Kastamka Magaalada Berbera oo Muddo ka Yar Bil soo Xareeyey Lacag ka Badan 11 Bilyan

 


Berbera (TNN)-Kastamka cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Berbera, ay aa muddo bil ka yar oo masuuliyiinta loo magacaabay xilka hayeen soo xareeyey lacag fara badan oo la sheegay inay ka badan tahay 48 kun oo dollar.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) mar uu toddobaadkan xafiiskiisa ugu waramayey wariye Jamhuuriya ka tirsan oo booqday, isagoo sheegay in muddo labaatan maalmood ah kastamku qabtay lacag dhan 11 bilyan, 4 milyan iyo saddex boqol iyo dheeraad kun oo shillinka somaliland ah, isla markaana noqonaysa dollar ahaan ku dhawaad kunton kun oo dollar, taas oo uu xusay in aanay  laam aha kale ee cashuurta ee gobolku.

“Waxaan aad u hambalyeynayaa Kastamka Wasaaradda Maaliyadda hawsha wayn ee ay qabteen oo runtii iyagoo waxaan ka badnayn muddo labaatan maalmood ah Berbera  lacag ta ay hayaan markii aan soo kormeeray ay maraysay 11 bilyan iyo 4 milyan iyo saddex  bo qol iyo dhawr iyo sodon kun, oo dollar ahaan noqonaysa $48 kun oo dollar iyo siyaado, taa s oo aanay ku jirin laamihii kale ee Wasaaradda Maaliyaddu, waxaana taa keentay wada shaqaynta iyo habsami u socodka shaqada dawladda ee gobolka ka jirta,” ayuu yidhi  Badh asaabka Gobolka Saaxil Mr. Ramaax.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka waramay qorshihiisa maamul oo uu sheegay inuu ugu  h orreysiiyey sidii uu iskugu xidhi lahaa laamaha dawladda ee gobolka oo uu tilmaamay in  aa nay hore iskugu xidhnayn.

“Saaxil waa gobolka ugu dhaqaalaha badan gobollada Somaliland, runtii in haddana la  yidh aahdo waa gobolka ugu dib-u-dhaca badan cid kasta oo reer Somaliland ahi way la  yaaba ysaa oo ma qaadan karaan, taana waxa keenay maamulladii hore, waayo haddii aannu  qo fku garanayn wax uu qaban karayo inuu isagu qabto oo uu cid kale ka sugo oo shillinkii  me esha ka soo baxayeyna aan khasnadii dawladdana lagu ridin meel aan ku munaasib ahayna lagu bixiyo waa dhibaato.

Waxaan qabaa in aan Berbera horumar degdeg ah gaadhsiin karo ka badhasaab ahaan, ani ga oo ku shaqaynaya iskaa wax-u-qabso, inkasta oo ay iminka tahay Ramadaan haddana waxaannu dadka u sheegnay in habeen kasta 7 ilaa 10-ka aannu magaalada xashiishka ka ururino ama nadiifino magaalada. Waxaan soo rogay in la shaqeeyo 7 subaxnimo ilaa 1:00 maalinimo, waana la qaatay oo dadkeenu waa dad wanaagsan oo amarka qaadanaya,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan booqday cusbitaalka Waalida oo caawimo yar oo la siiyo mooyee kaalmo kale helin, iminka waxaan u qoray afar qof oo shaqaale ah oo nadiifiya maalin walba, si caafimaadku u horumaro.

Markaa Waxaan qabaa in waxyaabo badani ii hirgaleen, inta kalena ay ii hirgeli
doonto.”

Mar uu ka hadlayey dekadda Berbera iyo xilligan hawlaheeda, waxa uu yidhi, “Waxaan soo kormeeray dekadda sidii hawlaheedu u noqon lahaayeen qaar hufan, maamulkii joogayna (kuwii la beddelay) waanu ka wadahadalnay inuu moosinkii Xajku bilaambayo, isla  markaa na bad-furankii imanayo oo dekaddu culays badani fuuli doono, sidaa darteed in loogu  talo galo qaabkii looga faa’iidaysan lahaa, waxaannu isla gaadhnay in koontiinarada madhan  di bada loo soo saaro oo barxada hore ee bannaan la dhigo iyo in loo fududeeyo dadka  deka da wax ka cashuuranaya oo dhibaato badan ku qaba oo ah ta keentay in had iyo jeer  gan acsatada Somaliland ku cararto meelo kale.”






Source:Jamhuuriya