Kenya oo Xannibaad Ku Soo Rogaysa Md. Yuusuf

 

Moses Wetangula

Dawladda Kenya oo xillagan haysa madaxnimada urur-goboleedka IGAD ee dusha kala socda hab-socodka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in cunaqabayn ku soo rogi doonto madaxwaynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.


Wasiirka arimaha dibadda Kenya Moses Wetangula ayaa madaxwaynaha ku tilmaamay in uu carqalad ku yahay nabadda Soomaaliya, sidaa darteedna lagu soo rogayo isaga iyo qoyskiisaba xayiraad xagga safarka ah iyo waliba hantida Kenya u taal oo la xannibi dooo.



Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf ayaa maanta ra’iisul-wasaari u magacabay ninka ay sida wayn isugu dhowyihiin Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere oo isagu badali doona ra’iisul-wasaare Nuur Cadde.



Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa Isniintii shalay ahayd si wayn codka kalsoonida uga helay barlmaanka Soomaaliya, maalin kadib markii uu madaxwaynuhu sheegay in uu shaqadii uga joojiyay sababo la xiriira musuqmaasuq iyo karti la’aan.



Isqab-qabsiga siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda Soomaaliya ayaa ku soo beegmay iyada oo ay Soomaaliya isku dayayso sidii ay wax uga qaban lahayd Islaamiyiinta xag-jira ee awoodda badan iyo burcad-badeedda ka jirta xeebaha Soomaaliya.
 

 



Source:voa