Kalfadhigii Maanta ee Golaha Guurtida oo lagaga Dooday Baahiyaha Bulshada iyo Bilicda Magaalada Hargeisa


 

 


Fadhigan Maanta ayaa waxaa Si wayn looga hadlay Bilcda Magaaladda oo ay sheegeen in buls haddi danyarta ahayd ee ku nool

Hargeisa (TNN)-Kalfadhigii oo maanta ee Golaha Guurtida oo laga Dooday Baahiyaha kala duwa n ee Bulshada sida Waxbarashada, Cadaalada, Caafimaadka, Biyaha iyo Bicda.

Fadhigan Maanta oo ka Qabsoomay Aqalka Wakiilada ayaa waxaa Gudoominayay Gudoomiye K u Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Sxmed Sh.Nuur Furre

Fadhigan Maanta ayaa waxaa Si wayn looga hadlay Bilcda Magaaladda oo ay sheegeen in buls haddi danyarta ahayd ee ku nool caasimaddu ay dhamaantood ka furteen ganacsiyo yar yar wadada dhexdeeda taasina ay sababtay ka dib markii ay dawladdu ka qaaday cashuur faro badan kana badatay faa,iidadoodii haseyeeshee waxay sheegeen in maayarka iyo wasiirka arrimaha gudaha ay la shireen dhamaan xubnaha ganactada bacadleyaasha suuqa waaheen ayna usheegeen intii hore udaganayd iyo inta dhawaan kusoo biirtay ay soo liis gareeyaana.

Xildhibaanadani Waxay Sheegeen in ay khadka telephone kula xidhiidheen ayaa Masuuliyiinta Bilicda Wadakuwaasi oo ay isla meel dhigeen halkii loo rari lahaa dadka dawladdu ka kicisay wadooyinka iyo in dawladdu bixin doonto wixii kharash kusoo hagaaga qayteeda, qaybta ka lena laga qaadi doono bulshada si loogu sameeyo xarun ay ku ganacsadaan ,si loo soo noolee yo danyartii laga quudin jirey meelahaasi ayna sameeyaan xubno kamida guurtida oo la habee ya dhulkaa si loo qaadsiyo lana nidaamiyo

dhinaca kale xildhibaanadu waxay sheegaan in birihii xadiidka ahaa ee laga samaysan jirey qal abka kala duwan sida:midida.birqaabka,Iwm loo raro wadamo kale habeen walbana 4 ilaa 5 gaadhi ay magaaladda ka baxaan waxaanay sheegeen waxyaalahasi muhiimka ah ee wadanka lagala baxayo ayaa waxay xaqiijiyeen in dawladda haaatan jirta ruqsadda siiso xubno dawlad da ka tirsana ay dan ku qabaan waxaanu xildhibaanku sheegay in labaabiiyo dhamaan meela ha birahaasi lagu iibiyo waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in la joojiyo waxyaalahaasi sida fudud ubaxaya

Sidoo kale waxay xildhibaanaddu ka hadleen biyaha oo ay sheegeen in magaaladdu 30% ay caadi uhelaan laakiin bulshada inteeda kale aanay helin waxaanu sheegin iney jiraan mashaa riic biyaha ah oo lawado mustaqbalka dhaw,iyagoo xildhibaanadu hadalkooda sii wata waxay sheegeen in sida maanta biyaha loo maamulo waa si,aan fiicnayn ama maamulkeedu xunyahay waxaanay cadeeyeen in xaafadaha qaar aanay helin biyaha ama ay halkii usbuucba halmar helaan xaafadaha qaarna maalin walba helaan tasina ay cadaaladda ka fogtahay maadaama ay hal magaalo wada yihiin sidoo kale waxay cadeeyeen in looyeedhi doono xubnaha u qaabils an biyaha lana weydiin doono

Dhinaca kalena waxay ka hadleen xagga waxbarshada oo ay sheegeen in ay caadi ama sida ugu wanaagsan usocoto dhinaca jaamacadaha laakiin iskuuladdii dawladdii ay hoos u dhacwey ni kuyimid ayna ka horeeyaan kuwa gaarka looleeyahay sidoo kale bulshadu aanay isku wax ama hanta kuwada filan ghaysan awoodna ulahayn iney kuwa gaarka looleeyahy wax ka bart aan hadaba waxay kale ooay sheegeen in iskuuladdi dawladda laga dhigay bilaa lacag laakiin macalimiintii aan weli lasiin lacag kufilan oo dabooli karta baahiyahoodii Waxay intaa kudareen dhinaca caafimaadka oo ay sheegeen in bulshada soomaaliland aan xarumaha caafimaad u ba danyihiin qaar dadweynuhu leeyihiin ,bulshaduna ubadanyihiin danyar aan awoodi Karin iney dhakhtar tagaan

Iyadoo taasi jirto maray ka hadlayeen dhinaca sharciga waxay sheegeen in dadweynuhu aad ujecelyihiin inay helaan qofwalba sharci kufilan hadaba waxa jirta in xarumihii sharciga ee ay ugu horeeyaan maxkamaduhu aanay jirin kala danbayn laakiin maxkamadaha ay ka jirto musu q maasuq baahsan
 

 


Cabdiraxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland