa Aadan Sheekh Maxamed Cabdi (IHUN),Maxamed Kaahin, Maxamed Cilmi-Galaan, Maxamed Xaashi Lixle(IHUN), iyo qaar kaloo badan.Saraakiishan hawlaha kale ee ay wadeen ka sokow la shaqeynta kooxdan UFFO ayaa la badbaadinayey.Hawlahaa waxaa ka mid ahaa diyaarinta garabka milatari ee ururka SNM. Xilligan la qabqabtey kooxda UFFO saraakiishan qaarkood waxa joogeen xarunta ciidamada ee ururkii SNM.
Laba cisho ka dib oo ku beegnayd bishii Noofember 4,1981 ayaa gurigiisa laga soo qabtey mudane Maxamed Baaruud Cige. Intaa wixii ka danbeysay arintii waxay noqotay in maalinba koox ama qof la soo qabto.Muddo ayey ku jireen xaruntii nabad-sugida iyo xaruntii 26aad ee Dooxa Maka-Durdure agtiisa ah. Mudadan waxaa garaacis, jidh-dil , iwm lagu hayey kooxdan UFFO. “Maalin maalmaha ka mid ah ayaa la noo qaybiyey waraaqo ay ku qoran yihiin xeerarka la nagu qaadayo iyo dacwada la nagu haystaba” ayuu yidhi Axmed Maxamed Jabane isagoo ka waramaya xilliga loola wadaagey si cad xeerarka lagu hayto iyo dacwada lagu soo oogayba.
Dawladii Afweyne waxaa si cad uga go’nayd inay boqno-gooyaan aqoonyahanadan dhiiradey. Sheekaduna noqoto isha Cali nin dayey wax ku qaadasho ugu filsaho.Hase yeeshee rag is-gurayee qoraalkii dacwada ayaa bulshada reer Hargeysa gaadhey.Go’aana waxaa lagu gaadhey inaan ardey iyo hooyooyin loo kala hadhin maalintaa Maxkamada la keeno.
Markii xog khasab ah laga ururiyey ayaa la gaadhey maalintii maxkamada la soo taagayey. Bishii Febraayo 20, 1982 ayaa Maxkamada ku sheegii Badbaadada ayaa la horkeenay dhalintaa. Waxaana qorshuhu ahaa in dil dhamaantood lagu xukumo,qoortana loo dheereeyo.
Hase yeeshee gargaar ay isku kaalmeysteen hooyooyinka magaalada Hargeysa iyo ardeyda dugsiyada Hargeysa ayaa arintaasi ka suutogali wayday. Waxay isbaheysigaasi hub ahaan u adeegsadeen dhagax ay ku kala tureen qorshihii dawladaasi wadatey,kagana baajiyeen dhalintaa UFFO dilkii loo qorsheeyey. Sidaa darteed ayaa dhalinta UFFO loo gudbiyey Xabsiga Hargeysa, laguna kala xukumay xadhig u dhexeeya saddex gu’ ilaa madaxaa ha ku furto. Inkastoo tiro koobanna la sii daayey.
Maalintii dhawayd Dheddigii Jihaad
Dhababay galeen Caruurtuna dha’dhaab
Dhulka tiilay bay Dhirta ula baxeen!
Dhanna hadallo culus Oo dhaxalgalaa
Dharka ugu qornaa Dhayal u seexan mayno
Dharagna dooni mayno Ninna ka dhawrsan maynee
Haddaanay bedar ka dheeraan Waa haddaad dhalasho waydeen
Maansadii Dhaqan wadani ee Abwaan Aadan Tarabi
Waxaa runtii mudan in lays dul taago xeerarkii laga jeediyey Maxkamad ku-sheegtii.Xeerarkani waxay ahaayeen kuwo in badan la adeegsadey, dan gaar ahna u fulinayey xukuumadii Afweyne.Sidaa darteed ayaanu raadsaney sharci-yaqaan mudane Ibraahin Xaashi Jaamac si uu inoogu balbalaadhiyo xeerarkani.Waxaanu mudane Ibraahin yidhi: “Af Weyne ayaa soo saaray 10kii bilood ee ugu horeeyey gudahood markii uu xukunka maroorsaday oo dad aad iyo aad u fara badan ayaa loo adeegsadey dilkoogii iyo xadhigoogii .Waxaana adeegsatey Maxkamadd Badbaadad ku sheegtii laakiin ahayd “Bohol ku ridda dadka” . Waan kaydiyey xeerar ku sheegayadaas oo marbaan ku soo dari mareegta“Somalilandlaw.com” si aan loo ilaawin. Mar kale ayuu mudane Ibraahin isagoo xeerarkaa mid mid u faahfaahinaya yidhi: “Xeerkani waxa la odhan jiray “Law for Safeguarding National Security” oo qodaban aad soo sheegaty waxay ka hadlayeen”………………….

La soco qaybta afraad………………..
TIxraac:
-Taariikhdii Iyo Waxqabadkii Dr. Aadan Yuusuf Abokor
Wareyste: CabdiShakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
-Note on My teachers’ group
Qore: Jaamac Muuse Jaamac
- Dhacdadii Dhagaxtuur iyo Dhiiranaantii Dr.Maxamuud Sh.Xasan Taani
Qore . Fu’aad Sheekh
- Ardaydii Dhagaxtuur iyo Dhugashadii. Maxamed Baaruud Cali.
Qore . Fu’aad Sheekh
-Wareysi Sharci-yaqaan mudane Ibraahin Xaashi Jaamac..
Wareyste: Bahda Mareegta Farshaxan
 



Diyaarintii iyo tifatirkii :
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegta Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org