Kansarka-caloosha

 

Qaabka uu u egyahay bilowga Kansarka-calooshu

kansarku wuxuu mudo dheer kuqarsoonaadaa qaybaha jilicsan ee caloosha,kahor intaanu sikediso ah u kobcin,bal markaa waxaan halkan isku deyi doonaa

inaan wixii Alla kaqadaro u iftiimiyo Bulshada Afka-soomaaliga kuhadasha khatarta Cudurkani leeyahay iyo wejiyadiisa kala duwan ee uu dadka ugu dhoco.


Calaamadaha lagu garto:



1. Caloosha oo si dhaqso ah u casirantaa waa calaamad kamida ifafaalihiisa inkasta oo ay halkan lawadaagto waxyaalo kale oo badan.



2. waxaanse lagu garan waayin adigoo kawis-wisa iskana soo taaga cunitaanka Hilibka,
3. dareenka Uurkujirta iyo cadaadiska Ubacda oo kordha,



4. Apitite oo kaluma Qofka iyo miisaanka Qofka oo sixawli ah isu dhima,



5. Ruuxa oo dhiig madow mantaga iyo Saxaro madaw oo urteedu ba'antahay.


Waxyaalaha Sababa:


Inkasta oo aan sibuuxda loo xaqiijin waxyaalaha sababa Xanuunkanka  Kans arka Caloosha ayaa hadana waxaa hubaal ah in qiijinta Sigaarka iyo  cabitaa nka Alkoholku  soo dedejiyaan Xanuunkan dilaaga ah.



1. Dubista Cuntooyinka (Nitrosamine)
2. Sunta kadhalata Qiiqa marka lagubo waxyaalaha duxda leh (Plyzyklische armatische Kohlenwasserstoffe) ayaa iyana kamida waxyaalaha qarxiya Kansarka-caloosha
3. Sunta kadhalata Walxaha caaryaystay (Aflatoxine) iyo Cuntooyinka xumaaday iyo Bakteeriyada nooca loo yaqaano Helicobacter ayaa iyana loo tiriyaa kuwa badhitaara Xnuunkan.


Dadka Unugul Inuu Kudhoco Kansarka-calooshu:


Kansarka-caloosha oo ah mid kamida kuwa ugu faraha badan ee Dadka  kud haca marka loo eego noocyada kala duwan ee Kansarka,badiyaana laga helo dadka da'doodo Afartan (40) Sano kaweyntahay,khatartiisuna waxay siyaa daa:

1. Culayska Masuuliyada leedahay hanoqoto mid Qoys ama mid qaab kaleba lehe.
2. Stress-ka faraha badan,iyo Qofka oo isku buuqa,
3. Dadka ay kafeydantey amaba kamadhatay Gaska Calooshu sida kuwa Gaasteriga qaba (atrophe Gastritis),
4. Iyo weliba Dadka Guntimaha Caloosha kuleh.


Hadii Qofka hore loo ogaado inuu hayo Kansarka-calooshu,qaliina lagu sameeyo waxba kagama duwana kan caafimaadka qaba,hadiise xanuunka la ogaado goor Xeedho iyo Fandhaal kala dheceen in kasta oo qaliin lagu sameeyo waxaan meesha laga saarin inuu soo rogaal celiyo sida badiyaaba dhacda.



qaabka uu yeesho marka uu faraha kaboxo




Siyaabaha Looga Hortago:

1. Kawaantoga ama ugu yaraan xadeynta isticmaalka Sigaarka iyo Alkoholka,
2. Ilaalinta Miisaankaaga oo cuslaada (Inaad aad u naaxdo);
3. Yaraysiga cunida Hilibka iyo waxyaalaha Duxda hodanka ka ah,
4. Yaraysiga wax kasta oo aad loodubey ama lamoofeeyey sida Hilibka solayga ah iyo cunida Cuntooyinka gubtey,
5. Iska ilaalinta inaad neefsato Siniinta kabaxaysa meel wax lagu dubayo ama lagu moofaynayo siiba teeda Duxda leh.
6. Iska ilaalinta inaad Sigaar cabto xiliga aad wax shiilanayso,solayso ama dubanayso siiba waxyaalaha duxda leh.


7. Iska ilaalinta inaad cunto cuntooyin caaryaysay


PS: Cuntooyinka midhaha ah sida Lawska iyo wixii lamida way adagtahay in la arko inay caaryayseen



Goormay haboon tahay inaad Dhakhtar u tago:




Hadii in kabadan Afar wiig Calooshaada aad kadareento casiraad aan caadi ahayn waxaa kula gudboon inaad endeskopy tagto (Sawir kamarad lagu dhaadhicinayo Caloosha) ama tijaabo laga qaadayo caloosha iyadoo in yar oo kamida Caloosha lsoo jarayo (Gastrocopy).



Sideed isu caawn kartaa:



Wax kasta oo nafta naruuro gelinaya kaana dheeraynaya murugaduba waxay wax tar uyihiin qiimaha Nolosha waxaanay difaac kayihiin noocyo badan oo Cuduro ah



Daaweyntiisa:



Qaliin deg-deg ah oo hayaraato ama haweynaatee qayb caloosha kamida lagu goynayaa waa lama huraan,iyadoo qaybta caafimaadka qabta ee soo hadhay lagu tolayo Mindhicirka dhuuban.


Inkasta oo qaliinkaasi yahay mid culus hadana waxaa maanta lagaadhey in lasameeyo qaliino xataa hadii gebi ahaanba Caloosha meesha laga saaro qofku sii wadan karo nolol caadi ah,walow ay bilo qaadanayso inta qofka dheef shiidkiisu dib ula qabsanayo qaadashada Cunto waafi ah,Macdanaha  Vitami nada iyo waxyaalaha kale ee Jidhka kamaqan waxaa mudadaas lagu kaabaa Dawooyin buuxiyaa kaalintaas.


Qaliinka kadib qiijinta Sigaarka iyo cabitaanka Alkoholkubu waa looma dhowaadaan.

 



Hersi Osman

osam71@hotmail.com
Frankfurt am main/Germany