Khasaaraha ka Dhashay Meherad Ganacsi oo Xalay ku Shuf Beeshay Badhtamaha Magaalada Gabiley.
 



Gabiley (TNN):- Meherad Ganacsi ayaa Xalay Saqdii Dhexe ku Shuf Beeshay Badhtamaha Magaa lada Gabiley Taasi oo aanu Ciddi Waxba ku noqon balse ay Hanti badani ku Burburtay.

Xalay Abaaro 1:30 kii Habeenimo Ayaa Dab Qabsaday meherad Ganacsi oo ah kuwa lagu Gado Alaabada iyo Raashinka taasi oo ku taal meel ku Dhaw Masaajidka Al Nuur ee Magaalada Gabiley.

Lama Garan karo waxa uu ka kacay Dabku Balse Booyadaha Biyaha ayaa Gurmad u Fidiyay Dami nta Dabkaasi kuwaasi oo awoodi Waayay inay Badbaadiyaan Hantida Gubanaysa

Dabdamiska Dawlada Hoose ayaa Soo Gaadhay Goordanbe oo Meheradu Bas beeshay balse nas iib darro isna waxaa Shaqayn Waayay Tuunbooyinka Qaarkood oo Ciladi ku Timi Taasi oo markii Danbe Booyadihii Biyihu ku Guulaysteen in ay Damiyaan dabkaasi.

Mulkiilaha Meheradan oo lagu Magacaabo Axmed Cali Buux oo aanu Khadka Telefoonka kula Xidh iidhnay ayaa noo Sheegay in Hanti badani kaga Gubatay oo ubadnayd Safarro uu Xalay keenay iyo Hanti kale oo ay lahaayeen Dad Reer Gabiley ah oo Meherada Dhigtay.

Gubashada Meheradaha Ganacsiga ayaa ku Soo badanaya Gobolka iyada oo Dhawaan Magaalad a Gabiley ay ku Gubatay Kaalin Shidaal oo Khasaare badan Sababtay halka isaguna uu Dhawaan ku Shuf Beelay Suuqii Waynaa ee Ganacsiga Wajaale, kuwaasi oo aanay jirin Haba yaraatee Wa x Gurmad ah oo Xukuumadu ufidiso Dadka Masiibooyinkani ku Habsadaan.