Kawaanka Maka-Durdure Iyo Kalkii Sheekh Muxumed Raage (IHUN)...(Qaybtii 3aad)



Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye

Samadii daruur laguma arag Seermaweydadae
So'dii ceelka waa waxa biyuhu uga sal guureene
Adduunyadu sidaa kuma gudhoo subaxba waa cayne

Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
Suuldaaro waw halis ninkay rag isa seegeene
Sirqabahana taariikhdu way sahamindoontaaye

Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye
Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne

Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye
Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" (IHUN)

Qofna iskumuu hawlin inuu dibu-habeyn iyo hagaajin ku kaalmeeyo gogosha kibirka lagula ka cey. “Waar wuxu miyaaney ixtiraam iyo dadnimo midna laheyn” ayaa nafta si hoose loola wad aagey. Waydiintaa ayaa warcelinteeda laga dheehan karaa maahmaahda ah “Ileyn doofaar abidkii ma doorsoomo”.

Hase yeeshee waxaa bilaabmatey dood iyo ra’yi iswaydaarsi ku salaysan falalka askartaasi kula kaceen gogosha Sheekha Xurmaada leh iyo halkay Sheekha kaga yimaadeen. “Miyey inn aga qarsoonayd inaynu dil-sugayaal nahay,waxaan la hubin uun sida la inoo dilayo-ee – ma kali kali bay noqon mise innagoo isku duuban iskuna xidhxidhan ayey qoryaha innagu hooobin” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii.

Weedhaa waxaa si lama filaan ah warcelinteeda iyo ka faaleynteeda bogga ugu dhigay Sheek h Cabdilaahi Khaliif –Ku Caddeeye-(IHUN). Sheekh Cabdilaahi intuu Kitaabkii Quraanka ahaa ee uu gacmaha ku hayey gacan kaliya iskugu geeyey ayuu yidhi: “Waxay og-yihiin in Sheekha ciidan xoogani ka danbeeyo oo xertii oo dhami taakuleyn iyo gargaar la garab istaagi doonto SNM-ta”. Askari ku jiray qolka, kana mid ahaa xertii Sheekha ayaa u hinqadey wax-ku darsiga weedhaa, yidhina “Xerta waxaa kaloo kaalmeynaya Illaahuu Sheekhu ku xidhan yahay iyo Awliyaduu la khalaaweeyo habeen kasta”.

Dadkii arga-gaxsanaa ayaa qaar ilka cadeeyeen,qaarna sheekadiiba si kaftan ah u rogeen. Waxaadse wali dareemaysay in dadkani wajiyadooda ay ku sii dhigan tahay warwarka ay ka qabaan halkuu Sheekhu joogo iyo xaaladuu ku sugan yahay. Itaal la’aantu xumaa marka dulmi la arkayo waxba laga qaban kari waayo ee qalbiguun ka nac awooddu ku soo ururto.Waa She ekh Muxumed Raage oo la ogaa hibbada iyo hanka uu Illaahay ugu deeqay ayaa sidaa loola dhaqmayaa.Waxay muujinaysay cadaawada garaad-laawe gosha gashadey siday u fogayd. Wax kale kuma garatidee dareenka dadkaa waxaa loo sawiran karaa siduu dareenkiisa u cabir ay abwaan Raage Ugaas Warfaa (IHUN):

Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye

Iyadoo dareenkaa qoomaamada leh lagu sugan yahay ayaa dhinaca albaabka mar kaliya la wada eegay.

Sanqadha qufulka iyo furaha isla- hawlgalay ka dhalatey ayaa dadkii soo jeedisay.
Waxaa soo galay Sheekh Muxumed Raage oo wajigiisu aad uga duwan yahay siduu dadkan kaga tagey.Waxaa hareer socday labadii askari iyo mid saddexaad oo ku soo biiray. Waa saddex xadhigle Siciid Quule oo nugayl badan u muujin jiray dadkan. “Sheekh haddaanad hayn halkeed ka keeni, haddii aad haysana iska sii way kugu kadeedi doonaanee..” ayuu Siciid Quule isagoo dhinaca albaabka u sii dhutinaya.Siciid Quule markuu sidaa leeyahay waxaad dareem aysay inuu ka damqadey sida Sheekha loola dhaqmay,awood iyo itaal baase kaalmeyn waay ey markaa.Sheekh Muxumed intuu eegay ayaanu wax hadal ah u celin.

