Kamooshinka oo caawa
ku dhawaqay in ay joojinayaan hawlihii diwaan
galinta G.Hargaysa
Gudoomiyaha Diiwaangelinta KDQ.
Ismaaciil Muuse Nuur ayaa markii u horeysay caawa ku dhawaaqay in
hawshii diiwaangelintu xidhmayso, isla markaana sheegay in Qalabka a
Diiwaangelinta ugu talo galeen ku eeg yahay lixdaa maalmood ee ay
socotay, awoodna aanay u lahayn in gobolka Maroodi-jeex ay kasii
socoto diiwaangelintu.
Gudoomiyuha oo caawa mar uu ka hadlayay arrintan Saxaafaddu wax ka
weydiisay sida ay ka yeelayaan cidii aan is diiwaangelin ama safafku
ka buuxsameen ayaa sheegay in qalabka lagaga hawl galayay Gobolka
Maroodi-jeex ku xaddidan yahay Muddadaa Lixda maalmood ah, Komishan
ahaana aanay hayn dhaqaale lagu sii wado oo ay ku kordhiyaan, isagoo
arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi: "Haddii Gobolku iska kafayn
karo isla markaana iska bixinayo gunnada Hawl-wadeenada
Diiwaangelinta Waanu sii wadaynaa".
Dhawaaqan ka soo yeedhay Gudoomiyaha ayaa badiba shaki geliyay guud
ahaanba mujtamaca kalsoonidii ay ku qabeen komishanka, taasoo ilaa
Caawa dadku ku hadal hayeen goobaha laysugu yimaado.
Aqoonyahanka bulshada oo badiba falanqayn ku sameeyay hadalka GGD,
ayaa walaac ka muujiyay haddiiba shacbiga gobolka Maroodi-jeex oo ka
siman in la koxdhiyo Muddada diiwaangelinta ay bixiyaan kharashka
Hawl-wadeenada ay labo kaclayn ku samayn karto Cabashadii Gobollada
Saaxil iyo Awdal ka Qabeen Muddadii Diiwaangelinta ka qabsoontay
bishii Oct.
Haddaba Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed
Ismaaciil Maxamed (Kabo-weyne) oo aan wax ka waydiiyay arrinta mar
aan goor kula xidhiidhay khadka Telefoonka ayaa ii sheegay inaanu ka
warqabin dhawaaqa Guddida Diiwaangelinta, balse ay Komishan ahaan
iyagu dib isugu noqonayaan, go'aan rasmi ahna kasoo saari doonaan.
Si kastaba ha ahaatee Tibaaxdan kasoo yeedhay GGD ayaanay ilaa hadda
wax jawaab ah ka odhan Xukuumadda Somaliland iyo Wakiillada Seddexda
Xisbi Qaran, iyada oo la saadaalinaayay in wax lagu daromudada is
diwaan galinta oo bari ku eeg hubaalna waxa jira dadaad u tiro badan
oo aan is diwaan galinin sababtuna ayna iyaga ahayn ee ay ka
dhalatay shaqaalaha wax diwaan galinaaya oo aad u gacan cuslaa iyada
oo aanay shaqaalaha wax diwan galinaayay ay ahaayeen qaar aan
khibrad badan lahayniyada oo dib u dhac balaadhani uu ka yimid xaga
shaqaalaha kamooshinka ee wax diwaan galinaayay, sideedaba dadka
iska diwan galiyay gobolka Hargaysa ayaa aad u tiro badan oo dadkii
la filaayay ka farabatay, taasi oo ay shaqaalaha wax diwaan
galinaayayna iska xejin waayeen culayska dadka is diwaan galinaayay,
sida ay doontaba ha ahaatee dadweynaha reer Hargysa ayaa gudoomiyaha
kamooshinku uu dhawaan ku tilmaamay qaar ka degen ama samir badan
gobolada Awdal iyo Saaxil, goboladaasi oo uu sheegay in ay kala soo
kulmeen dhibaato lamana garnaaayo in uu fursdaasi naxariista leh
dadweynaha gobolka Hargaysa awgeed ay kamooshinku ugu adkaysanayaan
in ayna waxaba ku darin mudada diwaan galinta.
Qarannews
|