“Ina Quulloow Sheekha halkeed gayseen” ayuu la gaadhey Xuseen Cabdale oo albaabka u dh awaa. “Kuwo xagga sare laga soo diray ayaa Sheekha waraysanayey” intuu Ina Quulle yidhi ayuu albaabka boobay.Labadii askarina way ka sii horeeyeenba.Koox dhalinyaro ah oo Sheekha gogol-daris ay ahaayeen ayaa la kala booday gogoshii. Intay hurgufeen ayey ka gaadhsiiyeen inuu Sheekhu ku fadhiisan karo iyadoo hagaagsan. Sheekhu wuxuu u jeestay dhinaca woqooyi ee madax-dhigadkiisuna ahaa,isagoo go’iisii Ilaahay uga reebay askarigii kawaanka ku jeeni-qaartey. Wuxuu sheekhu guda galay inuu bilaabo dikrigiisii, dhaqdhaqaaqa tusbaxa iyo sawaxankiisana waa la dareemayey.

La dareen in Sheekhu wuxuu diidan yahay ku soo dhaceen.Qof kaliya oo ku dhacay inuu waydiiyo halka la geeyey Sheekha ma jirin. “Sheekhu ha nastee u kaadi ” ayuu qof waliba iskugu sheekeeyey. “Aabbo biyo ma kuu shubaa ” ayuu yidhi askarigii xerta Sheekha ahaa. Sheekhu intuu dhiniciisa jaleecay ayuu si madax tilmaameed ah ugu sheegay inaanu doonayn biyo iminka, ilka cadeyn uu khasbayeyna wuu raaciyey.
Hadal li’idaa Sheekhu dadkii dareen naxdineed oo kale ayey sii galisay. “Annigaa dadkan idinka aqaanoo waxay doonaan ayey Sheekha ku odhanayaan ama waydiinayaan” dhawaaqaas ayaa dhinaca daaqada laga maqlay. Waa Caaqil Yuusuf Khaliif Cige-Xaruuri -IHUN- oo fadhiyey gogoshiisa,kuna dhaweyd daaqada dhinaca galbeed ee albaabka u dhawayd.Waxaa Caaqil Yuusuf ka xigay dhinaca daaqada Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed (IHUN) iyo Abiib Xasan Filfil oo ahaan jiray wasiirkii ganacsigee dawladii Daahir Riyaale.

Dadku Waxay u kala fadhiyaan laba saf oo dhaadheer.Mid dhinaca Koonfureed ayuu xigaa oo ilaa dhawr iyo soddon qof ayuu meeleeyey,halka ka kale ka soo jeedo dhinaca woqooyi uuna meeleeyey ilaa dhawr iyo labaatan qof. Waab yar oo loo qoondeeyey in saxarada iyo kaadida lala tago ayaa safkan dhinaca bariga ka soo gaabiyey.

Iyadoo lagu jiro aamusnidii, lagana dhursugayo warbixinta uu Sheekhu soo gudbin doono ayaa dhawaaq xooggan oo rasaaseed la maqlay.Dhawaaqu sidii wax soo dhawaanaya ayuu u sanqadhayey,rasaastuna way sii badaneysay.Guul waabkan(xabsigan) laga baxayo inay noqonayso iyo geeridii oo shilkeedii yimayd inay tahay lama kala garan.

-Sixid: Taariikhda Sheekha kawaanka Maka-Durdure la geeyey waa bishii Juun
1988 oo maalin Jimce aheyd.Maaha bishii Juun 1989 sidii aan qoraaladii
hore ku soo qornay.Waa qalinka iyo gefkiisii..

la soco qaybaha danbe.

 



Ururintii iyo tifatirkii

Fu,aad Sheekh (somaliland@farshaxan.com )
Bahda mareegta Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org